Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 60 aad

by hanad | Friday, Feb 10, 2017 | 4417 views

Aamina habeenkaas hadalna cidna lama galin aabaheed waxa uu qabay in ay daalan tahay hurdadii ayaa uu u dhaafay subaxii xigay ma aysan shaqo tagin iyada oo waliba aan telkeeda shidin Axmed iyo Cawil waa ay la yaabeen in Aamina ay soo shaqo geli weyday waxa uuna Cawil ku taliyey in mudo la siiyo oo aan lala hadlin.

 

Guuled oo aan wax kala socon waxa dhacayo oo dhan ayaa markii saka uusan arkin Aamina ayaa uu Axmed u soo galay oo uu ku yiri

 

Guuleed:

Axmadow maxaa helay Aamina waa sidii ay shalay u baxday welina telkeeda waa dansan yahai sidey wax u jiraa

 

Axmed:

Aamina waan la yaaban nahay ee mid aan ku weydiiyee adiga iyada xaalkiina ka waran

 

Guuleed:

Maxaad ula jeedaa

 

Axmed:

Guuleedow waan yaaban nahay waa tii aan jilid been u sameynay in Cawil aan dareenkiisa ku soo jeedino Aamina manta markii uu Aamina inuu hortagay oo uu ku yiri waan ku jecelahay waxaa la yaab leh in ay Aamina ka booday aniga oo waliba og sida ay u jeceshahay waxaanse is iri xiriirkii dhalanteedka armuu jaceyl ka dhashay oo is jeclaateen wax aad isu sheegateen miyaa jira.

 

Guuleed:

Maya waxba ma jiraan walaal waxna kalama socda arrimahaas oo dhan.

 

Axmed:

Wallaahi ma aqaan

 

Guuleed:

Iminka halkee joogtaa

 

Axmed:

Xaafada aabaheed ayay jirtaa

 

Guuleed:

Inaan u tago ayaan rabaa ee guriga fadlan ii tilmaam

 

Axmed:

Haye markan rawaxaya ayaan ku geynayaa

 

Sidii ayaa lagu balamay Guuleed waxaad moodaa in kala boodka Aamina iyo Cawil inuu fursad u arkay maxaa yeelay intii mudadaba waa uu qarsanayey dareenkiisa waana uu ka helay Aamina balse ma aysan u muuqan si uu ugu sheegto maadaama halgankii xilligaas lagu jiray in ay aheyd in Cawil qalbigiisa la kiciyo wuxuuse manta is tusinayaa in fursad weyn isaga u tahay loogana baahan yahay in intii in ka dhow uu Aamina u dhawaada.

 

Axmed yaab ayaa uu meel la fadhiyey waana uu la yaaban nahay sida ay arrinta isu badashay waana uu ka xumaa in halgankiisa uu noqon waayo mid mira dhala. Halka Cawil uu guuldarada meel la fadhiya si uu xaal yeelana uusan garan Aamina ayaa aheyd qofta ugu daran oo xataa baadkii ka go’day waxaad mooday in si qaladan ay u fikirtay una aragta in Cawil uu rabo inuu nafteeda jujuubo isla markaana uusan jirin dareen dhab oo u haaya.

 

Guuleed oo aad u dhararayey la kulanka Aamina markii la keeenay guriga Aamina gudaha oo uu u galay Eedo Maryan oo ka hor timid ayuu isu sheegay inuu yahay Dr Guuleed oo uu doonayey Aamina markiiba Aamina ayay ku wargelisay oo u sheegtay in Dr Guuleed u joogo in qolka Fadhiga la geliyo ayay u sheegtay oo ay u imaaneyso markii qolkii fadhiga loo tilmaamay ayaa uu in cabaar sugay markii dambena u timid Aamina oo aad ula yaabay dhafarka ka muuqda markaas ayaa uu ku yiri.

 

Guuleed:

Haye Aamina side laguu haayaa dhafar ayaa kaa muuqda

 

Aamina:

Waan iska fiican nahay I waran xaaladiina

 

Guuleed:

Wallaahi adiga oo kaliya ayaa goobtii laga taway laakiin maxaad sidaan u yeeshay Cawil in uu ku hoos yimaado waa kii aan juhdi aan u galnay markaan gaarnay hadafkeena maxaad u diiday.

 

Aamina:

Aadamaha hal qalbi oo kaliya ayaa uu leeyahay qalbiga labo qof ma wada qaado marka Cawil waxaan ogahay inuu weli Muna la haayo sidee aniga farxad ii siin karaa.

 

Guuleed:

Farxada iyo jaceylka dhabta waxaan aaminsan nahay in guurka kadib ay imaaneyso

 

Aamina:

Laakiin nin I jeel ayaan rabaa in aan la nolosha la qaado

Guuleed oo tan fursad u arkay ayaa yiri

 

Guuleed:

Waa runtaa laakiin mid ayaan kuu sheegayaa shaqadadaa ha iska dayacan waad ogtahay in akoonkaaga uu maran yahay oo lacagtaada oo dhan aad shirkada guriga idiin dhistay ay wada lahaaday marka fadlan shaqeyso ileyn arrintaan maaha in aad shaqadaada u beylihiso.

 

Aamina:

Waa runtaa Guuleed Inshah Allah beri ayaan soo shaqo galayaa wallow aan aad u dhibsanayo in Cawil aan arko

 

Guuleed:

Cawil waad arkeysaa ileyn meel ayaad ka wada shaqeysaan xataa guri ayaad ku wada nooshihiin maxaa yeelay Hooyo Warsan waa ay kaa xumaaneysaa haddii aad gurigaan u soo wada wareegto marka is adkee oo wajah runta aniga geesinimo iyo iimaanba waan kugu ogaa.

 

Aamina:

Waa runtaa waana balan in aan soo shaqo geli doono

 

Guuleed isaga oo is tusinayo in fursadiisa ay weyn tahay ayaa uu baxay oo uu xaafadiisa soo aaday Axmed oo telefoon ku soo wacayna waxa uu u sheegay in maalinta beri ah ay soo shaqo geli doonto ayna ka ogolaaday Axmed oo weli shakigiisa qaba ayaa markaan u miciin biday xaaskiisa oo wax walba u sheegay Xamda ninkeeda ayay ku raacday in qof kale ay meesha ku jirta waliba ay dhici karta in Guuleed iyo Aamina arrimo kale oo aysan sheegeynin inuu ka dhaxeeyo.

 

Aamina subaxii xigay waa ay soo shaqo gashay shaqadeda ayay sidii ay u aheyd u gudatay waxaana maalintaa qadada ku casuumay Guuleed oo ay wada qadeeyeen Cawil isaga waxa uu arkayo tiiraanyo iyo calool xumo ayay u aheyd eedana isaga ayaa Isa saarayey maadaama uusan hore qalbigiisa u dhageysan manta uu dareenka uu waalayo uu Aamina cid kale ay la heyso.

 

Aamina habeenkaas gurigii Habaryarteed ayay u hooyatay wallow iyada iyo Cawil aysan jirin war ka dhaxeeyey Cawil waxaa arrintii weydiiyey aabihii waxa uuna u sheegay in Aamina ay xilli hore nafteeda xulasho u sameysay isla markaana ay Guuleed la heyso wallow Aabe Cali Nuur uu aad ula kurbooday wiilkiisa ayaa uu ka dalbay in arrinka loo sheego hooyadiis si ay Aamina ula hadasho waxaana taa ka diiday Cawil oo ku yiri Aamina ha loo daayo dooqeeda.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!