Saaxiibkaan eersaday!! Q2 iyo 3aad

by hanad | Monday, Mar 13, 2017 | 919 views

Liibaan oo indhihiisu dhulka eegayaan, oo aad moodo in loo soo sheegay geerida qofkuu adduunka ugu jeclaa, werwer iyo walaahoowna u dhammaaday,

isagoo foorara kuna dheeygagsan hoostiisa aad una maleyso inuu qurub yar oo dahab ah oo dhulka ku dhacay indhaha ku biniininayo,balse, ujeedadiisu uun tahay inuu indhihiisa iyo indhaha Luul kala ilaaliyo iney isku dhacaan oo kaliya ayaa hadalkii bilaabey: “Luuleey gacaliso, aduunka wax kasta wey dhacaan, bini’aadamna waa khaldamaa,aniguna bini’aadam baan ahay, wana khaldamay maxaan sameeyaa oo aad ku qanceysaa, oo xal noqon kara ?” Luul codkii dhaadheeraa ee qeylada ahaa hoos ayay u dhigtay, iyadoo indhaheedana ay ilmadu ku soo joogsatay oo baararka qoysay, ayay hadalkii ku billowdey si qiiro calool xumo ku jirto. Iyadoo garnaqsanaysa, Liibaanoow ma xasuusata labadii wacad ama balan ee aad iga balanqaaday habeenkii ka horreeyay Meherkeena? Liibaan ayaa xusuustiisa dib u celiyay oo intuu qadar daqiiqado ah aamusay ku jawaabay HAA waan xasuustaa macaanto Luuley.Luul oo sugeysay jawaabta Liibaan, ayaa hadalkeedii sii wadatay mar alaale iyo markii uu Liibaan jawaabtii ay dooneysay siiyay.

Iyadoo marba dib u goconaysa kuna celcelinaysa weydiimo kale, waxay ugu dambayn carabka ku ballaarisay labadii qodob ee balanta u ahaa ku soo afjartey. Liibaan oo markaan ay wajigiisa iyo hadalkiisaba ka muuqato is badal iyo culeys ku aadan xaalada cakiran, ayaa bilaabay ka dhawaajinta labadii qodob ee uu wacadka iyo balanta uga qaadey xaaskiisa Luul habeenkii ka horreeyay meherkooda, isagoo ka jawaabaya isla markaasna dhibsanaya jawaabta ayuu hadalkii ku bilaabey sidan: “ Haa labadaas qodob waan xasuustaa waana dhab inaadan wax kale iga dalban mana ilaawin waxayna kala ahaayeeyn.Qodobka koowaad, ee wuxuu ahaa inaanan waligey naag kale kula guursaneyn haddey dhacdona aanan kaa qarineyn ee kuu sheegayo.Qodobka labaadna wuxuu ahaa inaanan kuu diideyn inaan ku furo oo aanan madax bannaanidaada kugu dhibayn haddey kaa soo go’do, oo aad iga dalbatid furriin ,adiga oo miyirkaada iyo ogaalkaaduba taam yahiin. Intaas marka ay afkiisa ka soo baxday, ayay Luul oo ilmadii indhaheeda buuxisay kusoo hoortay labadeeda dhaban, kuna hadleysa hadal iyo ooyin isku qasan, cod keeduna uusan fasiix aheyn ,awalna aheyd dadka xabeebta u dhashay, ayay ku hadal gooysay sidan: “Liibaan miyaan kugu filnaan waayay?”                                        

