Qarax xoog leh oo ka dhacay goob ay ku cibaadeystaan suufiyiinta dalka Pakistan

by mahad | Thursday, Feb 16, 2017 | 1368 views

February 16 (Jowhar)—Qarax xoog leh ayaa lala eegtay goob ay ku cibaadaystaan Suufiyiinta dalka Pakistan iyadoo ay ku dhinteen 75 ruux halka ay ku dhaawacmeen 250 kale, qaraxan ayaa waxaa sheegtay ururka IS.

Masjidka Suufiyiinta Pakistan ee Lal Shahbaz Qalandar ayaa qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay, waxaana ka mid ahaa dadka ku dhintey qaraxa sagaal haween ah iyo labaatan carruur ah sida uu warbaahinta u sheegay Khadim Hussain oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Hyderabad.

Waxaa soo baxaysa cabsi laga qabo in tirada dadka ku dhintey qaraxa ay sii kororto maadaama adeeg caafimaad oo wanaagsan uusan ka jiran magaalada uu ka dhacay qaraxa.

Wasiirka Caafimaadka Pakistan Sikandar Mandhro ayaa u sheegay dadka wararka fidiya; “Adeegga caafimaad ee laga heli karo Sehwan ma aha mid ku filnaan kara arrintan deg-degga ah waxaana aan ka shaqeyneynaa oo xoogga saareynaa sidii aan wax ugu qaban lahayn dadka dhaawaca ah.”

Kumanaan ruux ayaa taga masjidkan Khamiis walba iyagoo ka qeybgala wax ay Suufiyiinta Pakistan ugu yeeraan “Dhamaal” oo u eg dikriga suufiyiinta Soomaaliya.

Halka la qarxiyay ayaa la dhisay sanadku marka uu ahaa 1356, waxana ku yaal qabriga Syed Muhammad Usman Marwandi, oo ahaa suufi caan ahaa kaasoo ku magac dheeraa Lal Shahbaz Qalandar.

 

 

 

Like it? Share it!