Maqaal yar oo aqooneed oo xiiso leh

by hanad | Saturday, Mar 4, 2017 | 1198 views

Dadka Soomaalida guud ahaan (Internationally) Carab iyo Cajaba waxaa looyaqaanay inay yihiin Baayac Mushtarayaal Dabiici ah (Natural traders). Guud ahaana ruuxa soomaaliga ah mihnad iyo xirfad walba oo uu leeyahay iyo bii’a walbuu kusoo koray miyi iyo magaaloba, waxaa ufudud wax badana ka fahansanyahay sida loo ganacsado ama badeeco loo rogrogo.

Hadaba waxaan idinla wadaagayaa xikmad yar.

Bartamihii Qarnigii 17-aad waxaa jiray nin Yuhuudi ah oo xarxardhi jiray qurxina jiray dahabka iyo silverka (GoldSmith) isla markaana deganaa Magaalada London, waxaana la oran jiray Amshall Moses Rothschild. Nin aad u maskax badan ayuu ahaa aadna xirfadiisa looga dambeeyey. Dadkoo dhami dahabkooda ayay u keensan jireen si uu uga dhigo nakhshad walba oo ay u baahan yihiin. Waxaa taas u dheerayd aaminaada loo qaaday iyo kalsoonida uu dadka dhexdooda ku yeeshay.

Dadku dahabkooda iyo silver-kooda ayay ku kaydsan jireen kuna ammaanaysan jireen, iyagoo markaas u arkay inay ka ammaan badan tahay inay gurigooda dhigtaan. xili walba oo ay hantidooda usoo baahdaana diyaar ayuu ula ahaa waana siin jiray. Aaminaad badan ayuu shacabkii London ku dhexyeeshay.

Markay dadkii wax ku kaydsanayey bateen Fikrado badan ayaa ku dhashay, Waxa uu bilaabay inuu sameeysto Boonooyin (Receipts) aan la koobi-garayn karin lana been abuuri karin.

Boonadihii ayuu bilaabay inuu siiyo qof walba oo dahab ama silver u dhiibta, boonada oo qeexaysa inta garaam oo dahab ama silver ah ee uu ruuxu kaydsaday. Waxa uu taas raaciyey qof walba oo wax ku kaydsada inaan wax kharash ah laga qaadayn, Markay dadkii wada aamineen kayd wayn ayuu samaystay iyo boonooyin aad u tayo wanaagsan oon la been abuuri karin.

Caqli kale ayuu ku soo daray oo uu yiri Boonada waa la isku wareejin karaa (it can be Transfer) oo ruuxa la yimaada ayaa lasiinaya badeecada ku qoran. Qof walba waxa uu bilaabay inuu boonadii suuqa latago, waxa uu u baahanyahayna ku iibsado, ileen qof walbaaba markuu kaydkii tago waa helayaa waxa boonada ku qorane.

Waxa ay gaartay inay suuqa wax walba lagu kala badasho oo boonadii isagaba u imaane kii wax iibsanaya iyo kii laga iibsanayoba ay is waydaarsadaan. Boonadii ayaa noqotay wax guriga lagu kaydsado, wax walbana lagu iibsado, kii u baahnaadana inuu usoo badashao dahabkii ama silver kiina helaayo bilaa hadal.

Boonooyinkiisi ayaa noqday wax dalkoo dhanba laga isticmaalo badeecad walbana lagu kala badasho. Aad ayayna u yaraadeen dadkii kaydka imaanayey ee dahab in lasiiyo doonayey, oo dadkii waxaa ku fillaatay inay kaydsadaan uun boonooyinka uu siiyey.

Markii kaydkii badnaa dadka u imaanayey ee labixi lahaa (withdrawals) aad u yaraadeen waxa uu bilaabay inuu kaydii dahabka ahaa uraro Paris (France) iyo Farankfor (Germany) oo wiilal walaalihiisa joogeen. Halkaas oo ay hanti aad u badan kaga sameeyeen, hadtidii London laga keenay. Isla fikradiina ka taabagaliyeen.

Caqligii iyo dhakadii markay u shaqeeyeen waxa uu ka bilaabay London dhexdeeda inuu boonooyin farabadan daabacdo, oo uu suuqa dhiniciisa ka galo, oo waraaqihii beenta ahaa ee uu sameeystay waxa uu doono ku soo iibsado, dhulal ku iibsado hantiyo badana ku iibsado.

Ileen waxaa loo malaynayaa kuwii saxda ahaaye ee dadka dahabka ama silverka kaydka loogu hayeye. Si xad dhaaf ah ayaa loo aaminay balse waxa uu u adeegsaday danihiisa gaarka ah waana ku danaystay, ilaa ay yurub madaxa isugu qaraaceen, dagaalo sukeeye oo badana galiyeen, marwalbana labada dhinac ee markaas isdagaalayana Hubayn jireen.

Fikradaas ayaa ladhahaa waa halkii ugu horaysay ee ay ka timi fikrada ah in lacag waraaq ah (boono) la sameeyo, sida lacagta Dollar ka, Riyalka ama shillinka iwm.
Wixii xiligaas ka horeeyey, waxaa lacag loo aqoon jiray oo qura Dahamka ama Silver oo keliya. Wax lacag waraaq ahna ma aysan jirin wixii xiligaas ka horeeyey.

Hadaba hada soomaaliya waxaa kajira shirkado Taabo galiyey lacago Hawo ah (Digital). Aan lahayn dowlad contorosha iyo bank dhexe oo raasumaal ka yaal (Bank Reserve) oo haduu kaco dadka hantidooda u gudaaya, ama dabagala lacaga sida loo adeegsado. Shirkadahaas oo si shakhsiyan ah (Private) loo leeyahay dhamaantood.

Shacabkuna aaminsanyihiin in lacagtii ay dhigteen u kaydsadeen meel u dhitaysantahay. Lacagtaas oo dalkaba laga saaro, dalka dibadiisa kayd loo dhigo.

Madhihi karnaa in sida ninkaas ayay shirkadahan dalkeena Hantidiisa Urursaday, Dollarkii dadkana ugu badalay Hawo (Numbers). kaaga darane, iyagu Samaysteen Digital Numbers kaas oo aan raad iyo tixraacaba lahayn, oo aan hadana cid Xakamaynkaraysaa jirin. Maxaa diidaya inay dalka iyo dadkaba muflis iyo caydh qaawan ka dhigayaan. Dowladii timaadana wasiiro iyo madax iyagu leeyihiin Gaystaan/Qortaan.

Mise howl wanaagsan oo dowladii qabanlahayd ka gaabisay, booskeedina banaysay ayeey kaalintaas buuxiyeen isuna xilqaameen inay Umadooda Hufnaan iyo daacadnimo ugu adeegaan.

Hubaal waxaa ah, Aqoon yari walboo ruuxa soomaaliga ah haysa, Hanti iyo Xoolo micnahoodu Waxay yihiin Looma sheegayoo, waa Natural Traders.

W/Q: SACIID ISMAACIIL
said.isma@gmail.com

Like it? Share it!