Liibaan ayaa ugu warceliyey: Maya  Maya  walaashay  waad igu filneyd  dhinac walba  dhib aan kaa sheeganayaana ma jiro. Luul ayaa hadal weydiintii sii wada waxayna tiri:”Liibaan, labadii balan ee salka u ahaa wada noolaanshaheena, qodobkii koowaad waad jabisay, oo waa adigaa naagta ila guursaday,aad ila guursatide, haddana waad iga sii qarisay, ilaa aan anigu ogaaday anigoo isku taxalujina kaana shakin gurigeyga hadalkii iigu yimid. Kaaga sii darane, saaxiibkii aad isaga ku qarsatay ee kula ogaa arrinka uu ii sheegay. Waxaan maanta , ama kuu tanaasuli lahaa ama kuu garaabi lahaa haddii aad adiga afkaada iiga sheegi laheyd, inta aanad falka sameynin ama in yar kaddib markii aad mehersatay naagta kale.Nasiib daro labadaba ma dhicin, qodobkii koowad ee balanti aad iga qaadey halkaasuu ku burburay.” Haddaba maanta , waxaan kaa rabaa qodobkii labaad ee balantii aad iga qaadey inad ii oofisid, taasoo ah inaad iska key furtid, maadaama aan kaa dalbanayo aniga oo ogaalkeygu taam yahay maskax ahaana caafimaad qaba. Hadii aad isku daydid inaad jabisid balanta qodobka labaad ee aan ku heshiinay lix sano ka hor, ogoow in aan aniguna wixii ila gudboonaada sameyn doono.

Liibaanoow, wan kaa aamin baxay, lagamana yabo inaan Luushii hore waligey kuu noqdo. Liibaan oo dareemay culeyska hadalka Luul, saameyna uu ku yeeshay, ayaa is ku dayay inuu maslaxo iyo sabaale isugu daro Luul, dhinacyo fara badan oo kala duwana uu wax ka tusaaleeyo, laakiin nasiib darro markii uu dhinac kasta ka maray Luul, wuu ka quustay inuu ku guuleysto raaligalinta iyo furfurista xaaladda cakiran, ugu danbeeyntiina, waxaa xalku ku soo biya shubtay in Luul la siiyo muddo 10 bari ah oo hadii ay sida ay hadDa taagan tahay , aaney kasoo dabcin madaxeeda la siiyo. Luul waxay u sheegtay inay iska dhaaf 10 maalmoode ,xitaa hadii 10 sano la siiyo aaney waxba ka badaleyn go’aanka ay qaadatay sidii ayaana lagu soo afmeeray arinkii maalintaas.

Hadal dhex mara oo nuxur leh wuu iska yaraa maalmihii xigay oo dhan, Luulna waxay difaac adag ka gashay in dood ama hadal ku saabsan arrinta ka dhaxeysay iyada iyo Liibaan la furo. Toban maalin ka bacdi, waxa la gaaray maalintii lagu balansanaa, in Luul ay mowqifkeeda ka fiirsato ,go’aan kama danbeys ahna qaadato. Liibaan wuxuu rajo ka qabaa in Luul mowqifkeeda wax ka badali doonto. Liibaan iyo Luul ,waxay kala seexiyeen carruurtii habeenkaas, waxaana ay shir ilbaabada u xiran yihiin ku galeen qolkii fadhiga. Liibaan ayaa hadalkii waano iyo wacdi ku bilaabey, wuxuuna ku nuuxnuuxsadey ahmiyadda iyo qiimaha qoyska wada nool oo carruurtooda si wada jir ah u korsada iyo saameynta wanaagsan ee ay carruurta u leedahay inay ku koraan nolol labadooda waalid wada nool yihiin, wacdiga iyo waanadii koobneyd ee caqli celinta u badneyd ee Liibaan markii ay soo dhammaatey ayuu weydiiyay xaaskiisii go’aanka ay gaartay ee kama danbeysta ah?  

 

SAAXIIBKAAN EERSADY! Q3AAD.

