C/xakiin Camey “Madaxda dowladda mashquulka ha iska daayaan..

by A M | Monday, Mar 20, 2017 | 2317 views

March 20 (Jowhar)— Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda inay si deg deg ah u soo dhisaan dowlad wax ku ool ah oo shacabka ka samata bixisa dhibaatada.

Isagoo wariyeyaasha la hadlayay ayaa sheegay in dowladda hankii iyo taageeradii shacabka ay u hayeen ay u egtahay inay luminayaan, isagoo tilmaamay in Madaxda dowladda ay haatan iyaga isku mashquulsan yihiin’

“Dowladda Federaalka, waa cusub tahay, laakiin waxay u egtahay inay iyaga isku mashquulsan yihiin, intey mashquulka iyo waqtiga ay dacayayaan iska daayaan dowlad wax ku ool ah umada Soomaaliyeed haloo dhiso, waxaa moodaa hankii iyo kalsoonidii lagu doortay ee loo taageeray inuu sidiisa ahaan doonin oo ay waayi doonaan kalsoonida”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Waxaa uu sheegay in hadalkiisa aanu aheyn canaan iyo dhaleeceyn midna, balse uu tahay toosin ah in si deg deg ah Xukuumad loo dhiso.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda inay tixgeliyaan dadkii is bedel doonka ahaa, isla markaana dowlad dhab ah la dhiso.

Puntland ayaa durbaba waxaa muuqata inay ka didsan tahay waxa ka socda Villa Somalia, iyadoo la sheegayo in qaabka lagu saleynayo Golaha Wasiirada uu ka duwanaan doono qaababkii hore.

24-ka saac ee soo socda ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada, iyadoo Madaxda dowladda ay ka gudbeen caqabadihii iyo is mari waagii ka taagnaa xubno ay isku hayeen, iyagoo sameeyay isu tanaasul iyo liis meel dhexaad ah oo ay isku afgareen.

Like it? Share it!