Ku dhawaaqista Golaha Wasiirada oo maraya marxaladihii u dambeeyay

by A M | Monday, Mar 20, 2017 | 8480 views

March 20 (Jowhar)— Warar laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in marxaladii ugu dambeeyay uu marayo ku dhawaaqista Golaha Wasiirada oo la filayo in maanta gelinka hore illaa gelinka dambe in la shaaciyo, waxaana heegan ku jira warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeed oo maalmahan dhowrayay dhismaha Xukuumadda cusub.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Liiska Golaha Wasiirada uu yahay mid diyaarsan, iyadoo la soo gaba gabeeyay dhamaan wixii wada tashiyo ee madaxda dowladda ka lahaayeen.

Wajiyo cusub ayaa ku soo biiri doona Golaha Wasiirada, kuwaasoo noqon doona dad qaarkood aad loo yaqaano, xilal aan Wasiir aheyn soo qabtay, waxaana tirada Golaha Wasiirada ay noqon doonaan 25 Wasiir, waxaa sidoo kale la sheegayaa inay jiri doonaan dhowr Ra’iisul Wasaare kuxigeen.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay diiday wax qaabilaad ah wixii ka dambeeya gelinka dambe ayaa u muuqda in albaabada isku soo xirteen sidii liis dhameystiran oo macquul ah u diyaarin lahaayeen.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in wax ka bedel aad u weyn lagu sameeyay nidaamka awood qeybsiga ee xilalka muhiimka, waxaana markii u horeysay la filayaa in la kala bedelo qaabka xilalka wasiirada muhiimka ugu soo aadi jireen Beelaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in maalinta berri oo Talaado ah u ambabaxo dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah ku tagi doono, waxaana la filayaa in ka hor safarkiisa in la shaaciyo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa saacadaha soo socda la dhowrayaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada, waxaana dadka indhahooda ku sii jeedaan Madaxtooyada.

Like it? Share it!