Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 64 aad

by hanad | Friday, Mar 10, 2017 | 4548 views

Sidii ayaa la isku raacay oo baabuurkii Cawil la wada raacay Xamda oo ahayd markii ugu horeysay ee ay tagto isbitaalka ayaa markii ay aragtay aad ula dhacday waxayse ku beegmeyn iyada oo Guuleed aad mashquul u yahay oo isbitaalka ciyaal badan oo shuban biyood qaba la keenay Aamina,

Cawil iyo Axmedba qof walba shaqada ayaa uu dhinaciisa ka galay in ka badan 30 caruur oo cudurka soo riday ayaa la keenay markii adeegyadii caafimaad ay u baahnaayeen loo sameeyey dhamaan bukaanka oo iyada qol gaar la isugu geeyey ayuu Cawil isaga oo faraxsan Bukaanka iyo waalidiintooda u sheegay in qarash aysan bixin doonin maadaama isaga ay caawa u tahay habeen farxadeed oo uu farxadii noloshiisa u helay xilli dhowna uu aqalgeli doono waalidiintkii ayaa mar kaliya ku yiraahdaan Illaahay midaad isku waartaan haga yeelo Guuleed oo warka meesha u dhacayey oo dhan gartay ayaa inta uu Cawil u tagay ku yiri.

 

Guuleed:

Hambalyo Cawil dhabtii guushaada waan ku faraxsan nahay

 

Cawil:

Guusheyda qofkii ka shaqeeyey ayaa tahay waana kuu mahad celinayaa wallaahi intii sheekada madalaada aad wadeen si xun ayaa kuu necbeysan jiray laakiin caawa dartaa ayaan Aamina ku helay Waad mahadsan tahay.

 

Guuleed:

Aamina farxadeeda ayaan dhamaanteen wada goobeynay waana ku faraxsan nahay in caawa ay hurdo doonto iyada nolosha u hamuun qabto oo aysan dhibsaneynin

 

Aamina:

Mahadsanid Guuleed mar kasta saaxiib igu dheer ayaad ahaaneysaa

 

Sidii ayaa in cabaar lagu wada sheekeeyey kadibna xaafadooda ayay ku noqdeen Cawil iyo Aamina ayaa markii ay guriga illinkiisa yimaadeen ayay Aamina ku tiri

 

Aamina:

Ma ogtahay nolosheyda waa habeenki igu horeysey ee aan xilligaan xaafada imaanaya

 

Cawil:

Caawa waa ay ka badalan tahay habeenadii hore ninkaaga ayaa kula socda

 

Aamina inta ay qososhay ayaa ay tiri

 

Aamina:

Hooyo haddi ay na weydiiso in aan isbitaalka ka nimid ayaan u sheegeynaa

 

Markiiba albaabka ayaa la furay oo Hooyo Warsan ay ka furtay iyadana waxba ma weydiin waad soo daahdeen kaliya ayay ku tiri qof walba qolkiisa ayaa uu galay markii la yiri cashada waa diyaar waa ay ka cudur daarteen Cawil markii uu dharkii jiifka soo xertay ayaa uu qolkii Aamina soo galay oo iyadana hurdo isu diyaarineyso Hooyo Warsan oo warkooda maqlaysay ayaa Aabe Nuur oo sariirtiisa jiifa ku tiri.

 

Hooyo Warsan:

Malaha caruurtaan beri shaqo malaha

 

Aabe Cali Nuur:

Caruurta waa kuwee Xaajiya

 

Hooyo Warsan:

Waxaan ka hadlayaa Aamina iyo Cawil iyaga oo soo raagay ayay hadana sheeko sii camirteen

 

Aabe Cali Nuur oo la yaaban Aamina iyo Cawil ayaa sheekeynaya ayaa yiri

 

Aabe Cali Nuur:

Oo halkee ku sheekeynayaan

 

Hooyo Warsan:

Qolka Aamina ayaa ay ku jiraan oo ay ka wada qoslayaan

 

Aabe Cali Nuur oo arrinkaan la yaab ku ah ayaa inta uu soo istaagay yiri “waa waxaan dhici Karin”  ayuu soo abaaray qolkii Aamina xataa isaga aan soo garaacin ayaa uu gudaha u soo galay oo ay waliba indhahiisa qabteen iyaga oo sariirta ku wada fadhiya oo uu Cawilna gacanteeda dhunkanaya markaas ayaa uu yiri.

