Alifka Aqalka Sare & Hoose Toosiya, Albaqaraha “Aayatiinka Dalka” Yaanan ku Dhibtooninee

by hanad | Monday, Sep 5, 2016 | 3038 views

Soomalida waxay dhahdaa “Dooni Laba Naakhuude leh way Jabtaa”. Soomaaliya waxay mar dhow yeelanaysaa laba aqal oo mid sare iyo mid hoose ah.

Taasoo laga cabsi qabo in Siyaasadda Soomaaliyeed ay noqoto “Jiid aan ku Jiidee waa Gacmo Daalis”. Dhibaatada ugu weyn oo dhacday waxay tahay, Ilaahay “Qabiil” ayuu Cinab ama canab ahaan noo siiyay oo wuxuu yiri isku aqoonsada.

Laakin hadaan Soomaali nahay, Cinabkii qabiilka ayaan inta khamri u bedelnay ayaan siyaasadeena cabsiinay, markaasay siyaasadda Somaalida oo dhan sakhraan dheer gelisay. Marka khaladka anaga ayaa iska leh oo aan qirano. Sidii qabiilka canab ahaan loogu isticmaali lahaa aqalka sare iyo hoose, loogana hortagi lahaa in khamri loo bedelo, waa hawl Soomaali weyn u taalo (Jinni Ninkii Keenaa bixiya).

Marba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaaye, hadafka maqaalkani wuxuu yahay, haddii labo aqal oo baarlamaan ah la go’aamiyay in wadanka lugu maamulo. Sida kaliya ee loo yareen karo is jiid jiidka, dadka xubnaha noqonaayo oo ay beelaha soo xulanayaan waa inay noqdaan shaqsiyaad labisan shaarka wadaninimada. Mar walbana ka hormarinaaya danta gaarka ah, danta guud ee soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Kana damqanaaya duruufaha adag iyo dar xumada dan yarta Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa ku nool. Qofka ku haboon in ergo loo dirto waxaa si fiican noogu sifeeyay Awoowayaashi hore ee Soomaaliyeed markay dheheen:

Ergo waxaa loo dirsadaa:
nin dhurwaa cay uga adag,
kudkude gaajo uga adag,
kurtun qorax ugu adag,
dhagax qabow uga adag.

Qof intaan sifo leh malahan, laakin kooxda waa inay lahaataa dad ku sifooway dabeecadahan oo maslaxada guud ay dhab ka tahay. Runtii hadaan Soomaali nahay waa ka indho la’nahay hodonnimada suugaanteena iyo xigmaddaha ku dhex qarsoon. Qubarada ku taqasusa suugaanta Africa, waxay qirtaan hantida oraahyada Soomaalida sida maahmaahyada, gabayada IWM ay ka qiimo badan yihiin kheyraadka dhulkeeda ku jira.

Gudigii qoritaanka Afka Soomaaliga qaybta weyn ka qaatay waa ay ku yaraayeen dad wax ku soo bartay wadamada reer galbeedka, badankood waxay ahaayeen suugaanley. Xitaa dadka wax ka qora taariikhda Mandella, waxay cadeeyeen aqoontiisa suugaanta, hidaha iyo dhaqanka wadankiisa iyo sharciga reer galbeedka, ayaa u suuro geliyay in uu dagaal sokeeya ka badbaadiyo dadka kal duwan eek u nool Koonfur Africa.

Runta barasahada culuumta maadiga ah ee reer Galbeedka in la bartaa oo wixii fiican laga qaato ceeb malahan sida soomalidu tiraa “ Tagoogo Muruqa kala bax, kana tag”. Waxaa la diidaa oo ayaan daro ah in aad indho reer galbeed wax ku aragto, oo dastuurkooda ayadoo qayriin ah soo qaadato.

Marka hore fikradaha aan soo erganay waa in la soomaaliyeeyaa sida Alphapetka Laatiinka awoowayaasheena ay u soomaliyeeyeen oo xarfo qaarkood laga saaray,kuwo kalena lugu soo biiriyay. Mujtamacyada aduunka waa ay kal duwan yihiin, tusaale ahaan Soomaalida waa dad karamka iyo martigelinta ku xeel dheer oo taariikhyahano badan ku amaaneen. Waxaad arkaysaa xoolo raacato safar, xoolo ka soo raraayo Wajeer illaa iyo dekadda Berbera oo maalin walbo cid marti gelinayso.
Marka waxaa naga waano ah in xubnaha cusub ee labada aqal ay midnimada iyo cadaaladda ku dadaalaan. Tusaale, kuwa tirada kuraasta badan helay in ay liidin kuwa kuraasta tirada yar la siiyay. Waxaa halqabsi laga dhigtaa in marka derbiga la dhisayo, si dhagxaanta waaweyn ay u qotonto waa in lugu celiyaa dhagxaan yar yar ah, taasoo suura gelinaysa in uu derbiga noqdo mid xoogan.