Waanadii koobneyd ee caqli celinta u badneyd ee Liibaan markii ay soo dhamaatey ayuu weydiiyay xaaskiisii go’aanka ay gaartay ee kama danbeysta ahaa? Luul ayaa ku jawaabtay: “Haa, Haye, waan gaaray go’aankeygi kama danbeysta ahaa, markii ay intaas tiri ayaa albaabka guriga lasoo garaacay, Luul ayaa markiiba istaagtay oo dhankii albaabka aaday. Markii ay ka furtay waxay aragtay walaasheed Layla oo daganeyd isla magaalada balse xaafad ka durugsan oo dhanka kale ee magaalada ku taal deganayd. Leyla maaha markii ugu horreysay ee ay timaado, waa keligeed oo carruurta iyo ninkeedii lama joogaan Leyla, markay cidlooto ayay guriga walaasheed iska soo aada, maanta kumaba aysan soo talo gelin oo asxaab kale iyo suuqa ayay ku raagtey, kaddibna intii doodu socotey ayay dhawr jeer soo wactantey lamase maqal, sidaasay guriga toos isaga soo aaday habeenkiina ku seexatay guriga walaasheed.

Liibaan iyo Luulna waxay ku heshiiyeen in arrinta halkeeda lagu xiro oo dib loo dhigo ka hadalkeeda inta martidu la joogto, sidii ayaana la yeelay, oo habeenkaas lagu kala seexday, dhinaca Liibaan dabdamis ayay u noqotey imaantinka Leyla, dhinaca kale cabsi xooggan ayaa soo food saartay haddii ay oggaato arrinta lana tashato walaasheed in xaalku ku cuslaado. Luul habeenkaas intii ay huruday way iska yareyd.Waxaa hadba kusoo maaxanaayay xusuusa noloshii ayo waayihii kala duwanaa ee ay isla soo mareen seygeeda, mararka qaarkood gocasho iyo ciil, ayay la tiiraanyooneysay, waxaa horteeda imanayey oo ay shaashada maskaxda ka daawaneysay, maalmo macaan badnaa iyo wanaagii aan la koobi karin ee ay isla qaateen iyada iyo lammaanaheeda ay nolosha u jeclayd.

Waxay Luul dib u milicsatey taariikhdii nololeed ay kasoo martay bilowgii barashada Liibaan iyo sida uu ahaa markii ay baraneysay ,taasoo sidan aheyd: Liibaan wuxuu ahaa wiil ku xanuunsan dalka Yeman, noloshiisana ay qatar aad u weyn ku sugneyd maadaama uusan wakhtigaa awoodi karin lacagihii la xiriiray daryeeka caafimaad iyo daweyntiisaba. Liibaan markaas wuxuu ahaa wiil dhallinyaro ah oo ay nolol adag iyo duruufo culus soo mareen. Waagaas ma jirin saaxiibo iyo qaraabo garab siiya, oo daryeeshaa ama isku dayda inay u naxariisato ama uu gacan gacalnimo ka helo.Liibaan wuxuu markaas ku sugnaa marxalad in la jeclaado iska dhaaafe aan xitaa salaanta laga qaado ay iskaba adkeyd. Luul waxay markaas ka tagtey cariga ingiriiska ayadoo kasoo qalin jabisay jaamacada Birmingham City University(BCU) soona baratay qaanuunka iyo sharciga.

Luul waxay xiligaas u tagtay dalka Yamen inay ka soo kaxeeyso walaasheed Layla oo xiligaas ku sugneyd dalka Yeman. Luul ma aysan garaneyn meesha ay degantahay walaasheed, waxaa la keenay meel ay Soomaali badan joogta, Liibaana wuxuu noqday qofkii ugu horreeyey ay la kulantey, markay u sheegtay magaca Leyla iyo tilmaanteeda ayuu u sheegay inuu yaqaano uuna geyn karo halkey degantahay. Luul waa qof aqoonyahana way aragtey duruufta iyo diifta ka muuqata wiilka, balse, kuma diidin kamana didin, isaguna wuxuu ahaa nin xoog furan allaabtii ayuu la qaaday, waxaanu u wacay Taxi, markaasaa la abbaarey, gurigii ay ku nooleyd walaasheed Leyla deganeyd. Intii ay jidka ku jireen ayey is barteen Luul iyo Liibaan oo midba midka kale u sheegay magaciisa, su’aalo dhawro oo dalka ku saabsan ayay weydiisay, si hufan ayuuna uga jawaabay, waxay ka codsatay inuu caawiyo hadduu magaalada kala yaqaan intey joogto, isagana waxaabey u ahayd fursad weyn oo uusan heli karaynba.

