Madaxweynaha Maraykanka oo weli aan helin qofkii uu ku bedeli lahaa La taliyihiisa Ammaanka

by mahad | Friday, Feb 17, 2017 | 1422 views

February 17 (Jowhar)—Robert Harward oo uu Madaxweyne Donald Trump uu ka codsaday in uu noqdo kaaliyihiisa Ammaanka Qaranka ayaa diiday in xilkaas uu la wareego.

Robert Harward oo ah sarkaal hore oo ciidamada Maraykanka la soo shaqeeyay ayaa si weyn loola xiriiriyay jagadan ka dib markii uu Trump shaqada ka eryay Michael Flynn Isniintii.

Sarkaal Aqalka Cad u hadlay ayaa sheegay in Harward uu u cudurdaartay arrimo qoys iyo kuwo maaliyadeed, Hase yeeshee warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in uu doonayay in uu kooxdiisa keensado.

Caqabadan ayaa soo baxaysa saacado uun ka dib markii Trump uu diiday wararka ay tabiyeen warbaahinta ee ku aadan in jahwareer uu ka taagan yahay Aqalka Cad, wuxuuna ku adkaystay in maamulkiisu uu si wanaagsan hawsha u kala wado.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa u muuqda haatan mid siyaasadiisa aysan dadka Maraykanka ah u cuntamaynin.

 

Like it? Share it!