Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 65 aad

by hanad | Friday, Mar 17, 2017 | 3370 views

Subaxii ayaa sidii caadada aheyd cid kasta shaqadii isu diyaarisay isla markaana miiskii quraacda lagu wada kulmay Aabe Cali Nuur oo aad u dharareyey Aamina iyo Cawilba inuu arko si arrin isaga iyo Xaajiyadiisa ay xalay go’aansadeen kala hadlaan Aamina oo aheyd cidii ugu dambeysay ee miiska timaado ayaa markii ay quraacdeeda guratay ayaa Aabe Cali Nuur si wadajir ugu yiri.

 

Aabe Cali Nuur:

Haye manta wejiyadiina farxad ayaa laga dareemayaa ka warama hadaan farxadaan mid balaaran idiinka kaga yeelno

 

Cawil:

Aabe kuma fahmin maxaad ula jeedaa

 

Aabe Cali Nuur:

Hooyadaa iyo aniga waxaan goaansanay in aad faraxadiina aan qol qura isugu keeno micnaha aan isu kiin guurino Aaminana aan aabaheed ka doono

 

Cawil markii uu aabahiis intaa yiri ayaa uu Aamina fiiriyey Aabe Cali Nuur oo fahmay in wiilkiisa uu warka u daayey Aamina ayaa yiri

 

Aabe Cali Nuur:

Haye Aamina aabe side u aragtaa arrinkaan

 

Aamina oo xishood dareemayso ayaa cod hoose ku tiri

 

Aamina:

Waxaa tihiin waalidka qura ee aan aqaan nolosheyda go’aankeeda waad leedihiin aniga wax kasta oo aad soo gaartaan waan idiinku raacsan nahay

 

Aabe Cali Nuur:

Maasha Allah Aabe illaahay qeyr ha ku siiyo haye Cawil

 

Cawil:

Aabe haddiiba aad I xareyneysid maxaan ku diidaa ileyn dheymantaan jeclaaday ayaan ka bogan doonaa

 

Hooyo Warsan:

Maasha Allah Ciyaalkeygiyoo waadna sharafteen annagana wanaagiina iyo quruxdiina ayaan dhiseynaa illaahay ha idiin dhowro

 

Cawil:

Laakiin aabe cida guursaneyso waa aniga marka waa in aan Aamina aan aniga ka xoolo dhiibo haye Aamina afkaaga waxaad doonto ka sheego

 

Aamina:

Bal adiga I qiimee oo intaad is ledahay waa u qalantaa iga bixi maxaa kale

 

Cawil:

Hagaag taa aniga aya garanayaa inta gabari laga bixiyo afar laabkeeda ayaan kaa bixinaa

 

Aamina:

Fiiri waan daahnay arrimahaan Aabe ayaa leh adiga wiil la dhalay ayaa tahayee ina keen aan baxnee

 

Mar kaliya ayaa la waa qoslay

 

Cawil:

Ma ninkaan ku guursan rabo oo aad xillo u noqon doonto ayaad ciyaal ku sheegeysaa haye Aabe la hadal oo u sheeg in aan masuul qaadi karo

 

Aabe Cali Nuur:

Waa runteed gabadheyda wiil la guurinayo ayaa tahay ee adiga lee is diyaari

 

Sidii ayayna Aamina kaga soo hormartay oo baabuurkeeda ku gashay Cawil oo ka daba yimid ayaa ku yiri

 

Cawil:

Maxaa jira Aamina ma maantaa labo naga dhigeysaa

 

Aamina:

Waa ku fahmay ee adiga keyga soo raac aniga ayaa ku kaxeynayo

 

Cawil:

Laakiin!

 

Aamina:

Laakiin maxay tahay in aan ku kaxeeyo maxay dhibeysaa mise wiil iyo gabar ayaad kala fadliyeeleysaa

 

Cawil:

Maya maya sidaa kama wado

 

Aamina:

Soo soco hee hore ayaan u raagnay sow lama socotid

 

Cawil markiiba waa soo koray wayna dhaqaaqeen Cawil intii wadada la socday wax hadal ah kama soo bixin Aamina oo la yaaban ayaa tiri

 

Aamina:

Maxaa ku helay Cawil mise waxaad ka xishooneysaa in gabar ay baabuur kugu wado

 

Cawil:

Sidaa ma jirta laakiin waxaan rabi lahaa in aan aniga ku kaxeeyo si dadka ay inoo arkaan nin iyo naagtiisa oo wada socda

 

Aamina:

Hadana maxay is leeyihiin

 

Cawil:

Nin wadada laga waday ayaa la ii arkaa

 

Aamina markiiba inta ay baabuurka meel gees ah joojisay ayay ka degtay oo ay Cawil ku casuuntay inuu isaga wado Cawil isaga oo aan hadal oran ayaa uu isteerinkii qabtay oo markii uu dhaqaajiyey ayay Aamina ku tiri.

 

Aamina:

Haye nin naagtiisa baabuur ku wado sow uma muuqatida

 

Cawil inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Cawil:

Aamina weligay waan kugu amaani jiray in aad tahay qof dadka oo dhan sida uu rabo u yeesho in badan ayaan kugu fanaa

 

Aamina:

Waad mahadsan tahay laakiin ogow aniga mar kasta farxadaada waa mid ila weyn

 

Cawil:

Anigana farxad ayaan kugu ilaalin doonaa

 

Sidii ayaa lagu tagay isbitaalka oo cid kasta shaqadeeda abaartay Cawil mar kasta oo uu fursad helo ayaa uu Aamina telefoon kula hadlaayey maalintaana waxa ay u aheyd maalin farxadeed si wadjir ayaana guriga loogu wada noqday war ay aad ugu farxeen ayaa xaafada kaga horeeyey kadib markii loo sheegay in Aamina aabaheed looga gogol fadhiistay isla markaana xil oo dhan uu xagooda soo saaray.

 

Aabe Muxudiin waa Aamina aabaheed markii gabadhiisa looga gogol fadhiistay loona sheegay in owlaada ay iyaga is doorteen aad ayaa uu ugu farxay una sheegay aqyaartiii u timid in Aamina ay mar kasta aheyd reer Cali Nuur isla markaana ay manta si rasmi u noqotay sidoo kale ayaa uu masuuliyada oo dhan saaray reer Cali Nuur sidii ay iyaga u galeen qabanqaabada arooska.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!