Imaaraadka Carabta oo iska fogeeyay inuu ka dambeeyay duqeyntii Doonidii Qaxootiga

by A M | Monday, Mar 20, 2017 | 2392 views

March 20 (Jowhar)— Imaaraadka Carabta ayaa iska fogeeyay inay bartilmaameedsadeen doonidii jimcihii la soo dhaafay ay saarnaayeen qaxooti Soomaaliyeed, taasoo lagu duqeeyay xeebaha Yemen.

Sida ay qortay Wakaalada wararka ee Imaaraadka ee WAM, waxaa lagu sheegay in Imaaraadku ay ogaayeen doonida waday dad rayid ah oo aan shaqo ku laheyn wax milateri ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Imaaraadka Carabta uu leeyahay sharciyo mamnuucaya in la bartilmaameedsado dadka rayidka ah.

Imaaraadka carabta ayaa ku eedeeyay in Kooxaha Xuutiyiinta ay ka dambeeyeen duqeynta doonidiisa, inkastoo aanay wax caddeyn ah soo bandhigin.

Xuutiyiinta ayaa horay ugu eedeeyay isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga inuu ka dambeeyay duqeynta lagu laayay doonida ay la socdeen qaxootiga Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay duqeyntaas, waxayna ku tilmaamtay inuu ahaa fal ka baxsan xuquuqda aadanaha, waxayna ku baaqday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cida ka dambeysay duqeyntaas.

Illaa 42 ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhintay duqeynta, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen qaxooti Soomaaliyeed oo ay diiwaan gelisay Hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobey u qaabilsa.

Like it? Share it!