Ciidamadii huwanta ee duulaanka ku ahaa Xarardheere oo dib ugu laabtay halkii ay ka yimaadeen

by A M | Friday, Feb 17, 2017 | 3373 views

February 17 (Jowhar)— Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira kumaandooska xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo ciidamo caddaan ah oo maalmahan guluf dagaal ka waday Koofurta Mudug ayaa la sheegay inay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duulaan tageen.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa qorshahooda ahaa inay duulaan ku qaadaan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan oo maalmo ka hor dagaalo kula galay Al-Shabaab duleedka deegaanka Camaara ayaa haatan la sheegayaa inay ku laabteen magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Muddug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qeyb ka ahaayeen kuwa Puntland, waxaana taageerayay diyaarado dagaal oo dul heehaabayay deegaanada Camaara iyo Ceel cabdi.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara ayaa Yuusuf salaad Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadan ay u dhaqaaqeen dhanka Gaalkacyo iyo Hobyo, isagoo xusay inay ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Lama oga sababaha keenay in ciidamadan inay dib ugu laabtaan deegaanada ay markii hore ka yimaadeen.

Like it? Share it!