Agaasimihii Warfafinta Madaxtooyada oo xilka laga qaaday iyo Agaasime cusub oo la magacaabay

by A M | Monday, Mar 20, 2017 | 13334 views

March 20 (Jowhar)— Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka laga qaaday.

Xil ka qaadistan ayaa timid, kaddib markii uu amar ku bixiyay Madaxweyne Farmaajo in la bedelo Shador Xaaji, iyadoo lagu bedelay Agaasime cusub.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa raggii qeybta weyn ka qaatay ololihiisa dhinaca warbaahinta iyo mida baraha bulshada.

Shador xaaji oo ah nin dhalinyaro oo fir fircoon ayaa lagu wadaa in xil kalr loo bedelo oo ka mid ah Hey’adaha dowladda, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale.

Sidoo kale is bedel ayaa lagu sameeyay qeybta Warfaafinta Madaxtooyada, kaddib markii uu ka shakiyay Madaxweyne Farmaajo xubnihii ka shaqeynayay qeybtan muhiimka u ah.

Madaxtooyada ayaa wali waxaa ka socota kala shaandheynta xilalka iyo baal-siibka lagu haayo xubnihii horay ula soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Villa Somalia ayaa wali ku jirta xaalad kala guur ah iyo xilal kala bedel, iyadoo dhowaan lagu wado in Agaasime Guud oo rasmi ah loo magacaabo Madaxtooyada, iyadoo Agaasimaha xilligan ee KMG ah Cali Fiqi uu ka mid noqon doono Wasiirada cusub.

Madaxweyne Farmaajo oo markii ololihii doorashada uu ku guda jiray ay la soo shaqeeyeen Koox badan ayaa la filayaa in kooxdiisa in laga shaqaaleysiiyo Madaxtooyada.

Dhinaca kale waxaa booskii uu ka tagay Siyaad Maxamuud Shire oo ahaa Madaxa Protocol-ka ama Hab maamuuska Madaxtooyada ayaa waxaa lagu bedelay nin cusub oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf.

Inta badan Madaxda Soomaalida ayaa waxaa caada u ah, marka ay xafiiska la wareegaan inay soo dhoweystaan dadka ugu dhow, waxaana dhaqankan uu ahaa mid soo jireen ah oo laga bartay Madaxdii hore oo ay ka hoos-shaqeyn jireen saaxibo la ah.

Like it? Share it!