Dowlada Kenya oo ka hadashay booqashada Madaxweye Uhuru ee Dhoobley

by mahad | Sunday, Mar 19, 2017 | 9469 views

March 19 (Jowhar)— Dowlada Kenya ayaa ku tilmaantay booqashada Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee uu ku tegey saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin dalka Soomaaliya inay ahayd mid caadi ah.

Shir jaraa’id oo uu qabtay maanta afhayeenka dowlada Kenya Manoah Esipisu ayuu ku beeniyay in khilaaf dhinaca diblumaasiyada ah uu ka dhex abuurmay dowladaha Kenya iyo Soomaliya kadib  markii Madaxweynaha Kenya uu booqday saldhigyo Milatari ee Dhoobley ku yaal iyadoo aan la waregelin dowlada Soomaaliya.

“Booqashada ciidamada uu ku tegey Madaxweynahooda waa mid caadi ah,waana mid muhiim ah in Madaxweynaha uu u muujiyo taageero ciidamada.”ayuu yiri afhayeenka.

Hase yeeshee afhayeenka oo ka hadlayay inuu khilaaf diblumaasiyeed ka dhashay booqashadan ayuu yiri;”Waan hubaa in haddii uu khilaaf jiro in lagu xalinayo dhinacyada diblumaasiyada.”

Arrimahan ku saabsan booqashada aan la shaacin ee Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ku yimid Soomaaliya ayaa waxaa ay soo baxayaan iyadoo lagu wado in maalinta Khamiista ee soo socota Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu booqashadii ugu horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay uu ku tago dalka Kenya.

Madaxweyne Farmajo ayaa booqashadiisu waxa ay qaadan doontaa muddo saddex maalmood ah waxana uu halkaa ugaga qeybgali doonaa shirweynaha madaxda dowadaha  ku mideysan urur goboleedka Igad oo ka dhici doono magaalada Nairobi.

 

Like it? Share it!