Sidoo kalena xubnaha ka socda beelaha waaweyn iyo kuwa yar yari kaligood ma qotomi karaan, waa ay is kaamilaan. Saas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah xubnaha ka socda beelaha waaweyn ee awooda maanta ku leh wadanka, in ay la yimaadaan tawaaduc oo ayan isla weyni gelin. Tawaaduca tolkii laga helaa waa ay weyneysaa oo dhulka ma dhigto.

Waxaa kaloo naga waano ah in warbaahinta Soomaaliyeed ay si fiican u gutaan mas’uuliyadda weyn ay xambaarsan Xuriyatul Qowlka. Tusaale, laanta ubaxa ama fiyooraha waxay leedahay qodxo iyo ubax. Markaad fiiriso ubaxa kaliya indhuhu way ku macaansadaan aragtideeda, laakin markaad qodaxda kaliya aad fiiriso aragtida ma ku raaxaysanayso.

Marka waxaan idin leenahay qodaxda kaliya ha sheegsheegina, ee ubaxana sheega. Dawladdana ma ahan in ay ku jawaabto in suxifiyiinta iyo warbaahinta la cadaadiyo, xal dhexe waa in la helaa. Dadka shuruucda ku taqasusa waxa ay sheegeen, arimahaan oo kale uma baahna “Bill of Rights”, ee “Bill of Obligations” ayaa loo baahan yahay. Xeer Soomaaliyeedka, odayaasheena waajibaadka qofka saaran ayay xoogga saari jireen, natiijadeedana waa ay ka fiicneed tan xuquuqda qofka uu leeyahay marka hore abbaarta.

Taas ka bacdi, waxaa murugo leh iska hor’imaadka ka dhex jira Diyaasbarada Somaaliya ku noqotay iyo walaalahooda aan wadanka ka bixin ee joogay. Sida siyaasiyiinta Diyaasbarada iyo kuwa dalka joogay, ardada diasporada oo shaqo doonka ah iyo kuwa Soomaliya jaamacadda uga baxay IWM. Runtii labada qoloba waa is kaamilaan, oo haday si qalbi furan u wada shaqeyn lahaayeen, shaqadoodii miro ayay dhali lahayd. Marka si loo xaliyo arrinkaan waa in magac iskuyeerista iyo cambaaraynta qoloba qolada kale ay ku hayso la joojiyaa.

Tusaale ahaan, dad qaarkii ayaa diyaasbarada ku Waco “Dayuus baro”. Taasi waa ceeb, maxaa yeelay Diyaasbarada, wadankoo Koomo ku jiro ayay xawaaladda Faleebo ahaan ugu taageen. Sidoo kalena kuwa wadanka joogay waxay ku samreen dhibkii iyo qaxarka jiray.

Ugu Dambeyntii, waxaan dhaleeceyn yar u jeedinaynaa dhalinyarada Soomaaliyeed oo runtii maqaamkii laga rabay aan ka soo bixin oo howshoodii ahayd in ay dagaalka so af jaraan ay ka gabeen. Waxaad mooddaa in badankood ay noqdeen seef la bood ay caadifadu hogaamiso.

Waxaa jirtay sheeko dhexmaray wiil dhalinyaro ah oo seef la bood ah iyo macalinkiisa oo ahaa nin xikmad badan: Macalinka wuxuu amray wiilka in uu keeno koob ay nus cusbo iyo nus biyo ah isku qasan ku jirto, dabadeedna uu cabbo. Wiilkii markuu hal mar kabaday ayuu yiri macalin lama cabbi karo dhanaanka awgeed. Macalinka wuxuu kaloo amray in isla koobkii cusbada ku jirtay uu ku daro Webi meesha ku yiilay, islamarkiina webiga biyo kasoo darsado hadana cabbo.
Macalinka ayaa wiilka weydiiyay dhadhanka biyuhuu soo darsaday. Wiilkii wuxuu ku jawaabay, “aad buu u macaan yahay, dhadhan cusbo luguma arko. Macalinka ayaa wiilkii ku yiri: “Wiilkaygiyoow, maxaa kaa dhigay Koob, oo maxaad Webi u noqon weyday”. Wiilkii dhalinyarada ahaa waa fahmay xikmadda meesha ku jirtay. Marka waxaan leenahay dhalinyarada Soomaaliyeed koob ha noqonina oo webi noqda.

Waxaan kaloo ku boorinaynaa dhalinyarada in ay bartaan raadiyaanna oraahyadii dhaxalgalka ah awoowayaasha Soomaaliyeed ay reebeen sida maahmaahyada, gabayada IWM. Reer galbeedka ayaa waxay dhahaan “A country can be judged by the quality of its proverbs”. Wadan waxaa lugu gartaa tayada maahmaahyadeeda. Soomaaliyana waxay ku jirtaa, wadamada maahmaahyadooda ugu tayo fiican. Marka waa in lugu faanaa Soomalinimada, waa qalad in laga faano.

Bazi Bussuri Sheikh
bazisomali@hotmail.co.uk

Like it? Share it!