Isku aadka wareega 16-ka ee Champions League oo la sameeyay (Arsenal vs Bayern)

by A M | Monday, Dec 12, 2016 | 6885 views

December 12 (Jowhar)— Waxaa goor dhow la soo saaray isku aadka wareega 160ka ee Koobka Champions League, iyadoo ay isku aadeen kooxo adag oo qaarkood horay loo saadaalinayay inay isku aadi doonaan.

Kooxda Arsenal oo lixdii sano ee u dambeysay ay wareegan 16-ka labo jeer isku aadeen Bayern Munich ayaa hadana mar kale isku beegmay.

Arsenal ayaa kaalinta koowaad ku soo baxday Group A, waxayna ku aaday kooxda Bayern Munich oo kaalinta labaad ku soo baxday.

Sidoo kale waxaa mar kale isku beegmay kooxaha Barcelona iyo Paris oo iyana sanadihii u dambeeyay dhowr jeer isku aaday.

Kooxda difaacaneysa koobkan ee Real Madrid ayaa ku aaday Kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga ee Napoli.

Hadaba sidan ayay isugu aadeen Kooxuhu.

isku-aad-champion

Like it? Share it!