Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 61 aad

by hanad | Friday, Feb 17, 2017 | 5043 views

Cawil maalmo cakirnaan ayaa uu galay oo uu naftiisa dhibsanayey Axmed ayaa uu ahaa qofka kaliya ee dhibkiisa fahmayey oo aad ugu xanaaqsanaa Aamina sida ay isu badashay Guuleed oo laf ahaantiisa dantiisa markaan juhdi ugu jira ayaa go;aansaday in tiisa uu ka hadlo kana faa’ideysto Xaalada jirta.

Waxa uuna Maalin Jimco ah uu ku casuumay Aamina qado uu ku geeyey Xeebta Jasiira oo uu qabay in ay tahay meel ku haboon inuu dareenkiisa ku sheegto Axmed ayaa ahaa qofkii ugu horeeyey ee ogaaday in Aamina iyo Guuleed ay tagayaan qado waxa uuna ku ogaaday isaga oo maqlayey Guuleed oo miis ka sii carbuunanayo Baar Jasiira oo xeebta Jasiira ku taalay markii uu tani maqlay ayaa uu dhinaciisa ku raacay fikir uu Cawil mudooyinkaan waday oo uu kaga diidanaa inuu Safar dalalka deriska midkood ku tago isla markaana uu halkaas mudo nasasho ku so qaado oo uu Axmed ku wareejiyo agaasimaha isbitaalka si uu howsha u sii wado Axmed manta ka hor waxa uu aaminsanaa in arrinta Aamina ay rajo leedahay Cawilna aan looga baahneyn inuu nasiibka ka cararo balse waxaa uu xaqiiqsaday in Aamina iyo Guuleed uu xaalkooda yahay  mid adag isaga oo daliil u soo qaadanayey in Aamina aysan weligeed ogolaan in ay baar tagto oo dhow jeer hore iyaga kaga diiday sababta ay Guuleed kaga ogalaaday ay tahay kalsooni weyn oo dhexdooda ka dhalatay Axmed naftiisa ayaa uu hiifayey oo uu isu sheegay inuu isaga ahaa midkii isu soo dhaweeyey balse yaa u sheega in Aamina cida kaliya ay abid jeclaaday ilaa iminkana ay jeceshay inuu Cawil yahay aysan marnana xageeda ka sahlaneyn in qeyrkiisa ay qalbigeeda gelisa.

 

Guuleed xilli hore ayaa uu Aamina ka soo doonay xaafadooda maadaama la isku ogaa in baabuurkiisa la wada raaco markiiba waxa ay soo abaareen xeebta Jasiir oo in cabaar ah u jirta magaalada Muqdishu Aamina waxaad mooday in xooga ay soo bixistaan ay u arkaysa mid ay jawaigii fikirka ay kaga baxeyso.

 

Markii la yimid ayaa xoga xeebta lagu soo socday kadibna lagu soo laabtay miiskooda oo markiiba cabitaan loo soo hormariyey in cabaar ayayna ku sheekeeyeen sidii lagu wada qadeeyey markii alaabtii qadada laga qaaday ayaa uu Guuleed is furfuray oo dantiisa inuu markaan u kaco go’aansaday oo mowduuca meel kale u jiheeyo waxa uuna hadalka ku furay.

 

Guuleed:

Aamina maalmo murugo ayaad gashay waxaan filayaa in aad iminka ka booday ka waran xaalkaaga

 

Aamina:

Hadda ka waran sideen kula muuqdaa

 

Guuleed:

Sidii aan kugu bartay ayaad ku soo laabatay

 

Aamina:

Alxamdullaahi

 

Guuleed:

Laakiin manta aniga ayaa rabo war mudaba I soo riixayey in aan kuu sheegto waana kaa cabsanayaa

 

Aamina:

Maxay tahay cabsida hadal manta waa aragtaa jawi macaan ayaan ku jirnaa sheego warka ku haaya

 

Guuleed:

Aamina aniga mudaba dhalanteed ayaan kula waday laakiin arrintaas aniga dhibane ayaan u noqday maxaa yeelay jilidii ayaa ila tagtay si dhab ah waan kuu jeclaaday

