Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 59 aad

by hanad | Friday, Feb 3, 2017 | 4161 views

Cawil bukaanadii uu qaabilihi Duhurka kadib ayaa u amray in kala fasaxo maadaama uusan caafimaadkiisa wanaagsaneyn balse Axmed oo aan bukaan badan u qorneyn subaxaas ayaa loo wareejiyey Axmed markii loo sheegay in Cawil uu xanuusanayo ayaa uu soo raadiyey,

waana uu la yaabay in Cawil uusan hadal oran Karin oo ilinta ay ka socoto Axmed si kasta ayaa uu ula hadlay waana uu ka waayey jawaab Qura Aamina ayuu u soo galay oo u sheegay sidoo kale waxay u sheegtay in aysan ogeyn balse ay mashquul tahay oo aysan u tagi Karin Axmed in  Cawil arrintiisa  ay Aamina ka warheyso ayaa uu u gartay hadana shaqadii Cawil inuu soo dhameystiro ayuu ku fikiray kadibna uu Cawil la hadlo Aamina waxa dhacayo oo dhan xafiiskeeda ayay kaga jirtay markii Bukaanadeedii ay dhameysay waa ay baxday oo xaafadii aabaheed ayay seexatay.

 

Axmed oo ahaa qofta klaiya ee arrintaan aad ugu welwelsanaa ayaa waxaa u yimid Guleed oo weydiinayaa Aamina maxay u baxday miyey xanuunsan tahay xataa telkeeda waa demisay Axmed tuhunkii uu qabay ayuu ku sii xaqiiqsaday in Aamina ay Arrinta wax badan ku lug leedahay markii xiliigii qadada loo soo rawaxay ayuu Cawil arkay isaga oo qolkiisa ka soo baxaya waa uu dabagalay oo ilaa baabuurka la tagay markii uu arkay inuu baxayo ayaa uu ku yiri.

 

Axmed:

Cawil bal wax ii sheeg sidey wax u jiraan

 

Cawil:

Waxba ma jiraan Cawil waan xanuunsan nahay nasasho ayaan u baahan nahay

 

Axmed:

Laakiin saaka wad caafimaad qabtay haye Aamina maxay u baxday iyadana miyey xanuunsasan tahay maxay tahay xanuunkaan idinka oo kaliya qaas idiin ah

 

Cawil:

Aamina ma baxday

 

Axmed:

Haa maxay tahay miyaad mar kale is qabateen ma arrintii Guuleedaa mise waa mid kale ii sheeg sidey wax u jiran Cawil

 

Cawil:

Saxiiboow baabuurka soo gal dhexdiisa ayaan ku sheegeyneynaa

Markiiba baabuurka ayay wada galeen oo in cabaar ah ay ka fogaadeen isbitaalka meel gees ah oo buuq laheyn ayaa uu dhigay oo uu ku yiri Axmed

 

Cawil:

Axmed aniga miyaan ku qaladan nahay in aan Aamina jeclaado oo aan waliba jaceylka aan qirto maxay tahay sida ay aamina ii arkayso aniga ma nin xun ayaan ahay

 

Axmed oo hadalka u qaadan la ayaa uiri

 

Axmed:

Ma aaminaa inta aad hortagtay ayaad tiri waan ku jeclahay

 

Cawil:

Haa Axmed taasi ma qaladaa miyaan jeclaan Karin waan ogahay in aan meel ku soo wada kornay laakiin waan guurin karaa aniga weligay ma xaqiiqsadeen in aan Aamina jeclahay laakiin maalintii aan Guuleed garabkeeda ka arkay ayaan is dareemay in aan jeclahaay taasi qalbigayga ayaa igu yiri waan hubaa inuusan I qiyaameynin.

 

Axmed:

Anigaaba ku faraxsan in Aamina ay ooridaada noqoto laakiin waa mid aan u qaadan Karin in Aamina ay ku diido

 

Cawil:

Saxiibow waxaan u fikiray in ay Guuleed si dhab ah u jeceshahay

 

Axmed:

Ma dhici karta ee arrintaan aniga igu daa aniga ayaa la hadlayo Aamina ilaa beri iga war dhowr kolay telkeeda waa demisay waana hubaa in xaafada aysan tageynin oo gurigii aabaheed ay tageyso

 

Cawil:

Hadda maxaan yeelnaa aniga in aan iyada waayo waan aqbali karaa laakiin arrintaan darted yeysan iga xanaaqin

 

Axmed:

Ilaa beri iga war dhowr

 

