Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 58 aad

by hanad | Friday, Jan 27, 2017 | 4645 views

Janaayo 27 (Jowhar)—Waa subax Jimco waxaa reerka oo dhan ay ku kulansan yihiin guriga cusub ee  Aamina aabaheed u dhistay kaas oo saaka xaflad duco ay ka jirto Aamina wax ay fursad u heshay in ay adeeradeed oo mudo dheer ugu dambeysay ay aragto.

Iyada oo qaar eedooyinkeeda oo aysan abid arag la baray dhamaan reerka oo dhan waxayn u duceynayeen Aamina waxqabadka ay aabaheed u sameysay iyada waxa ay oraneysa waa waajib I saarnaa waxba yaan la iga mahad celin Aamina waxay aad ugu faraxday markii Habaryardeed Warsan ay timid waxayna fursad u heshay in ay eedooyinkeeda barto oo ay waliba ugu sheegtay in  wanaag kasta oo aan sameeyey in ay hooyaday tahay qoftii igu barbaaarisay oo ay weligeed I dhihi jirtay ha ilaawin reerkaaga dhamaan reerka oo dhan ayaa Warsan ugu mahadceliyey barbaarinta wanaagsan ee ay siisay Aamina kuna dhiiragelisay in ay ilaawin in waxqabadka aabaheed uu yahay waajibka ugu horeeya ee looga baahan yahay in  gudato.

 

Hooyo warsan qadada kadib waa ay baxday waxaana soo sagootisay Aamina oo u sheegtay in beri ay halkaan isbitaalka ka aadi doonto oo ay Xaafada isku arki doonaan.

 

Aamina maalintaa reerkeeda oo dhan ayaa mar kaliya gacanta ku riday oo loo wada duceeyey waxayna habeenkaas ay u aheyd habeen ay waqti badan aabaheed isu Heleen oo ilaa xilli dambe ay sheeko ku gaareen iyadoo subaxiina ay shaqada ku jarmaaday maadaama ay baabuurkeeda wadatay ayay Nuurta xataa jaamacada u sii kaxeysay oo ay geysay.

 

Cawil isaga kama shar yareyn saaka reyn reyn ayaa uu ku jiray waxaana ka go’neyd inuu Aamina saaka waqtigiisa oo dhan siiyo markii xilligii shaaha la gaaray ayaa inta uu labo shah soo qaaday ayaa uu qolkii Aamina soo galay oo bukaankii ugu dambeeyey qaabilaysa Aamina markii ay aragtay Cawil oo labo shaah wada ayaay ku tiri soo gal markii uu Shaaha miiska u saaray ayaa uu ka soo baxay oo uu albaabka taagnaa markii Bukaanka ka soo baxay ayaa uu gudaha soo galay Aamina oo la yaaban ayaa tiri.

 

Aamina:

Manta xaalkaaga ka waran Shaahii xataa waad ii keentay maxaa jira

 

Cawil:

Maxaa jira walaashay iga weyn sow ma tihid

 

Aamina:

Cawilow 9 maalmood ayaan kaa weynahay ma taa ayaa ii xisaabeysaa

 

Cawil:

Sagaal maalmood maa mid yar ah ilaa meeqo dhalo oo caano ah ayaa cabtay inta aan la ii dhalin

 

Aamina:

Hadda aniga waxaa iraahdaa ma taqaanaa in aaad 2 sanno iga weyn tahay ileyn xagga muuqalka ayaad iga weyn tahay

 

Cawil:

Dumarkiina sanad ma rabtiin ee shaaha cab yuusan kaa qaboobinee

 

Aamina:

Cawil oo manta fursad ii helay ayaa mahad ah

 

Cawil:

Manta oo kaliya maaha waa nolosheyda inta ka dhiman adiga ayaan waqtigeyga ku siinayaa

 

Aamina:

Haye intee wax ka jiraanee ii sheeg

 

Cawil:

Manta aad ayaan u faraxsan nahay

 

Aamina:

Waan kaa dareemaya ee ii sheeg farxada halka ay naga soo gashay

 

Cawil:

Aamina abaayo aniga iyo adiga waxaan ahayn ilmo meel ku soo koray ilaa yaraanteyda ayaad aheyd garabkayga manta isbitaalkaan horumarka uu gaaray fikirkaaga iyo taladaada ayuu ku soo gaaray waana kuu ogahay taa waxaana aaminsan nahay in aadan maalin uun meel cid la’ aadan iga dhaqaaqeynin.

 

Aamina:

Taasi waa run

 

Cawil:

Aniga hore ayaan u qaldamay oo nolosha meel qaldan ka baadigoobay waana ogeyd sida ay farxadeyda noqotay laakiin farxadeyda meel ka dhow ayay taalay oo aan arki waayey sideedana go’aanada laablakac lagu gaarayo natiijo wacan ma yeeshaan laakiin manta qaladaadkii hore oo dhan ayaan rabaa in aan dib u saxo oo nolosha meel wacan saldhig ugu dhigo farxadaan mudo goobayayna manta waan haayaa.

