Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 63 aad

by hanad | Friday, Mar 3, 2017 | 2596 views

Sida caadada subaxii kuli waa la wada shaqo tagay hadana qof  arrrimaha shaqada ka baxsan iskula hadashay ma jirin Biibi ayaa aad ula yaabtay in Cawil uu joogo ayaa markii ay weydiisay uu u sheegay in usbuuca dambe uu bixi doono galabtii,

ayaa hadana shaqada laga soo wada baxy iyada oo cid kasta baabuurkeeda sidata ayaa uu xaafada ku soo laabtay Axmed xaaskiisa xilli hore ayaa uu ku wargeliyey in Caawa casho laga rabo Xamda oo aad ugu faraxsaneyd in gurigeeda uu noqdo goobtii ay lamaanahaan jahwareerka ku jira ay isku fahmi lahaayeen ayaa casho cajiib ah u diyaarisay iyadoo qaab cajiib u diyaarisay waxaana soo hormaray Cawil oo in cabaar Axmed la fadhiyey Aamina oo iyada soo yara daahday ayaa ugu ambeyn timid iyada oo si aan hore looga baran u lebistay waxayna Axmed iyo Cawil oo deyrka guriga fadhiya ku soo martay kuna tiri.

 

Aamina:

Haye qaraabo miyaan idiinku soo daahay

 

Axmed:

Dhabtii maya

 

Aamina markiiba hore ayay u gashay waxuuna Cawil ku yiri Axmed

 

Cawil:

Ma Jaceylka I lalayo mise Aamina caawa habeenadii hore waa ay ka badalantay Maasha Allah qurux aad caadi aheyn ayaan ku arkaa

 

Axmed int uu qoslay ayaa uu ku yiri

 

Axmed:

Xilli kasta walaashay waa ay nuureysay malaha adiga ayaan dareen kalgacal ah ku fiirin haye hore ma u galnaa

 

Sidii ayaa gudaha loogu soo galay oo qolkii cuntada la isugu tagay oo cashada in la cuno la isku raacay si lamaano ah cashada waa u diyaarisay Xamda oo ugu talagashay in si uun isugu soo dhaweyso Cawil oo cunto kulul aan cuni Karin ayaa mudo mashquulay inuu cuntada u bareero oo qaandada marba dhinac ka gelinaayey Aamina oo garatay ayaa markiiba buug yar oo miiska dhinac ka saarnaa inta ay soo qabatay oo inay u qaboojiso bilaawday intay Aamina cuntada qaboojineysay ayaa uu Cawil iyada fiirin ku haayay halka Xamda iyo Axmedna ay aad iyaga u daawanayeen Aamina oo markii ay u aragtay in cuntada uu cuni kara ayaa tiri.

 

 

Aamina:

Iminka waad cuni kartaa aboowe

 

Cawil:

Mahadsanid walaashay adiga oo kaliya aya I yaqaan

 

Sidii ayaa cashadii cunisteeda lagu soo idleeyey waxaana loo soo gudbay qolkii fadhiga oo ahaa halka caawa ay maadasha taal oo hadalka lagu furi dooni Xamda ayaa in cabaar ah la sugay markii dambana waa ay soo gashay waxaana hadlay Axmed oo yiri.

 

Axmed:

Waxaan filayaa in aysan jirin waxaan sugno oo aan hadalka furan karno haye Cawil

 

Aamina:

Hadalka Cawil malaha aniga ayaa leh oo furayo

 

Xamda:

Waa sax ileyn Aamina kulanka iyada ayaa dalbatay bal aan Aamina dhageyso

Aamina oo aan ka fogeyn halka uu Cawil fadhiya ayaa hadalka furtay iyada oo Cawil si qaas u fiirineyso

 

Aamina:

Ugu horeyn dhamaan waan idinka mahadcelinayaa in aad iga aqbashaan kulankaan dhabtii waxaan abid isku heystay oo aan weli qabaa in aan cidna aan dhibin micnaha aysan cidna dhibane ii noqon sidaa ay tahay aad ayay ii dhibtay in Cawil uu dartey shaqadiisii iyo halkii ay noloshiisa taalay kaga tago waana tan aan caawa kulankaan u dalbay waxaana rabaa in Cawil aan runta daareen siiyo dhibka uu ka cararayo Cawil mid ka daran aniga ayaa dartiis u maray hadana nolosha kama quusan waa su’aalee Cawil maxaad ku carareysaa maxaad riyooyinkaaga ugu carareysaa.

