Daawo Sawirro: Munaasabadda Xil wareejinta Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusub

by A M | Thursday, Feb 16, 2017 | 8336 views

February 16 (Jowhar)— Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay oo ay xilalka kula wareegayeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoonka Baarlamaanka, labada aqal, Wasiirada Xukuumadda xilka sii heysa, Xildhibaanada labada gole, iyo marti sharaf kale.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha cusub ee afarta sanno ee soo socota Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ugu horeyn Madaxweynihii ayaa ku wareejiyay Madaxweynaha cusub, Documentiyadii intii xilka hayay, sidoo kale waxaa uu ku wareejiyay hadiydihii uu ku soo guddoomay magaca Soomaaliyeed, ee safaradii uu dibaddaha tagay, waxaana ka mid ahaa hadiyadahaas seef dahab, agabyo kale oo isugu jiray dahab, qallin iyo maar.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mahad celiyay hadiyadaha uu guddoomay, isagoo ku ammaanay Madaxweynihii hore howsha uu u qabtay qaranka afartii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ayaa lagu sagootiyay astaanta calanka qaranka, iyadoo Madaxweynaha cusub uu wixii maanta ka dambeeyay uu si rasmi ah ugu shaqeyn doono Xarunta Madaxtooyada.

Hab maamuuska Munaasabadan ayaa aheyd mid aad u sareysay, oo u dhacday qaab la mid ah hab maamusyada caalamiga oo kale iyadoo Hab maamuuskii Madaxweynihii hore C/raxmaan Aadan Cusmaan Kampala oo ah nin dhalinyaro ah uu qeyb weyn ka qaatay hab maamuuska ay u dhacday munaasabada xil wareejinta.

 

 


Like it? Share it!