 

Aamina:

Cawil cod dareen leh waad ku hadlaysaa wallahi aniga waxba kama fahim hadalkaaga ee side wax u jiraan ma gabar kale ayaa hadana noloshaada qaribtay maxaa ku helay oo aad sidaan oo dhan shucuurtaada u kiciyey.

 

Cawil:

Manta waxa aan la hadlayo waa farxad abaayo ee si wacan ii dhageyso

 

Aamina:

Waan ku maqlayaa

 

Cawil inta uu Agteeda jilbaha dhigtay ayaa uu labadeena gacmood soo qabtay oo uu dhunkaday ayaa uu ku yiri

 

Cawil:

Aaminooyo Abaayo naftaan manta cida ay u hamuun qabto oo ay rajada ka fileyso waa adiga si dhab ah ayay nafteyda kuu tabeysaa Xaaawaley midaan ka xushaa tahay maanta

 

Aamina oo yaab ka soo haray ayaa ka istaagtay meesha oo ku tiri

 

Aamina:

Cawil laakiin side ma naftaadaana jahwareerka ku jirta ee aadan markii horeba jiho fiican aadan geyn miyaa rabta in aad manta anigana igu jaribto maya maya

 

Cawil:

Maxaa jira Aamina miyaanan kuu qalmin maxaad igu diideysaa

 

Aamina:

Cawil nin is og ma tihid anigana nafteyda waxay u qalantaa in ay farxad nin siin karo xulato ee adiga farxadaas ma siin kartaa weli qalbigaaga meel kale ayaa uu la haayaa mana iska warqabtid.

 

Cawil:

Waxa aan ka hadlayo waa dareenkayga dhabta ee aan adiga kuu dareemayo Aamina ma aanan qabin in aad marnaba taa igu diideyso

 

Aamina:

Cawil wax walba waad la soo daahday nafteyda kuma siin karo aniga ma waxad I leedahay Muna ayaan ilaaway xataa mobilekaaga weli kama saarin sawiradeeda Numberkeeda waxaa kugu qoran in ay xabiibtii naftaada tahay marka sidey igu leedahay nafteyda ayaa ku xulatay Cawil ma nafteyda jaxiimo geyneysaa sidaa taada qabsaday oo kale.

 

Cawil oo weli halkii fadhiya ayaa inta uu soo istaagay ku yiri

 

Cawil:

Sideen ku daahay ma cid kale oo iga kaa haboon ayaa jirta miyaadan qiimeyneynin dareenkayga mise cid kale ayaa naftaada u hibeysay

 

Aamina:

Si kastaba Cawil dareenka ma sahlana dareenkaaga hore ayaa cid kale u siiyey waa ku baryaa waxba niyadjab ha ii horseedin

 

Cawil oo raba inuu weli sii hadlo ayay Aamina ku tiri

 

Aamina:

Waxba ha hadlin waana ku baryaa hadalkaan ha igu soo qaadin mar kale qalbigaagana marnaba Muna ma ilaabayo nin I jecel ayaan xaq u leeyahay in aan la noolaado ee maaha nin naag kale qalbiga ku haaya shalay ayaad wada qadeyseen oo aad wada joogteen markaas ayaa anigana I leedahay waan ku jecelahay.

 

Cawil:

Dhabtii ayaan ka hadlayaa abaayo

 

Aamina:

Waan ogahay in ujeedkaaga uu yahay in Guuleed aad meesha ka saarto ileyn in aad igu aragto ayaad dhibsaneysaa hadaba mid ogaaw qorshahaaga maaha mid nin weyn uu ku fikiri karo ee iska ilaaw arrinkaan dambe ha ila imaan.

 

Cawil:

Laakii!

 

Aamina:

Maya Cawil waxba ha dhihin waana bixi kartaa

 

Caku Aamina nasiib xumaa kalmad ay abid ka sugeysa afka Cawil ayuu manta markii uu yirina si qaladan u fasirtay Cawil isaga oo aad u niyadjabsan ayuu ka baxay xafiiskii Aamina oo uu kiisa ku noqaday.

Axmed oo riyooyinkiisa ay ka mid ahaayeen inuu Cawil iyo Aamina isu keeno isla markaana lahaa qorshaha Cawil uu dareenka uu Aamina u qabo uu ku gareystay side ayaa uu noqon doonaa marka uu ogaado in Cawil soo biyo dhacay Aamina ay biyaha ku seyrtay War Jiraaba cakaaruu Imaan doonaa.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!