 

Aamina oo anfariir ka soo haray ayaa damacday in ay hadasho waxa uuna Guuleed u sheegay in fursad siiso uu warka ku dhameeyo

 

Guuleed:

Dareenkaaga ayaana qiimeynayey dhowr jeer waad ii sheegtay sida uu qalbigaaga Cawil ugu weyn yahay waana tan aniga garbo duubka ii xeray oo aan kaaga aamusnaa laakiin manta markii aad Cawil diiday ayaa is iri armey fursad iminka kuu furan tahay mana rabo xataa haddii aan arrinkaan isku fahmi weyno in xiriirkeena uu go’a dad wanaag isku bartay ayaan anahy wanaagii yeysan dhamaan.

 

Aamina:

Guuleed wax walba adiga ayaa idleeyey Cawil sidii aan hore kugu sheegay iyo si ka weyn ayaa uu qalbigayga jago weyn ugu leeyahay mana awoodo in aan qeyrkiisa qalbiga geliyo waan jeclahay waana jeclaan doonaa marka aniga walaaltinimo iyo asxaab ka badan kuuma haaya

 

Guuleed oo guuldarada is moodsiinaya ayaa isaga oo qosol been ah qoslay ayaa uu ku yiri

 

Guuleed:

Maasha Allah aniga saxxiibtimadaada ayaa igu filan laaakinn su’aal

 

Aamina:

Soo daa

 

Guuleed:

Maxaad Cawil ku qoontay oo aad ku diiday haddiiba uu kuu sheegtay inuu ku jecel yahay

 

Aamina:

Qalbigayga ayaa I leh Cawil hadalka afkiisa iyo kan qalbigiisa ismalaha waana aamisan inuu weli Muna jecel yahay marka ma doonayo nolol aan farxad laheyn inaan ku noolaado.

 

Guuleed:

Aniga guul ayaan kuu rajeeyey iyo in aad farxad hesho laakiin mid ogow aniga waxaan u arkaa in loo bahan yahay in adiga iyo Cawil aad arrintaan fadhi kaga wada hadashaan ma aqaan in ay sababta uu adiga kuu qayaamayo.

 

Aamina:

Ka gudub warkaas ee iga waran bukaankii miyiga laga keenay

 

Guuleed:

Waxaan jecel nahay in aan dibada u dirno waraaqihiisa waa soo dhamaadeen in usbuuca xiga la wadi doono ayaan rajeyneyna

 

Aamina:

Maasha Allah nasiibka waa saaciday hooyada ma raaceysaa

 

Guuleed:

Haa waa ay is raacayaan

 

In cabaar ah ayaa sheeko lagu daahay markii la casriyeystay ayaa xagii Muqdisho loo soo rawaxay Aamina markii xaafada la keenay ayay Guuleed u mahadcelisay oo u sheegtay in manta uu jawi macaan ku casuumay isaga waxa u shegay in marar kale ay booqan doonaa sidii aya lays ku macaslaameyey.

 

Guuleed marnaba kama xumeyn in ay Aamina aqbali weydo si buuxda ayaa uuna u ogaa in Aamina aysan marnaba ilaawi doonin Jaceylka Cawil waxa uu u rajeeyey in ay is fahmaan.

 

Aabe Cali Nuur xaalka cusub ee uu wiilkiisa galay waa uu ka xumaa dhowr jeer waa uu damcay in Aamina uu ka baryo farxada wiilkiisa laakiin waxa uu dib u xasuusanayey hadalkii wiilkiisa.

 

Cawil ugu dambeyn waxa uu go’ansaday inuu mudo bil ah uu fasax ku aado dalka Kenya taana waa uu ku raacay aabahis iyo Axmed wallow Hooyo Warsan loo sheegay in arrimo shaqo uu u baxayo Aamina ayaa ah cida kaliya ee aan ogeyn inuu Cawil uu u baxayo iyada dardeed maadaama ay dareenkiisa cayaar cayaar u aragtay.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!