Ururka Alshabaab oo deegaanka Awdheegle ku toogtay oday 82 sano jir ah

by mahad | Monday, Mar 20, 2017 | 5647 views

March 20 (Jowhar)—Ururka Alshabaab ayaa goob fagaare ah gelinkii dambe ee maanta ku toogtay oday 82 sano jir ah kadib markii lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.
Sida ay shaaciyeen warbaahinta Alshabaab Cusmaan Diini Cali oo 82 sano jir ahaa ayaa maxkamad ku taal Awdheegle ku xukuntay dil maadaama uu  kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee xildhibaanada ku soo xulay dowlad goboleedka Koofur Galbeed magaalada Baydhabo.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga ah oo xukunka akhrinayay ayaa sheegay in Cusmaan Diini Cali uu soo xulay Xildhibaano ay kamid tahay haweenay magaceeda lagusoo gaabiyay Muno oo kamid ah baarlamaanka DF-ka islamarkaana uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kamid ahaa odayaashii Maamulka KoofurGalbeed ee Baydhabo kusoo xulay xildhibaanada.
Cusmaan Diini Cali ayaa la sheegay in laga soo qabtay deegaan ku dhow magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose mana jirto illaa iyo hadda warar madax banaan oo xaqiijiniya in Cusmaan uu ka mid ahaa dadkii ku soo doortay xildhibaanada magaalada Baydhabo.

 

Like it? Share it!