Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 62 aad

by hanad | Friday, Feb 24, 2017 | 4132 views

Waa xilli galab Aamina weli ayay shaqada ku jirtay waxayna rabta feylka Bukaan in muda ah caafimaadkeeda ay la socotay markii ay qolkii Biibi soo gashay ayay aragtay Biibi oo ku mashquulsan feylal badan kala saaridooda markaas ayay ku tiri.

 

Aamina:

Haye Biibi manta shaqo badan ayaa kuu taalee

 

Biibi:

Meeshaan qofta ugu shaqada badan ayaan ahay mana ley abaalmarinayo

 

Aamina:

Abaalmarin waxaa ka wanaagsan in aniga aan kuu arko in aad tahay qof shaqadeeda gudaneyso ee Feyl ayaan rabaa waana ku arkaa mashquul ayaa tahay

 

Biibi:

Hadaa ma laguu fadhiyaa

 

Aamina:

Maya waa Bukaan beri ii balansan marka in aan sii diyaarsado ayaan rabaa subaxii mashquulkaaga ayaana badan

 

Biibi:

Magaca lee ii qor aniga ayaa xafiiskkaaga kugu keenayo

 

Aamina in ay magaca u reebto ayay ku dhaqaaqday oo warqad ay ku qorto ayay miiska ka raadisay waxaase indhaheeda qabtay warqad ay durbadiiba ay aqrinteeda la booday Biibi oo aragtay in warqad ay aqrineyso ayaa tiri

 

Biibi:

Maxaad sameysay Aaamina warqadaas in aan kaa qariyo ayaa la ii amray

 

Aamina:

Goormaa la saxiixay warqadaan

 

Biibi:

Shalay

 

Aamina:

Muxuu Cawil shaqada ugu wareejinayaa Axmed halkee ayaa uuna tagayaa

 

Biibi:

Walaahi aniga ma aqaan meesha uu aadayo laakiin Aamina abaayo waxaan ogahay inuu adiga dartaa u baxayo waayo Cawil si dhab ayaa uu kuu jeclaaday walaahi aniga xataa waan kaa xumaaday in aad diido waxaana loo baahnaa in aad waayaha kaga hiiliso shalay tii xoortay naxaankiisa ma aheyn laakiin adiga naxaankiisa ayaa tahay xataa haddii aadan jecleyn fursad sii aniga waxaan aaminsn nahay inuu farxad ku siin kara maalin kasta markaan xafiiska ugu soo galo masawirkaaga lee fiirsadaa sideedaba waxaa la yiri MUSBAAX MININKAAGA U BAAHAN MININ DADOW LAMA GEEYO ma fiicneyn walaashay in aad Guuleed naftaada siiso

 

Aamina oo ilintii ka soo hoortay ku qubeysatay intii warkaas oo dhan loo sheegaayey ayaa ku tiri

 

Aamina:

Goormuu baxayaa Cawil

 

Biibi:

Beri ayuu baxayaa isaga iyo Axmed ayaa hadda is raacay

Aamina muusik ayaa ku yeertay markiina Axmed ayay wacday oo ay weydiisay mesha uu joogo inuu Xeebta Liido joogo ayaa loo sheegay Aamina iyada oo aan gadaal u noqon ayay Baabuurkeda kaxeysatay iyadoo warqadiina sidata ayay halkii Xeebta Liido ka xigtay u jiheysatay markiiba ma raaginee waa ay dultagtay miiski ay Cawil iyo Axmed fadhiyeen Axmed ayaa ahaa ninkii horta arkay in ay Aamina soo socoto Cawil ayaa uu tusiyey markii ay dul imaaday ayay u sare kaceen oo fadhiiso ku wada yiraahdeen inta ay Axmed u jeesatay ayay ku tiri

 

Aamina:

Maxaa jira Axmed miyaanan walaalo aheyn maxay tahay warqadaan maxaadse u ogaan waayey

 

Warqadii markii ay arkeen Cawil iyo Axmed ayaa Cawil ku yiri

 

Cawil:

Aamina Abaayo tani Axmed qalad kuma laha

 

Aamina:

Aamus Cawil waxaa hadlayo gabar iyo walaalkeed adiga iyo aniga warkeena waa isu damebeynaa

 

Axmed:

Aamina isaga ayaa sidaas rabay

 

Aamina:

Adigana xataa ma ii sheegi kartid ma ogtahay in tani nafaf badan ay cinqaabteeda ahaan laheyd

 

Aamina markiiba Cawil ayay u soo jeedsatay oo ay ku tiri

 

Aamina:

Haye xataa ima quurtid waan baxayaa mise talo tusaale waxba aniga malayga baahna maxay tahay sababta aad u carareyso

 

Cawil:

In aan Master diyaariyo ayaan rabaa marka waan sii dhawaanaa oo sii indho indheynayaa meesha igu haboon

 

Aamina:

Been baad sheegeysaa Cawil si wacan ii fiiri ee runta ii sheeg

 

Cawil:

Runta ayaa taa ah

 

Aamina:

Hadaba safarkaaga waad joojineysaa beri mana ogolaanayo in aad baxdo ilaa aniga aan ku fasaxo ma baxaysid

 

Cawil:

Waa ku baryaa Aamina I faham Aabe iyo Hooyo waa I fasaxeen

 

Aamina:

Laakiin been ayaad u sheegtay mana kuu ogolaanaayo in aad baxdo ilaa aan hadalno

 

Cawil:

Iminkaba waan hadli karnaa

 

Aamina:

Inta maya hadana maya Axmed xaafadiisa ayaan habeen dambe ku hadleynaa I maqal Axmed habeen dambe cashada waa halkaada adiga iyo Xamda ayaana aniga iyo Cawil noo kala garqaadi doono

 

Axmed:

Aaminooy Rajo ayaad I gelineysaa ma qalbiyadeena ayaad saweysaa mise nafteena ayaad samirsiineysaa

 

Aamina:

Waad ogtahay in Rajada ay xagayga ka weyn tahay marka wax san filo mar kasta

 

Aamina markiina warqadii ayay jeexjeexday kuna tiri “Waa inoo habeen dambe iyo Xaafada Axmed” inta ay tiri ayay baabuurkeedii ku dhacday oo ay isbitaalka ku noqotay

 

Axmed saaxiibkiisa ayaa uu u sheegay in warkaas uu isaga aad ugu faraxsan yahay loogana baahan inuu safarka dib u dhigo habeen dambe xagiisa ay cashada tahay

 

Inkastoo Axmed uu rajo fiican ka nawilayo xagga Aamina balse Cawil aad ayaa uu rajo xumaa mana jirin niyad uu haayay oo uu hamigiisa ku gaarayo waana tan uu safarkiisa ugu tanaasulin oo uu mudo todobaad oo kaliya dib u dhigay.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!