 

Cawil:

Waxaan qabaa meeshaad ku dhibtooda waa laga tagaa waana sababta aan u cararayo

 

 

 

Aamina:

Meeshaad ku dhibtoodo maa tiri! adiga dartaa ma ogtahay dhibaatada loo maray aniga waxaad ii aheyd bidhaan aan fiirsado ma ogtahay sida aan kuu sugaayey iyo sida aan kuu naawilay dareenka dumarnimo maalintaan iska dareemay ayaad ahayd midkii ay nafteyda xulatay waxaan aaminsanaa in maalin uun aad indho jaceyl igu soo fiirin doontid maalintii aad afkaaga iiga sheegtay in aad gabar aad jeclaaday ma ogtahay in maalintaas uu adduunka uu korkayga ku gubanaayey aniga oo tiiraanyadaaas iyo caloolyowgaas ku jira ayaad hadana aad noqotay mid bogta jaceylka iga danqiya.

Markasta oo aad dareenka Muna aad u qabto aad igala hadasho ma ogtahay in daqiiqad kasta aan dhimanayey waliba dartaa aniga marnaba ma awoodin in aan qalbigayga kaa saaro oo aan ku ilaawo laakiin aniga oo farxadaada fiirinayo ayaan dhibta in aan ku noolaado u ogolaaday aniga oo og in aan la’aantaada noolaan Karin hadana aan ku haleynin ayaan nafteyda u diiday in ay hiigsi kale yeelato oo ay qeyrkaa xulato Ayaamaha waxay ahaayeen kuwa aan tirinayo kalagacal aan cidna ila wadin ayaan sahminaayey waxaan samirsiin ku haayay nafteyda aniga oo rajada wanaagsan is tusinaayey laakiin cidaan jeclaaday ayaan farxadiisa teyda  ka hormariyey.

Cawil maalintii jaceylkaagii Muna ay cidlada kaaga tagtay dhibtaada ayaan kula qabay in aan dhibataada eegan waayey ayaan nafteyda dhibsaday cid kasta oo xumaantaada sheegta ayaan la colooway aniga waan awooday in aan xilligaas kuu sheegto dareenka xoogan ee dadka oo dhan iga dhex saaray ee aan adiga kuu qabay laakiin maxay ahayd sababtii aan kugu sheegan waayey ma taqaanaa qalbigaaga maalin uun Muna kama saarin markii aad dib u kulanteen xaalkiina waan la socday Marka Cawil aniga waxaan xaq u leeyahay nin farxad I siiyo inaan la noolaado laakiin laab meel kale ku laran nafteyda ma siin karo.

Cawil oo intii aamina hadalka waday ooyinka dharkiisa qoysay ayaa yiri

 

Cawil:

Maya Abaayo sidaas oo dhan ha ii cinqaabin aniga waxaan ahaa nin dhalanteed ku jiray oo quruxda la ashqaraarey waxaan ahaa ninkii maalin uun qalbigiisa aan dhageysan mana aqoon cida ay jeceshahay oo uu qalbigayga la haayey jaceylkii aan Muna u qaaday waxaan manta xaqiiqsaday inuu ahaa Laablakac ku yimid dhalinyaranimadii aan xilligas qabay maalintii Muna ay mar kale damacday in xiriirkeena soo celiso ayaan xaqiiqsaday in nafteyda ay cid kale jeceshay cidaas waa adiga waxaan aaminsan nahay in nafteyda ciday sida dhabta u jeclaaday uu adiga yahay manta adigaa ayaa jaceylka baray waliba jaandheerta tumay ee Jikaarka ka dhowr nafteyda si dhab ayaan kuu jeclahay laakiin sidaada oo kale adkeysi ma lihi Aamina naftaan dartaa ayay u basbaseysaa macaanto naftaada igu lamaanee oo laabtaada I geli.