Cawil hore ayaa uu u sii socday halka Axmed uu ku soo laabtay isbitaalka arrinta loo sheegay ee ah in Aamina ay diido in ay aqbasho Cawil oo uu ogaa inuu ahaa ninka kaliya ee ay abid jeclaato  si uu arrinta u sifeyo ayaa uu garan waayey waxa uu wacay Nuurta maadaama telkeeda uu dansanaa Aamina waana uu weydiyey waxayna u sheegtay in ay weli Jaamacada joogto waxa uu ka ocdsaday in ay taa u hubiso wax yar kadib ayay ku soo laaabatay waxana loo sheegay in ay xaafada joogto Axmed mar kasta waa ka go’neyd in uu ka war keeno Aamina isla markaana u ogaado meesha ay arrinta ka haleysan tahay.

 

Cawil xafadiisa ayaa uu ku laabtay isaga oo aan cidna la hadal ayaa uu qolkiisa galay Axmed markii uu ka soo rawaxay shaqada ayaa uu soo abaaray xaafadii uu ku tabayey in ay Aamina joogto waxaana soo dhaweysay Nuurta oo u gudbisay qolkii ay ku jirtay Aamina markii uu ugudbay ayay Aamina ku tiri

 

Aamina:

Axmed maxaa daran oo aad ii soo raadisay

 

Axmed:

Wax daran waa jiraa maxaa yeelay waad iska soo baxday waliba telka waad demisay marka taa ayaa wax daran ah

 

Aamina:

Ma intaas waad I aragtaa in aan ladan nahay ee aniga ayaa u baahnaa in aan nasto

 

Axmed:

Waaad baxsaneysaa mana aqaan waxaad ka baxsaneyso laakiin Aamina aan ku weydiiyee maxaa noloshaada iska badalay

 

Aamina:

Maxaa iska badali lahaa waa sideedii

 

Axmed:

Maya maya wax badan ayaa is badalay maxaa yeelay Cawil waxa uu ahaa hagihii noloshaada dareen xoogan naftaada way u qabtay ii sheeg halkee ayay arrinta iska badashay ma ogtahay in Cawil aan hurdada ka kicino in ay aheyd mid aan juhdi weyn ugalnay marka Aamina horta caadi ma tahay adiga.

 

Aamina:

Axmed waxba ha is dhibin Cawil jawaab waan siiyey waxaana u sheegay inuu soo daahay

 

Axmed:

Siduu ku soo daahay bil dhalatay ayaan u sugeysay maxay tahay soo daahista aad iminka sheegeyso mise Guuleed ayaad xiriirkii dhalanteed xagaada run isu badalay ii sheeg Aamina ma malayn kartid sida aan kaaga xanaaqay.

 

Aamina:

Waxna ha xanaaqin Axmed aniga waxba iima haayo Guuleed oo kaliya ayaa uu rabaa inuu wadadeyda ka fogeeya

 

Axmed:

Waad qaldan tahay Aamina waxa uu Cawil ka hadlayo waa dareen dhab ah laakiin nasiib xumadaada ayaan la yaaban nahay

 

Aamina:

Nasiibkayga manta ma xumaan horeba waa u xumaa

 

Axmed:

I maqal Aamina manta oo aan Cawil ka saarnay qalbigiisa Muna miyaad adiga diideysaa

 

Aamina:

Yaa kuu sheegay inuu qalbigiisa uu Muna ka saaray war shalay ayay wada qadeeyeen

 

Axmed:

Qado oo la wada cuno maxay tahay

 

Aamina:

Aniga si wacan ayaan Cawil u aqaan welina Muna kama quusan teeda kale ogow in aan xaq u leeyahay in aan la noolaado nin I jecel oo qalbigiisa aan darajo ku leeyahay marka Cawil intaas oo dhan kama helaayo nolosheyda iyo go’aankayga igu daa.

 

Axmed:

Ma go’aan qaldan ayaan kugu daayaa

 

Aamina:

Hadaba ogow in Aruug Arrintiisa looga Rooneyn teydana aniga ayaa aqaan

 

Axmed waa uu ku daalay isaga oo yaaban ayaa uu ka tagay Nuurta oo waxa dhacayo oo dhan la socotay ayaa u soo gashay markii ay damacday in ay walaasheed la hadasho ayaa loo sheegay in arrimahaan ay ka weyn yihiin sidii ayayna ku aamustay Nuurta iyada oo aad ugu xun in Aamina rajadii ay mudo naawileysay in ay diido markii ay soo ifbaxday.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!