Maleeshiyaad waxyeelo ka soo gaartay qarax ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne

by mahad | Friday, Feb 17, 2017 | 1341 views

February 17 (Jowhar)—Qarax xoogan oo ka dhacay deegaanka gambarlaawe ee duleedka magaalada Baladweyne ayaa sababay dhaawaca afar maleeshiyo ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadkan ay ahaayeen kuwo ku sugnaa bar koontarool oo ku tiil halkaas iyagoo gaadiidka soo gala magaalada Beledweyne ay lacago uga qaadaan.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso taasoo lagu duugay goob bar koontarool u tiil maleeshiyaad aan ka amar qaadan maamulka magaalada Beledweyne.

Dhaawaca maleeshiyaadkan ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Beledweyne halkaa oo lagu daweynayo. Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Beledweyne ayaan ka hadlin qaraxan mana jiro cid sheegatay inay mas’uul ka ahayd qaraxan.

Ma aha markii ugu horeysay ee qarax uu ka dhaco goobo ay gaadiidka lacago aan sharci ahayn loogaga qaado magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!