Cawil markii uu intaa yiri ayaa uu labada gacan ee Aamina inta uu soo qabtay ayaa uu dhunkaday oo uu si dhab ah ugu ooyey Aamina oo markii horeba illinta iska masaxeysay ayaa inta ay madaxiisa kor u soo qaaday oo ay labadeeda gacmood dhabanadiisa saartay ayay tiri.

 

Aamina:

Xusuus aad u weyn iyo xiiso kalagacal ayaan ku haayaa macaane ma ogtahay in dhibkaaga uu aad ii dhibayo waa ku baryaa ha ooyin aboowe.

 

Cawil:

DHAYMANKII SIDIISAAN

KUU DHOWRAYAA

DHAAYAHAYGAA TAHAYEE

WAAN KU DARYEELAYAA

DHABANADAAN LABEENTAAN

DABAC U DIIDAYAA

DUSHAYDAAN KU QAADAYAA

DARDAARANKII JACEYLKEENA

DIRACYO INAAD II DAADIHISAAN

DAA’INKAY KA BARYAYAA

DAREEN DHAB AH AYAA I DILAYEE

EE JACEYLKAAN I DHAADHAAMAY

DARUURAHA ILA TAGAY

DUGSI IGA NAQO OO

ILA DAADIHI CAANSHAQA

 

Aamina:

Waxba ha is ciilgaabin macaane waa balan in aan dareenka caanshaqa kula wadaago

 

Cawil inta uu Aamina Madaxa ka dhunkaday ayaa uu yiri

 

Cawil:

Xagaygana waa balan in aan farxadaada ilaaliyo

 

Mar qura ayay lamaanihii mudada kala irdeysnaa iyaga oo hamuun isu qabaan laabta is geliyeen Xamda oo inta ereyada macaan la is weydaaranaayey ooyeysay ayaa Axmed marki uu arkay ku yiri.

 

Axmed:

Xamda maxaa la ooyeysaa macaanta waa habeen farxadeed waa uu guuleystay fikirkaaga waa kan Cawil aan dareensiinay waxa ay naftiisa muhaneyso

 

Xamda:

Illinta iga socota ayaa mid farxadeed ah aniga Aamina hore ayay farxadeyda ii siisay in maantana ay farxadeeda hesho waa mid ila weyn oo aan illaahay kaga mahadcelinayo

 

Cawil Oo la yaaban ayaa la soo booday

 

Cawil:

Muxuu yahay fikirkaga guuleystay oo aad ka hadleysaan idinma fahmin

 

Aamina:

Macaane waa sheeko dheer laakiin waxaa jirta in Guuleed iyo aniga aysan marnaba wax naga dhaxeynin oo wax waliba ay ahaayeen madalaad ma fahamtay

 

Cawil:

Ma dhici kartee

 

Axmed:

Haa Cawil fikirkaan xaaskayga ayaa laheyd anaga waan ku dhaqaaqnay wallow ay Aamina aad kaga soo horjeeday waliba ay dhowr jeer ay rabtay in ay ka baxdo iyada oo diideysay in ay dhibta kugu fiirsado.

 

Cawil:

Laakiin ma ogtihiin in aan Guuleed naceyb aan caadi aheyn aan u qaaday waa in aan raali geliyaa

 

Axmed:

Haddii ay sidaa tahay Guuleed caawa shaqo ayaa uu ku jiraa marka waa in halkiisa ugu tagnaa haye Cawil

 

Cawil:

Waa sidaas.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

 

Like it? Share it!