Waa maxaay ereyga Is-gaadhsiin

by hanad | Monday, Mar 6, 2017 | 599 views

2-Ereyga Is-gaadhsiin (The word Telecommunication)3-Qeexidda Is-gaadhsiinta (Definition of the Telecommunication)4-Taariikhda Is-gaadhsiinta (History of telecommunication)5-Qaybaha Is-gaadhsiinta (Types of telecommunication)6-Takhasusaadka Is-gaadhsiinta (Telecommunication specialization)

Hordhac( introduction)

Ilaahay ayaa mahad iskale kudayashona Nebi Maxamed (Csw) intaa kabacdii waxaan halkan ku dul istaagayaa ama fikir guud oo kooban kaga bixinayaa qayb kamid ah Engineeringka oo loo yaqaan Telecommunication Engineering Afkeenna soomaaliga ku noqonaysa is- gaadhsiin, qaybtaas oo ah mid kamid laamaha engineeringka ee hoos taga Electrical Engineering ka.

Sida kucad tusaha sare wuxuu qoraalkeennu kakoobnaan doonaa shan cinwaan oo aan mid walba aad ugu dheeraanayn balse aan ugu talo galay qofkii fahan guud karaba Telecommunication Engineering ka iyo ardayda Soomaaliyeed ee dugsiyada sare kabaxda sifo ay ufahmaan qaybaha Telecommunication Engineering ka.

Ereyga Is-gaadhsiin (The Telecommunication word)

Marka laga hadlayo cilmiga Etymology ee barashada ereyada asalkooda ereygan telecommunication waxa laga keenay ama laga soodhanbalay labo erey oo midi giriig yahay midna laatiin yahay sida hoos ku cad.

‘Tele’ Greek prefix waa weheliye giriig ah macnihiisu yahay Fogaan (far)
‘Communication’ waa erey laatiin ah oo macnihiisu yahay wadaag (sharre).

Taas oo macnaheedu soomali ahaan kusoo ururayo in war ama xog la wadaago iyadoo lakala fogyahay ama la isku dhow yahayba.

Sanadka Taarka Telegram/telegra 1837

Sanadka Taarka Telegram/telegra 1837

Qeexidda ereyga Telecommunication (The definition of Telecom).
Waa maxay is-gaadhsiin (what is communication)?
Waa is dhaafsi xog ay isdhaafsadaan labo qof iyo kabadan si isku halayn leh,
Xogtaasi waxay noqon kartaa cod(voice),video(muuqaal) ama afgarad(code).

Taariikhda is-gaadhsiinta (The history of telecommunication)
Marka laga hadlayo isgaadhsiinta ama cilmiga telecommunication taariikhdiisa waxaa la orankaraa waxay aad uga horeysay dhamaan qaybaha kale ee teknolajida casriga ah, wuxuuna cilmigan la jaanqaada bilow banii aadamka wallow ay marba marka kadanbaysa sii horumaraysay.

Tusaale isticmaalka Dabka (fires) oo laga lashido buuraha habaynkii ama qiiq maalinkii lashidaa waa astaanay hindidii iyo beershiyiintii hore u isticmaali jireeen war galin sidoo kale xilliguu uu socday halkankii gobonimo doonka somaliya darawiishtu waxay war isgaadhsiin u isticmaali jireen fardaha (horses) oo ahaa gaadiidkii xilligaa ugu dheereeyay uguna kharashka yaraa oo ay haysteen,warka aroortii Taleex oo ahayd xaruntii darawiishta laga qaado duhurkii ayaa Buuhoodle lagayn jiray.

Tusahan hoose waxaan ku cadaynaynaa guulihii taarikheed ee is-gaadhsiintu soo martay.
La ogaaday/ikhtiraacay(invented)

Sanadka Taarka Telegram/telegra 1837

Is-gaadhsiinta silig la,da ah
1894

Baahinta AM broadcasting
1920

Fogaan aragga TV
1927

Baahinta FM broadcasting
1931

Koorta sugan telephone cable
1956

Computer ka Network & internet
1969

Email ka
1982

Mobile satellite
1998

Voip internet
2003

Qaybaha cilmiga is-gaadhsiinta (types of Telecom)
Guud ahaan marka laga hadlayo cilmiga isgaadhsiintu wuxuu hoostagaa qaybta ugu weyn Cilmiga Engineeringka ee loo yaqaan Electric and computerka.
Waxayna uqaybsantaa saddex qaybood oo kala ah:-
Saddexdaa qaybood midkasta qaybo ayuu usii kala baxaa laakiin waxaan kahadlaynaa qaybta aan uddan leenahay oo ah is-gaadhsiinta fogaan maqalka ama fogaan aragga.