Liibaan ujeedkiisu uu u caawinayey waxa uu ahaa inuu ka helo waxoogaa uu maanta ku qadeeyo, waxaase u soo baxday fursad uu maalmo ku qadeeyo, kaddib markey gurigii tageen, ee ay ka degeen Tax-gii ayaa waxaa ay aragtay guri dad carbeed leeyihiin oo dad badani wada degan yihiin iney walaasheed qayb ka degan tahay, meel laysku aamini karayana aysan ahayn. Luul ayaa tiri: “ Liibaanoow walaal Tax-ga hanaga fasixin, haye ayuu isna ugu jawaabay” Markii ay gudaha gashay ee walaasheed isku soo boodeen isna salaameen dhallinyaro badan oo Soomaali ahna isa salaameen, ayay bannaanka usoo baxday, waxay Liibaan weydiisay: “Liibaanoow maanta ma heli karnaa guri diyaarsan oo qalabeysan oo aan xor u nahay albaabkiisa oo reerkii lahaa uusan deganayn meeshan iskuma aamini karee?” Liibaan waa nin magaalada wax badan joogay wuunu kala yaqaanaa, wuxuu markiiba xasuustay oday carab ah oo beri uu guri ka deganaa oo guryo badan wuxuuna u yiri: na keen haddeynu oday Salxaan soo weydiisanaynaa inuu hayo iyo in kale?” Luulna waxay soo raacday Tax-gii labadoodii iyo gabadhii Leyla, kaddib waxaa la yimid, Oday Salxaan oo dukaan weyn ku lahaa magaalada dhexdeeda, markii hawshii loo sheegay guri laba qol iyo musqul ah oo firaashan qalabkiisiina dhex yaal ayuu u sheegay inuu hayo, bishiina 100 doolar ah, hadda qaaddo ayaa la yiri lacagta ee furayaasha na sii, isaguna waa soo hor kacay, oo gurigii ayuu keenay. Halkaas ayaa Liibaan iyo Leyla mar kale Tax-gii ku noqdeen Leylana soo qaadatay alaabteedii meesha ka taaley, una soo wareegtay gurigii cusbaa, Liibaan iyo Leyla ayaa casar liiqii yimid, markaasaa Luul Lacag badan u dhiibtey Liibaan inuu soo sarifo, Cunto uga soo iibiyo, haddana Tax-gana siiyo lacagtiisa isaguna usoo noqdo. Intii Liibaan maqnaa ayaa Leyla weydiisay Liibaan miyaad is taqaaneen Luuley, Luulna waxay ugu jawaabtay maya walaal ee waa wiil fiican oo maanta si weyn ii caawiyey.

Leyla ayaa uga sheekeysay daruufta wiilkan soomaaliyeed ku haysa magaalada Sanca iyo diifta iyo in uusan wax tol iyo xigaalo ah heysanin sugeyna, xaalkiisuna yahay “ Alla wataa wehel uma baahna” Luul arrinkaas iyo sheekadiisu waa damqisay,waana ka murugootey, balse uma muujin walaasheed ee sheeko kale ayaa la galay. Liibaana isagoo adeegii cuntada iyo adeegyadii kale ee loo direy sida ayuu albaabka soo garaacay.

LA SOCO Q4AAD. 

W/Q: Cismaan M. Qanyare

Osman_kanyare@hotmail.com

Like it? Share it!