Dhibatada Ribadda ku leedahay Dhaqaalaha

by hanad | Thursday, Mar 24, 2016 | 6977 views

Ribadu macnaheda luqad ahaan waa siyaado( dulsaar) waxyaabo gaar ah sida Amaahda (daynta) iyo in labo shey la isku badalanaayo oo la kala badiyo iyadoo in la kala badiyo aanay ahayn.

Rabadu waa labo nooc:

  • Ribaa Alfadli waa ribada gasha raashinka iyo lacagaha iskumidka ah.shuruudana wa in la isla ekaysiin iyo in markiba la kala qaato.
  • Ribaa Al-nasii ‘ah waa daynta oo lacag la sii dulsaaro.

Sanadahaan danbe dunida waxa ku soo badanayay bangiyada  kuwaas o sameeyo dulsaar dhanka maalgashiga ama daynta dadka u siiyo, taas waxa ay saaameyn aad u daran ku yeelatay dhaqalaha aduunyada  qaar badan oo bangiyada ah waxa ay noqdeen kuwa suuqa ka baxa kadib markii dhaqalaha hoos u dhacay ayna awood u yeelan wayeen inay suuqa ku sii jiraan.

Samaynta ribada ku yelata dhaqalaha iyo bulshada waxan ka xusi karnaa qodabadan:

  • Ribadu waxa ay yareysaa abuuritanka ganacsiga yaryar ,ribada marka ganacsita yaryar so qataan waxa la saraaa lacag dulsaar ah marka ay lacagta bixinayaan waxa laga rabaa dulsaarka marka waxa ay qaar badan awoodi wayeen inay bixiyaan waxayna danta ku qasabtaa in ganacsiga ka burburo sababto ah hadi u faido ama kharo wa laga rabaaa lacagta.
  • Ribadu waxa ay abuurtaa sicir barar iyo dhaqale xumo aad u daran waxa aayna qiimo dishaa lacagta.
  • Ribadu waxa ay hoos u dhigtaa kobaca dhaqale maxa yelay qaar badan oo bulshada ah hadi ay damcaan in lacag dayn ah oo maalgashi ah waxa la saraa dulsaar badan marka ganacsiga kobac ma sameynayo.
  • Ribada wax ay aaad u yareysaa wax soo saarka iyo shaqa abuurista, qaar badan oo warshado wax soo saarleh  marka ay u baahdaan lacag dayn ah ama shey lo so gado si ay iskagaga bixiyaan waxa la saraa lacagta ribad ah marka qofka waxa u ku qasban yahay I uu iska dhaafo taasna waxa ay aad u yareynaysaa wax soo saarka.
  • Ribada waxa ay abuurtay dhaqala aduunka ee soo u dhacay sanadihii 2007-2009 kii waxaa sabab u ahayd ribada bangiyada , bangiyadii waa wayn ee  aduunka ayaa waxa ay lacagti kaashka ama cadayd  ku maalgaliyeen dhismo guryo iyo ganacsiyo kale waxay dulsaarteen lacag dheerad ah dadka  marka ay guryahaa la dhahay iska yaryareya lacagta waxa ay awodi u yelan wayeen inay bixiyeen qaar badan ayaaa shaqa la’aan noqday , qaar badan aya awodi wayay marka bangiyadii waxay ka soo ceshadeen guryihii marka bangiyo badan waxay wayeen lacag kaash ah oo ay ku sii wadaan shaqada bangiga qaar waxaa ka bay dawladahoda qaar badan waxay noqdeen kuwa awood yarada.

Ribada ayaa abuurta dhaqalo xumi , sicir barar , shaqo la’aan iyo in lacagta iyo handtidada aduunka ay gacanta u gasho dad aad u yar tiradoda.

Bangiyada islaamiga ah waxa ay gareen guul iyo hormar dhaqale aad u wayn sanadihii danbe.Wadama badan oo ah kuwa nidaamka islaamiga ah ku shaqeyn  waxa ay qaateen qaabka bangiyada islaamka ku shaqeyaan ee ah ribo la’aanta sida Germany ,Japan iyo Egland.

 

W/Q: Abdirahman hajji Ali

hikam773@gmail.com  / hikam1010@gmail.com

Like it? Share it!