Wabigeena shabeelle ayaa wax tarkiisa yaraadee maxaad waaya u joogtay warna aadan kahaynin ?

by hanad | Friday, Mar 18, 2016 | 2319 views

Ma ogtahay in wabiga shabeelle dhirirkiisa uu la’egyahay 700 km ? Maku soo gaartay in Mugga biyaha wabiga shabeelle uu yahay 1700 milyan m3 ? Aqrsitoow, wabigii aad garanaysay, oo biyaha soo gaddinaayay, oo 50 kun oo hectar waraabinaayay, soomaaliyana loogu isticmaal badnaa, Gurnaan haddii ay ku timid maxaa kaala godboon oo horay aad u gorfaysay ?
15/03/2016, Waxaan booqday, Wabiga shabeelle, gaar ahaan dagmada Afgooye, Waxaan in dhahayga ku arkay wabiga oo guray, islamarkaanna aad ku dhax lugayn karto, anigoo murugaysan, ayaan wabiga gudihiisa galay, si aan ugu kuur galo, xaaladda dhabta ah ee wabiga uu ku suganyahay.

Markaan wabiga sagxaddiisa tagay, oo aan madaxa kor u qaaday ayaa indhahayga waxa ay qabteen Wabiga oo illimaynaya.! Oohin aa ?! Mar haddii dhoobayda wabiga salkiisa taallay ay dil dilaacday maxay tahay oohinta kale ee kuu dhiman oo aad sugayso? ALLA ma sidaan buu wabiga dadka qaarkii uga qalbi jilicsanaa ?! Islamarkii wabiga Waxaan waydiiyay, Su’aal.! Waxaan ku iri : Wabiyahoow maxaad u gurtay ?! Yaysan kula noqon wax mucjiso ah haddii aan ku dhoho, wabiga waa ii jawaabay.! Wuxuuna igu yiri : Maxamadow Guritaanka hadda maan bilaabay mase waan guri jiray ?! Waaga aa igu baryay, Waxaan soo xasuustay in Wabiga uu guri jiray, waxaan kaloo soo xasuustay Dardaaran adag iyo talooyin uu bixiyay Aqoonyahan ismaciil Maxamed cumar*1. Taas uu ku qoray dhiganihiisa (buuggiisa) Gacan qabsiga mooska. Haddaan u soo noqdo jawaabtayda, Waxaan ku iri: wabiyahoow, waad guri jirtay. Markaas uu wuxuu igu yiri: maxaad uga tabaabushaysanwayseen ? Soomaliddiina saddax sheey ayaa isku darsateen:

Fikir xumo.
Garasho xumo.
Qorsho xumo.

Markaas ayaa waxaan ku qayliyay Aqoonyarina ku dar.!

Ma ogtahay in aan wabiga ku dhax lugaynayay in kabadan 30 daqiiqo? Aqristoow, iga guddon akhbaarta aan ku soo arkay wabiga, si qofwalba oo nagamid ah isku waydiiyo waxa ugu yar ee uu kaqaban karo, xittaa baraarujin ha ahaatee.wabiga oo duugmay meelaha qaar.

wabi shabeele

Wabigeena shabeelle ayaa wax tarkiisa yaraadee maxaad waaya u joogtay warna aadan kahaynin ?

Kadib markii aan dhowr meelood kacabbiray, wabiga dhirikiisa hoose waxa ii soo baxday isku celceliskiisa in uu yahay, 3 mitir iyo bar. Halka marka hore uu ka ahaa 6 mitir dhirirka hoose. Halkaas waxaad ka dareemi kartaa in wabiga uu duugmay meelaha qaar, Maxaa keenay in wabiga shabeelle uu duugmo ? jawaabtu way iska caddahay, waa Daryeel xumo.! Maxaa keenay daryeel xumadda ? Ma’ogtahay si dadka sharwadayaasha ah ay u faafaan, dadka wanaagsan in ay u baahanyihiin in ay sameeyaan halsheey oo kaliya ?! Magaranaysaa halkaas sheey ? sheeygaasna waa waxba. Waa in aysan waxba sameeyn oo ay iska fiirsdaan sida ay wax u dhacayaan, waana qaabkaas qaabka ugu fudud ee sharwadayaasha ku faafi karaan sida uu yiri Aqoonyahanki & siyaasigi reer Irish. –Edmund Burke-

Talo soo jeedin
In ceelal ay qotaan beeralayda.

Qaabka ugu fudud ay beeralayda ceelal ku qodan karaan waa in ay isbahaystaan. Oo ay joojiyaan kalinnimada ay u fikirayaan (selfish thinking). Maku soo gaartay maah maahdaan ? “Far kaligeed fool ma dhaqdo” Haddaba hadddii ay jawaabtaadu haa tahay Maxaan ugu dhaqmi la’anahay oraahdaan xikmadda xambaarsan ? Soo ma quruxbadnaateen in 5 ama 10 qofood oo beeraleey ah ay is bahaystaan hadba sida ay isku fahmi karaan islamarkaana si wadajir ah u gataan ama u wada kiraystaan riig*2 wayn oo ceelalbadan u qodi kara ? Tusaale, haddaan ku siiyo, Haddii Halkii riig uu joogo, 100, 000 $ oo 10 beeraleey ah ay isku darsadaan min 10, 000$. Maxaa diidaya in ay si fudud hal riig u gadan karaan ? islamarkaana hishiisyo kala qortaan oo beer walba inta ceel ay u baahantahay loo qodo, Waayo, sida aan ognahay beeraha waawayn hal ceel kuma filna.

Ugudambayn, maqaalka oo nagu dheeraaday awgiis, waxaan ku soo gabagabaynaynaa in guul waarta lagu gaari karo wadajir. Soo wax lala yaabo ma’ahan in caalamka manta uu marayo in qaarad, qaarad uu u midoobo annagana beeralaydeeni ay shan, shan qof u midoobi la’yihiin ?! Toloow, xagee waysada kajabantahay ?! Mar haddii aan tijaabinay 24 ki sano ee u dambeeyay Fikirka ku dhisan “Ninboo naftaa” wax natiijo lataaban karana lagu gaariwaayay, soo ma fiicna in si iskaashi ah loo badalo ?

*1Ismacil Mohamed Omar,(caano geel) waa aqoonyahan beeryaqaan ah, kana baxay jaamacadda ummada Somaliyed 1975, Waxaan akhriyay dhiganihiisa (buuggiisa) uu ugu magac daray gacan qabsiga mooska soomaliya, markaan dhammeeyay waxaan niyadda iska dhahay, haddii uu john c. Robbinson lagu tilmaamay aabaha mooska, annagana waxaan helnay Aabaha mooska soomaaliyeed. Waa dhigane aysan ka maarmin dhammaan, ardayda beeraha dhigata, ganacsatada ka ganacsata dalagga beeraha iyo gaar ahaan beeralayda tacabta Mooska. Mhdsanid. Proff. Caano Geel.

*2waa qalab lagu qodo ceelasha waawayn oo laga rabo in laga helo biyo badan.

W/Q : Mohamed Dahir Abukar. (MCD)
E-mail: talo2020@live.com

Like it? Share it!