Riyad Mahrez oo ku guuleystay Abaal marinta BBC-da ee Ciyaaryahanka Afrika 2016

by A M | Monday, Dec 12, 2016 | 4362 views

December 12 (Jowhar)— Taageerayaasha adduunka daafihiisa kala jooga ayaa u codeeyey cayaaryahanka khadka dhexe ee Al-Jeeriya iyo kooxdda Leicester Riyad Mahrez , isagoo ka guulaystay Pierre-Emerick Aubameyang, Andre Ayew, Sadio Mane & Yaya Toure.

Mahrez ayaa u sheegay qaybta caayaraha ee BBC Sport: “Dabcan Macno banad ayuu ii sameynayaa, waxaan ahay Afrikaan, Waana wax kuweyn weyn cayaaryahanada Afrikaanka ah ayaan filayaa, markaa aad ayaan u faraxsanahay, aadnna ayaan ugu faraxsanahay uguna qanacsanahay inaan helo”

Abaalmarintan ayaa ka dhigan sannadkan xusuusta gaarka u leh 25 jirkan, kaasi oo mar horeba ku guulaystay darajadda laacibka horyaalka kubadda cagta Ingiriiskaee Premier Leauge-ga ee sannadka, isagoo ay u codeeyeen xirriirka cayaartoydda xirfadlayaasha ah.

Mahrez ayaa la aqoonsaday hannaan cayaareedkiisa wanaagsan ee mucjisadda garabka,kaasi oo ay qoyskiisa ka yimaadeen magaaladda yar ee El-Khemis ee Al-Jeeriya, wuxuuna ku noqday Premier League duufaan.

Wuxuu ahaa xooggii waday kooxdda Leicester City ee sida lama filaanka ah ku ugu guulaystay horyaalka, isagoo dhaliyey 17 gool isla markaana 11 gool inay dhaliyaan ku caawiyey kooxdda Dawacooyinka ee sida aan la filayn uga guulaystay saadaalintii ahayd 5000-1 inay kooka qaadaan bilowgii xilli cayaareedka.

Bishii May Mahrez wuxuu noqday Afrikaankii ugu horreeyey ee loo codeeyo cayaaryahanka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska ka dib markii ay u codeeyeen laacibiinta ay isku jaalka yihiin, laba sano oo kaliya markii uu ku biiray kooxda Leicester isagoo ka yimid naadiga Le Havre oo looga soo iibsaday 400,000 oo lacagta British-ka.

Waa kor u kac khayral caadi isagoo caruur ah oo kubadda ku cayaaray jidadka , haddana in uu ka soo dhex ifo mihnaddan qaar ka mid ah cayaartoydda ugu wanaagsan ee kubadda cagta ee ka dheela koobka horyaaladda ee Yurub Champions league.

Afar goo loo uu dhaliyey shanti kulan ee ka cayaaray tartanka kooxeed ee ugu sareeya Yurub ayaa u qaaday heer aad iyo aad u sarreeya.

Waxaa kale oo uu ka soo ifay heer caalami, shan kulan oo u saftay Al-Jeeriya wuxuu dhaliyey laba gool, isagoo shan gool in la dhaliyo ka shaqeeyey, wuxuuna ka caawiyey kooxda Dawacooyinka lama degaanka [Al-Jeeriya] inay u soo baxaan ka qayb galka cayaaraha qaramada Afrika ee bisha dambe la qaban doono.

Intaas waxaa dheer, daddaalkiisa waxaa aqoonsaday ururka maamula kubadda cagta adduunka ee FIFA, kaas oo ku daray liiska ugu dambeeya ee cayaaryahanka adduunka, waana kan kaliya ee Afrikaanka ah 23 magac.

Mahrez hadda wuxuu ku biirayaa liiska halyeeyada oo ay ka mid yihiin Abedi Pele, Jay-Jay Okocha & Didier Drogba, in uu ku guulaysto abaalmarinta BBC ee cayaaryahanka Afrika sanadka 2016.

Iyadoo ay wali u sii dhimman yihiin sannado uu heer fiican gaaro, Mahrez wuxuu haystaa waqti badan oo uu sii wado in uu farxad galiyo taageerayaasha, kuwaas oo hadda tusay sida ay ula dhacsan yihiin.

Xigasho: BBCSomali

riyad-mahrez mahrez

Like it? Share it!