Takhasusaatka is-gaadhsiinta (specialized of Telecom)
Qofka qaatay shahaada koobaad (Bachelor BSC) ee is-gaadhsiinta waxa uu ku takhasusi karaa dhamaan qaybaha ay ka kooba tahay qaybta weyn ee aan horay usoo sheegnay ee (Electric and computer).

Sidoo kale waxa uu sii wadan karaa qaybta isgaadhsiinta telecommunication engineering ka oo leh takhasusaat fiican oo kakooban lix oo kala ah sidan:-

GSM (global system for mobile)
Waa qaybta inta badan lagu dhigto Is-gaadhsiinta xadhig la,da ah(wireless) sida telefoonada gacanta(koorta) iyo habka ay u shaqeeyaaan habka loo dhiso shirkadaha istimaala habka raadiyaha,waana qaybta ugu gudo balaadhan waaxaana inta badan kakooban tahay MS+BTS+BSC+MSC oo aan ku macnayn karno sidan
MS=Mobile Service (mobaylka gacanta ee qof wato)
BTS=Base Transceiver Station (anteenada uu isticmaalayo)
BSC=Base Station Control (xarun laga maamulo anteenooyin badan)
MSC=Mobile Switching Center (maamulka guud ee shirkada moobilka aad isticmaalayso).
Fixed lines(xadhig ley)

Waa qaybta is-gaadhsiinta ee xooga saarta qaybta xadhigleyda ah(wire)(Line communications) sida teleefoonada guryaha ama goobaha muhiimka ah lagaliyo sida Wasaaradaha Dhakhtarada iyo goobaha ganacsiga horumar kastoo lagaadhana waxay umuuqatay in aan laga maarmayn telefoonada xadhkaha la isticmaalo (fixed telephones),waxaad kaloo kubaran doonta telegraphka iyo fiber Opticska

Electromagnetic wave (hirarka birlabeed)
Qaybtan waxay ka mid tahay qaybaha lagu takhasuso waxayna xooga saarta qaabaynta Anteenooyinka AntennaDesign.
Nile sat (Dayax gacmeedyada).
Waa qaybta xooga saarta barashada dayax gacmeedka oo ah walax la taaban karo oo shaqadedu tahay inay aqbasho signal ka imaanaya dhulka (source) kadibna kordhinaysa sida ugu haboon kuna jihaynaysa halkii loogu talo galay(distination).

Network & IT
Waa mid kamid ah qaybaha muhiim ka ah ee hadda aad loogu takhakhuso waxaan inta badan lagu bartaa hababka loo sameeyo network faro badan oo xadhig la,ah ama xadhigle ah
Waxaan lagu bartaa tusaale ahaan CCNA CCNP.

IT (information technology) Wuxuu xidhiidh laba geesood ah laleeyahay computerka iyo is-gaadhsiinta,waana cilmiga lagu barto dhisidda horumarinta iyo maamulidda iyadoo la adeegsanayo Computer(software application and Computer hardware).

IT sidoo kale waa isticmaalka electronic computers iyo computer software si loogu kaydiyo looguna ilaaliyo xog markaana la isdhaafsado iyadoo lagu kalsoon yahay amaankeeda.
Electronics

Takhasuskani waa mid aad uga gudo balaadhan kuwii hore oo dhan waana furaha dhamaan takhasusaadkii hore wuxuuna xoogga saara samaynta mareegaha(circuits) oo dhan,waxaan isku dayaynaa inan xoogaa si balaadhan uga hadalo.

Ereyga Electronics waxaa laga keenay labo eray oo isasaaran oo ah electron+ics kaas oo macnihiisu yahay barasha dabeecadaha electronka xaalado kala duwan.
Ics waxaa laga soo qaatay mechanics.

Qalabka electronics ah waxaan tusalae usoo qaadan karnaa Calculators, Watch,Cellphone iyo Digital Camerada Television Iwm.

Electronics ku waa halka asalka u ah horumarka technology adduunka oo dhan.
Electronics ku waxay uqaybsamaan shan qaybood oo waaweyn sida hoos ka muuqata:-
Communication(is-gaadhsiinta) si faahfaahsan ayaan uga soo hadalnay iyada.

Defence(difaaca) waxaan inta badan lagu bartaa Radar(RAdio Detecting And Ranging) ka oo loo isticmaalo ujeedooyin dagaal iyo nabadeed labadaba.

Industrial system(Wershadaha) Dhamaan wasoosaarka ayaa lagu bartaa sida samaynta baabuurta iyo computerka.

Medical science(Qalabka caafimaad) waxaana ugu caansan X-ray,microscope iyo ECG.
Instruments(halbeegyada) barashad cabirada sida digital multimeter

W/Q:- Abdirizak Ahmed Jama (qoje)
Qoje2@hotmail.com

Like it? Share it!