Cabdulqaadir Cosoble: musharax han-sare Soomaalinimo leh oo u loolamaya Madaxtinimada Jamhuuriyadda Somalia

by A M | Sunday, Dec 18, 2016 | 7342 views

December 18 (Jowhar)— Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ah Musharax u taagan markii labaad Xilka Madaxtinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay barnaamijkiisa doorasho ee lagu samata bixinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay daashadeen nidaamyo ku dhisan musuq maasuq, kooxeysi iyo daneysi .

Sida ay sheegayaan xeel dheerayaasha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Cabdulqaadir Cosoble Cali waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay  Afarta musharax ee ugu loolan adag xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya oo ay u baratamayaan tiro ka badan 20 musharax oo qaarkood ay qorsheynayaan inay dib uga laabtaan isu soo taagiddooda Xilka Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, taasi oo lala xiriirinayo in hankooda siyaasadeed aanu dhaafsiisneyn ka hadalka baraha bulshada “Facebook iyo Twitter” iyo qaar ka mid ah warbaahinta gudaha iyo dibaddda.

Doorshada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo asteeyay inay ku qabsoonto Caasimadda Muqdisho ugu dambeyn December 28, 2016 si Madaxweynaha la doorto uu isku diyaariyo cishooyin kooban kadib ka qeybgalka Fadhiga Qaramada Midoobey (Q.M) iyo la kulanka wafdi sare oo ka socda Dowladda Britain kahor qabsoomidda Shirka Caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya ee ka dhici doona Magaalada London inta lagu guda jiro sanadka 2017 , iyadoo  bishii September 2016 Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ay ku dhawaaqday inay marti gelin doonto shirkaasi  heerka sare ah oo diiradda lagu saari doono arrimaha Soomaaliya .

Mudane Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa quud dareynaya kasbashada taageerada ugu badan Xildhibaannada Golaha Shacabka/Aqalka hoose oo ka kooban 275 xubnood iyo Mudanayaasha Aqalka sare oo ka kooban 54 xubnood , waxaana la qorsheynayaa in xubnaha labada Aqal ay si wadajir ah ay cod uga dhiibtaan doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Xeeldheerayaashu waxa ay saadaaliyeen in doorashada Madaxtinimo ay gaari doonto wareegga seddexaad oo ah marinka ay ku kala hari doonaan siyaasiyiin daaha gadaashiisa shax siyaasadeed ku maleegaya, waxaase laba musharax oo aan kala dadaal yareyn , midkoodba kan kale uu ka ilaalinayaa in uu helo cod uu ku guuleysan karo wareegga koowaad ee doorashada.

Xeeldheeriyaashu waxa ay tilmaameen in Mudane Cabdulqaadir Cosoble Cali uu safka hore kaga jiro doorashada la abaabulayo (front-runner in Somalia’s 2016 presidential election), isagoo doorashadii Madaxtinimo ee ku qabsoontay Caasimadda Muqdisho sanadkii 2012 ka galay kaalinta (4) Afaraad, waxaana xilligan loo filan karaa inuu  hanto Xilka Madaxtinimada dalka.

Mudane Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa kulamo kula qaatay Xildhibaannada cusub ee Qaranka Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo .

osoble

Cosoble oo ah ganacsade caan ah, kana mid ah Xildhibaannada cusub ee Golaha Shacabka waxa uu booqday Kismaayo, isaga oo hogaaminayay wafdi balaaran , halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” , sidoo kale waxa uu kulan qado ah kula xog-wadaagay Xildhibaannada, una bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed oo ah mid leh ifafaallo iyo yididiillo lagu gaari karo deganaansho siyaasadeed, ammaan iyo ladnaansho xag dhaqaalle , caafimaad iyo horumar taabagal ah.

By Abadalla Muhiyaddiin

Like it? Share it!