Horyaalka Primeir League oo furmay iyo Liecester City oo guuldaro ku bilaabatay

by A M | Saturday, Aug 13, 2016 | 5732 views

 

Agosto 13 (Jowhar)— Horyaalka Primeir League ee xilli ciyaareedka 2016/2017 ayaa maanta oo sabti ah furmay, iyadoo Kooxda ku guuleysatay Koobka ee Leicester City ay guuldaro xanuun leh ay kala kulantay kooxda Hull City oo dhowaan ka soo laabatay heerka labaad.

Kulankan oo furitaan u ahaa ciyaaraha Primeir League ayaa ku furmay natiijo aanan la fileyn, maadaama kooxda ku guuleysatay Horyaalka ee Leicester City ay rajeyneysay inay guul ku bilaabato xilli ciyaareedka cusub

Hase ahaatee ma dhicin, maxaa yeelay Kooxda Hull City ayaa sameysay bandhig fiican bilowgii hore ciyaarta, waxaana dhamaadkii qeybtii hore daqiiqadii 45aad ay heshay gool, waxaana u saxiixay Diomande.

Goolkaas ayaa qofka dhaliyay lagu muransanaa, waayo ciyaaryahanada Diomande iyo Abel Hernandez ayaa mar qura isla booday oo lugta la wada aaday kubada oo hawada ku jritay, sidaasna Diomande lugtiisa ku laaday kubada, shabaqana ku hubsaday.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa markii la isku soo laabtay Liecester ayaa sameysay is bedel, waxaana ay heshay gool bar baraha ah, daqiiqadii 48aad, waxaana uu ahaa gool rigoore ah oo uu dhaliyay xidiga Leicester.

Balse Hull City ayaa wax badan ku qaadan sidii ay mar kale hoggaanka u qaban laheyd, waxaana daqiiqadii 57aad ay dhalisay gool labaad, kaasoo uu u dhaliyay ciyaaryahan Snodgrass.

Natiijada Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Hull City oo qaadatay sadexdii dhibcood ee ugu horeysay horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan.

Hull City ayaa guul ku bilowday kulamada Premier League-ga xagaagan iyadoo Leicester City ay guuldaro ku bilawday difaacashada horyaalka, waxeyna noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo difaacaneysa guuldaro ay soo wajahdo kulanka furitaanka.


horyaalka horyaalka1 horyaalka2horyal--

Like it? Share it!