Yaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Madaxa Hab Maamuuska

by A M | Thursday, Feb 16, 2017 | 9363 views

February 16 (Jowhar)— Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta xilka kala wareegay ayaa magacaabay xilalkii u horeeyay ee Madaxtooyada Qaranka.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Madaxa Hab Maamuuska ama Protocol-ka Madaxtooyada.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa loo Dr. Cali Saciid Faqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo Siyaad Maxamuud Shire u magacaabay Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.

Siyaad ayaa hore u ahaa Qunsulka Guud ee Jeddah, ka horna Qunsulka Nairobi,  waxaa horay ula soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaarayaal hore, Siyaad waa nin madaale ah oo shaqo badan.

 

Diblomaasiyiintan loo magacaabayo xilalka Madaxtooyada ayaa ka mid ahaa Safiiro dhowr ah oo Soomaaliya u fadhiyay dalalka dibadda, kuwaasoo ka mid ahaa howl wadeenada Madaxweyne Farmaajo, iyagoo si hoose ula shaqeynayay intii ololaha doorashada socotay.

Safiiro dhowr ah iyo Diblomaasiyiin ka shaqeynayay Safaaradaha dibadda ayaa durbaba ka mid noqday dadka ugu horeeyay ee ka ag-dhow Madaxweynaha cusub, kuwaasoo inta ka soo tagay shaqooyinkooda, faraha la soo galay howlo aanay shaqo ku laheyn.

Madaxweyne walba oo la wareega Madaxtooyada ayay hubanti tahay inuu bedelo Mas’uuliyiintii la shaqeyneysay Madaxweynihii isaga ka horeeyay, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in la magacaabo xilal kala duwan oo ah Agaasinka Waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u bilaabatay howshii u horeysay ee Madaxtooyada, isagoo afarta sano laga sugayo waxyaabo badan oo dadka Soomaaliyeed ka rajeynayaan inuu wax ka qabto, waxaana tallaabada u horeysay ee laga sugayo ay tahay inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Like it? Share it!