Labo carruur oo walaalo ah oo ku geeriyootay Madaafiicdii lagu weeraray Madaxtooyada

by A M | Thursday, Feb 16, 2017 | 2999 views

February 16 (Jowhar)— Labo carruur oo walaalo ah ayaa ku geeriyootay madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta duhurkii lagu soo weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, xilli ay soo dhamaatay xafladii xil wareejinta Madaxweynihii hore iyo madaxweynaha cusub.

Illaa afar madfac ayaa ku soo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada, mid ka mid ah ayaa ku dhacay guri ku yaala xaafada 15-May oo ku dhow Madaxtooyada, kaasoo ay ku dhintay labo carruur oo walaalo ah.

Wararka ayaa sheegaya in labadooda waalid ay ku dhaawacmay firirka madaafiicda, dadweyne degenaa xaafada ayaa u gurmaday dadkan dan yarta ahaa.

Guriga ay degenaayeen ayaa ahaa guryaha jiingadaha oo ku yaala degmada Wardhiigley, waxaa dadka goob joogayaal oo tagay guriga ay sheegayaan inay ahaayeen qoys dan yar ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay in madaafiicda ay soo tuureen Al-Shabaab, ayna ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waa madaafiicdii u horeysay ee lagu soo tuuro Madaxtooyada Villa Somalia, markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Like it? Share it!