Adoo Harsan Waayay Cashuur Ma Kuu soo Hergashay

by hanad | Friday, Oct 7, 2016 | 2966 views

Haweeney ganacsatada yar yar ka mid ah ee sifeyneysa dhibaatada cashuurta xaqdarada ah ee suuqlayda laga qaado waxay tiri “Adoo Harsan Waayay Cashuur ma kuu soo Hergashay”.

Ganacsatada maanta Soomaliya ku sugan tan ugu weyn ay ka cawdaan waa Cashuurta xaqdarrada ah hay’adaha dawladda ku soo rogto. Cashuurta faraha badan dhaqaalaha ayay curyaamisaa, waxay dishaa kalsoonida shacabka.

Kacdoonada ugu badan ay taariikhda qortayna waxaa u sabab ah cashuurta oo dadka lugu cadaadiyo. Dalkeena kacdoon uma baahna maanta ee kobac ayuu u baahan yahay, si taas loo helana nidaamka cashuuraha waxaa haboon in dib loo eego. Hadafka maqaalkani ma aha “Cashuur Diid”, balse waa sidii lugu heli lahaa Cashuur caqli gal ah oo aan cawaamta Soomaaliyeed ciil ku dileyn luguna cakireyn.

Reer galbeedka ayaa markay arkeen malaayiin ganacsato yar yar ah ee sanad walba dhicisoobaaya, ayay waxay ganacsatada yar yar siiyeen “Tax Break” waqti cashuur la’aan ah inta ay ka soo naaxayaan.

Horena awoowayaasha reer galbeedka ee aan maanta rabno in aan ku dayano, waa uga digeen dadkooda dhibaatooyinka cashuuraha ka darayda ah iyo sida u curyaamiso dhaqaalaha. Oraahyada hoos ku qoran waa dayradii odayaasha ku caan baxay dhaqaalaha iyo siyaasadda reer galbeedka ay ka dayriyeen cashuuraha silciska ah:

“There is no art which one government sooner learns of another than that of draining money from the pockets of the people.” Adam Smith, The Wealth of Nations
“We contend that for a nation to try to tax itself into prosperity is like a man standing in a bucket and trying to lift himself up by the handle.” Winston S. Churchill
“To compel a man to furnish funds for the propagation of ideas he disbelieves and abhors is sinful and tyrannical.”
Thomas Jefferson

Sidoo kale diinta Islaamka cashuurta xaqdarada ma ogola. Tusaale ahaan markuu Nabigeena SCW Madiinah soo dagay ayagoo dagaal sokeeya ka soo kabsaday, wuxuu durbadiiba aasaasay suuq cusub, wuxuuna ku yiri suuqiina waa kan, wax cashuur ahna yaan lugu soo rogin.

Madiina durbadiiba ganacsigeeda iyo dhaqaalaheeda kor ayuu u kacay. Madiinah suuq hore waa u qabtay, laakin wuxuu ahaa mid cashuur badan oo dadka silcin jiray. Sidoo kale khilaafadda Cumar Bin Abdulaziz wuxuu dhaqan galiyay xadiiskan oo suuqlayda cashuur lagama qaadi jirin.

Dawladiisa muddo gaaban gudaheed ayaa waxaa la waayay qof sako la siiyo, barwaaqada awgeed. Marka waxaa haboon in laga sameeyo dood cilmiyeed Soomaliweyn u dhan tahay, sidii cashuurta looga dhigi lahaa mid u sahlan shacabka Soomaaliyeed, Dawladda-Dhexe iyo Maamul-Goboleedyada.

Soomalida waxay tiraa “Dagaal waa gelin dambe”, dagaalka dambe wuxuu ahaan doonaa mid ku salaysan dhaqaalaha. Tusaale ahaan ganacsiga ina dhex mari doono annaga iyo dowladaha deriska (Ururka IGAD), Midowga Africa iyo caalamka intiisa kale.

Dagaalkanina waa ku gacan sareyn karnaa hadii si wadajir aan u waajahno ee aan dhisano dhaqaale isku dhafan oo dhinac walba leh oo Soomaliweyn u dhan tahay, sida hore loo yiri “Shinida markay is qabataa malabkeeda la helaa”.

Waxaa loo baahan yahay dadaal wadareed ah ee lugu kobcinaayo wax soo saarka wadanka gudahiisa. Tusaale ahaan, maanta Waxyaabaha aan u dhoofino Kenya iyo Kuwa aan ka soo dhoofsano waxaa aad u badan waxyaabaha aan ka soo dhoofsano. Tanna waxay u dhigantaa kubadda oo gurigaada lagaaga badiyay.

