Ra’iisul Wasaare Kheyre oo war ka soo saaray arrimaha doorashada Madaxweynaha Galmudug

by A M | Sunday, Mar 19, 2017 | 6004 views

March 19 (Jowhar)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhowaan looga dhawaaqay inay ka dhici doonto degmada Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo wada tashi oo is daba joog ahaa kala yeeshay arrimaha doorashada qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, hoggaanka Maamulkaas, Xildhibaanada Baarlamaanka, qaarkood, Xildhibaanada aqalka sare iyo xubnaha golaha shacabka ee laga soo doortay Galmudug

Kulamada kaddib ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo jeediyay shan qodob oo la xiriira arrimaha doorashada Galmudug iyo sida lagama maarmaanka u tahay in dib loogu dhigo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyay qodobadan hoos ku xusan:-

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

Soo jeedinta ka timid Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan Xildhibaanada Galmudug oo qaarkood doonaya in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay qabteen, iyadoo ka madax banaaneynaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ay dhowaan mooshin ka keeneen.

Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed is casilay bishii la soo dhaafay, waxaa olole loogu jiray xilkaas, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay ku dhawaaqeen inay u taagan yihiin xilkaas.

Like it? Share it!