 

Aabe Cali Nuur:

Cawil Aabe sidee wax u jiraan rajo xume ayaad hore igu muujisay farxadaan aan arkayo maxay tahay

 

Mar kaliya ayaa ay istaageen Aamina iyada oo xishooneysay oo hoos fiirineysa ayaa inta uu Cawil garabka gacanta ka saaray ayaa uu aabahiis ku yiri.

 

Cawil:

Aabe wax walba waa ay dhamaadeen Aamina waa I aqbashay

 

Hooyo Warsan oo daba socday ayaa soo gashay oo tiri

 

Hooyo Warsan:

Maxaa soo dhamaaday wiilkayga

 

Aabe Cali Nuur:

Kaalay Aabe laabta I geli waa waxaan fileynin

 

Hooyo Warsan oo xagii Aamina abaartay aya tiri

 

Hooyo Warsan:

Wiilka iyo aabahiis waxba ima sheegayaanee Hooyo Maxaa soo dhamaaday bal ii sheeg farxadaan la isu marxabeynayo

 

Aamina oo xishood dareentay oo weli aamusan ayaa Aabe Cali Nuur hadlay oo yiri

 

Aabe Cali Nuur:

Xaajiya wax kale maaha wiilkeena iyo gabarteena ayaa is ogolaaday

 

Hooyo Warsan:

Ma idiin fahmayo si wacan wax igu sheega

 

Cawil:

Haa hooyo aniga iyowalaashay Aamina waxaan ku heshiinay in an nolosha wadaagno Hooyo sow farxad maaha

 

Hooyo Warsan:

Maasha Allah Aaminooy Hooyo arrinkaan maxaan marar badan jeclaa in aan idinkala hadlo laakiin caruurta dooqooda u daa ayaan lahaa adduunyada inta hablo joogto gabadha kaliya ee Cawil u qalanto waa adiga.

 

Aamina inta ay is heyn kari weyday ayay habaryarteed isku duubtay Hooyo Warsan oo aad u faraxsan ayaa tiri

 

Hooyo Warsan:

Gabar waa tii xishooda hooyo Macaan farxadaada waa balan in aan gacanteyda ku dhiso

 

Habeenkaas farxada reerka oo dhan ayay la taalay oo cid kasta arrinka aad ugu faraxsanaa Hooyo Warsan iyo  Aabe Cali NUur iyaga oo illaah u mahadcelinayo ayay qolkooda abaareen Cawil oo ku haray Aamina ayaa yiri.

 

Cawil:

Aaminooy in aan iska kaa daawado ayaan rabaa

 

Aamina:

Waa waxaan dhaceynin orod seexo beritoole shaqo ayaan leenahay

 

Cawil:

Haddii ay sidaa tahay dhunkashadii aan ku hurdi lahaa ayaa kaa rabaa

 

Aamina:

Waa waxaan dhici Karin

 

Cawil:

Sidee u dhaceynin macaanto

 

Aamina:

Arroska ka hor waxba ha ku fikirin

 

Cawil:

Xataa dhunkasho taa maxay dhibtaa

 

Aamina:

Haa Xataa dhunkasho

 

Aamina markii ay aragtay inuusan Cawil baxeynin ayay inta ay gacanteed dhunkaday ayay bishimahiisa saartay oo ay ku tiri

 

Aamina:

Taaba kugu filan Cawil oo orodoo seexo

 

Cawil inta uu qoslay ayaa uu ku yiri

 

Cawil:

Habeen wanaagsan macaantii nafteyda riyo wacan ayaan kuu rajeeyey

 

Aamina:

Sidoo kale macaane

 

Sidii ayaa lagu kala seexday oo qof walba sariirta tagay isaga oo ka farxad badan sidii hore.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!