Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay La Taliyihiisa Amniga Qaranka

by A M | Thursday, Feb 16, 2017 | 12701 views

February 16 (Jowhar)— Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacado kaddib markii uu xilka la wareegay xilalkii u horeeyay, inta lagu guda jiro xilliga kala guurka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay La Taliyihiisa Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye, sidoo kale horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka.

Xuseen Macalin ayaa la dhashay Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ahna Madaxa Xisbiga Daljir.

Mr Xuseen oo heysta Dhalashada Britain ayaa sidoo kale ah sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida Qaranka, waxaa uu horay u soo noqday La Taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynayaashii hore.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa xilalka cusub u magacaabaya xubno horay xilal u soo qabtay, sida Safiirkii Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Belgium Dr. Cali Siciid Fiqi oo noqonaya Agaasimaha KMG ee Madaxdooyada.

Sidoo kale Madaxa Hab maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha waxaa loo magacaabay Siyaad Maxamuud Shire oo hada ahaa Qunsulka Safaaradda Jeddah, balse maalmahii u dambeeyay ka mid ahaa Howl wadeenada Madaxweyne Farmaajo markii la doortay.

Madaxweynaha cusub ayaa u bilaabanaysa howshii u horeysay ee Villa Somalia, mudada afarta sano ee soo socota, waxaa sugaya caqabado kala duwan oo ay ugu weyn tahay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.

Like it? Share it!