Dhibaatada ugu weyn oo maanta jirta waxay tahay dhalinyarada oo ah hantida ugu weyn wadankeena leeyahay oo aan u cuntamayn ganacsiga. Badanaa waxay ku leeyihiin, markaan aragno rafaadka ganacsatada haysta, ganacsiyoo dhanba waa ka qalbi jabnaa. Wadankana fursado ganacsi ah oo badan ayaa jira, waana sida kaliya dhalinyarada shaqo iskood ah u abuuran karaan.

Sidii loogu dhiiri gelin lahaa dhalinyarada ganacsiga waxay u baahan tahay Olole la mid ah tii ay Soomaaliya ku guuleysatay ee “Ololihii Horumatinta Reer Miyiga lugu hirgeliyay qorista iyo aqrinta Af-Soomaaliga 1974, in lugu hirgaliyo baritaanka ganacsiga dhalin yarada Soomaaliyeed. Taas waxay ahayd “ Hadaad Taqaan Bar, Hadaad Aqoonina Baro”, tan tallow waxay noqon doontaa “Haddaad BeecTaqaan Bar..Haddaadan Aqoonnina Baro”.

Ganacsatada yar yar iyo kuwa meel dhexaadka door weyn ayay ka ciyaaraan shaqo abuurista iyo dhaqaalaha wadanka. Wadanka Taiwan ayaa waxaa lugu amaanaa wadan leh shirkado badan oo meel dhexaad ah, taasoo u suuro gelisay in ay ka badbaado dhicii dhaqaalaha aduunka 2007-2008.

Laakin South Korea oo dhaqaalaheeda cuskanaa shirkadaha waaweyn sida Samsung, Daewoo iyo Hyundai dhaawac xoog leh ayaa gaaray oo kabsigeeda mudday qaadatay.

Anagana hadaan Soomaali ma cuskan karno Dahabshiil, Hormuud iyo shirkadaha waaweyn, waxaa dan inoo ah ganacsato isku dhafan oo yar yar iyo meel dhexaad ah oo caafimaadkooda fiican yahay oo aan tabar darnayn. Cashuurtoo loogu roonaado waxay ka mid tahay siyaabaha u suuro gelinayo in ay ganacsatadaas kobcaan, qudwadna u noqdaan dhalinyarada ka caagan ganacsiga.

Sidaa daraadeed, waxaan ku boorinaynaa Dawladda dhexe, Dawladda Hoose iyo maamul goboleedyada in ay hirgaliyaan xikmadda ah “Wax yar oo barako Leh” marka wax la cashuurayo. Gaar ahaan cashuurta maalinlaha ee shacabka iyo ganacsatada laga qaado.

Tusaale ahaan, waxaa jirto Walaayadaha Maraykanka ee cashuurtooda yar tahay, adeegyada bulshada ay u qabtaan ay ka heer sarayso Walaayadaha cashuurta badan qaata. Inta yarta ay qaadeen ayaa u barakoobaysa, oo go’aamo ama mashaariic tawfiiq wadata ayay ku qabtaan.

Soomaaliyana taariikhda ayaa sheegi doonto, Maamul Goboleedyada cusub ee hadda la aasaasay kuwa hormari doono iyo kuwa kale. Laakin waxaan shaki ku jirin, kuwa shicibkooda u cadaalad fala ee aan cadaadin in ay horumari doonaan, xitaa hadii maamul goboleedkaa uu lahayn kheyraadka dhulka laga helo.

Ugu dambeytiina, ganacsatada waaweyn iyo kuwa meel dhaxaadka iyagana waa in ay la yimaadaan Barnaamij iskaa wax u qabso ah oo lugu kobcinaayo dhaqaalaha dan yarta/saboolka Soomaaliyeed.

Sida soomaalida ay tiraa “Baraare aan bahdaa kula qabin waa bar kuma taal”, Barwaaqo aan dadkaaga kula qabin hodontinimo ma aha, mar hadii ay ka qatan yihiin danyarta Soomaaliyeed. Siyaabo badan oo aad ku saacidi kartaan saboolka Soomaaliyeed ayaa jira sida:

In ay siiyaan deen aan dulsaar wadan dadka doonaya in ay ganacsi yar bilaabaan.

In ay u bixiyaan Siminaaro lugu dhiiri gelinaayo ganacsiga ardada iskuulada dhigta iyo kuwa jaamacadaha dhameeyay. In laga dhaadhiciyo dhalinyarada in aan loo dhalan ganacsiga, ee dhabo loo maro ay jirto. In laga waaniyo salfudeydka, degdegsiinyada wadata dhaqso ku taajirnimada iyo dulqaad yarida.

Qore: Bazi Bussuri Sheikh
bazisomali@hotmail.co.uk

Like it? Share it!