Dalka Soomaaliya oo kaalin wanaagsan ka galay shaxda dalalka dunida ugu farxada badan

by mahad | Monday, Mar 20, 2017 | 6498 views

March 20 (Jowhar)—Warbixin ku saabsan dalka dunida ugu farxada badan leh ayaa  sanadkii shanaad la soo saaray maanta iyadoo dalka Soomaaliya uu markale ka galay qiimeyntan meel wanaagsan.

Dalka Norway ayaa noqday wadanka ugu farxada badan leh iyadoo wadanka Denmark oo sanadkii hore ku jirey kaalinta 1aad markan hoos ugu dhacay kaalinta 2aad.

Tobanka dal ee ugu farxada badan caalamka ayaan lagu soo darin dalka Maraykanka iyadoo la sheegay in wadanka Maraykanka uu yahay dal shacabkiisa aysan ku faraxsanayn arrimaha ka dhacaya waxana uu ka galay kaalinta 14aad sanadkii labaad ee isku xiga.

Qiimeyntan oo lagu sameeyay 155 dal oo laga fiiriyay dhinacyada wax soo saarka gudaha,caafimaadka,qaninimada dalka iyo xormimada dadku ay helayaan ayaa  waxaa kaalinta ugu sareysa ka gashay dalka Norway oo sanadkii hore ku jirey kaalinta 4aad waxaana tobanka dal ee ugu sareysa ay isugu xigaan sidan;Norway,Denmark, Iceland, Switzerland, Finland, the Netherlands, Canada, New Zealand, Australia iyo Sweden.

Hase yeeshee tobanka dal ee ugu hooseeya dhinaca nolosha farxadda ayaa ah dalalka qaarada Afrika waxaana ugu hooseysa dalka Central African Republic, Burundi, Tanzania, Syria, Rwanda, Togo, Guinea, Liberia, South Sudan iyo dalka Yemen.

Wadanka Soomaaliya ayaa sanadkii labaad ka mid noqday wadamada ugu horeeya qaarada Afrika waxana uu ku jiraa kaalinta 94aad.

Warbixintan oo ay daabacday hay’ad hoos tagta Qarmada Midoobay ayaa lagu soo beegay maalinta farxada caalamka. Waxaana lagu ammaanay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku dhowaaqay wasaarad gaar ah oo arrimaha farxada ka shaqeysa.

Like it? Share it!