Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 66 aad

by hanad | Friday, Mar 24, 2017 | 4215 views

Aamina waqti oo lagu soo gaabiyey ayay aad u diideen balse Cawil ayaa ka dhaadhiciyey in farxada mar kasta loo daadego sidii ayay is diyaarinteeda u gashay waxaana  xafladaad u qiimo badan loogu dhigay Hotel.

Dhamaan asxaabtooda oo dhan ay maalintaa u cayaarayeen Axmed iyo Xaaskiisa Xamda ayaa udub dhaxaad u ahaa oo agaasinka xaflada lahaa Aamina waxaa loo guuriyey gurigii ay kortay oo maantana ay ka tahay marwo guriga laga qabo aad ayay habeenkaa u farxad badneyd halka Cawil uu gaaray hamigii noloshiisa oo ahaa inuu nolol uu isaga doorto uu ku noolaado.

 

Markii arooska la soo guuriyey oo aqalkooda lagu simay ayaa waxaa isu soo keliyoobay Aamina iyo Cawil oo isaga aad moodo inuu ka farxad badan yahay Aamina ayaa markii uu soo dhar badashay xaaskiisa ku yiri.

 

Cawil:

Caawa ma jirtaa cid iga farxad badan

 

Aamina:

Ma filaayo nolosha ayaa mar kasta u baahan samir waxaan aaminsan nahay in samirkii aan nolosha ka galay in aan caawa guusheeda haaya

 

Cawil:

Illaahay kuwii nolosha caawa u bilaabaneyso samo iyo sucaado ku qaada illaahay ha naga yeelo

 

Aamina:

Aalow Aamiin

Cawil markii ay Aamina intaa tiri ayaa inta uu isku duubay ayaa uu dhabanada ka dhunkaday Aamina ayaana ku tiri

 

Aamina:

Macaane waxba ha dhararin ee wax yar I sug waan kuu soo laabanaa

 

Cawil:

Oo halkee tageysaa

 

Aamina:

Macaane waa wax yar dulqaad samee maxaa ku helay

 

Cawil:

Halkee tagee ma caawa oo kale ayaa la iska tagaa

 

Aamina:

Macaane Caawa waa qeybtii ugu dambeysay ee musalsalka marka caadi iska dhig

 

Cawil:

Fiiri Aamina musasalka caawa adiga iyo aniga noo bilaabanayo ayaa ka macaan kaa ee naga daa

 

Aamina:

Cawil waan kuu sheegay caadi iska dhig

 

Aamina markiiba albaabka ayay ka baxday oo hoos u daadegtay oo qolkii filimka lagu daawanayay ee hablaha guriga oo dhan ay ku jireen ayay gashay markii ay soo gashay ayaa la wada fiiriyey markaasey ayay ku tiri “haye caadi iska dhiga hee yaan layku mashquulin”mar kaliya ayaa la wada qoslay.

 

Aamina film fiirsageedii ayay ku jirtay halka Cawil uu ciil ku dilayo qolka markiiba waxa uu wacay saaxiibkii Axmed oo xilligaas xaafadiisa joogay Axmed markii uu arkay Numberka Cawil ayaa uu telefoonka kala soo durgay xaaskiisa oo markii uu qabtay ku yiri.

 

Axmed:

Kaalay maxaad ii soo wacday ma casharkii aan shalay oo dhan ku siinayaa ayaadan fahmin mise naagtaa ka cabsaneysaa

 

Cawil:

Saaxiiboo I maqal dhib kale ayaa jira

 

Axmed:

Muxuu yahay dhibkaas

 

Cawil:

Saxiiboow naagtii waa baxday musasal ayaa soo fiirsanaa ayay leedahay keligey ayaan sariirta jiifa

 

Axmed:

Naag guri aad iskula kortaan saan lee waaye maxaa yeelay ninba kuuma arkeyso ee iska sug ilaa uu filmka soo dhamaado

 

Cawil:

Maya maya waa waxaan dhaceynin ee saxiiboo qido keen aan filimka kaga soo saaro

 

Axmed:

Haye diishka intuu saaran yahay

 

Cawil:

Qeybta sare ee guriga ayaa uu saaran yahay

 

Axmed:

Filliada diishka ayaa siibeysaa

 

Cawil:

Taas ma dhaceyso maxaa yeelay Khadra gabar la yiraahdo nin waa ka daran tahay si fiican waa u taqaan durbadiiba waa hagaajineysaa

 

Axmed:

Haddii ay sidaa tahay iska soo tuug tuug noo

 

Cawil:

Saxiiboo naga daa ee adiga waa tii aad dhakada ku wanaagsaneedee mid kale keen

 

Axmed:

Waxaa lagaa baahan yahay in aad qatar iska dhigto oo waliba geesinimo adeegsado

 

Cawil:

Waaba is cabsi gelineysaa maxay tahay waxaad wado

 

Axmed:

Bareeska qolkaaga ayaad filo qaldan gelineysaa mar kaliya ayay korontada guriga oo dhan is demineysaa markii la soo wada baxo waxaad leedahay kor ayaa cilad ka jirta waxaan arkayey labo filo oo is taabaneyey sidaa dardeed yaan la shidan korontada ilaa qolada korontada ay ka timado waxaana lagu qasban yahay in la seexdo ileyn saacadaan maba shaqeeyaan.

 

Cawil:

Walaahi waa qido cajiib ah igu hale

 

Axmed:

Haye farxad ayaan kuu rajeeyey

 

Cawil nimey lahasho wado ayaa uu ahaayee markiiba wixii la faray ayaa uu sameeyey oo mar kaliya korontada guriga oo dhan dantay kooxdii filimka daawanaysey ayaa banaanka u soo baxay oo moodayey in korontada xaafada oo dhan ay maqan tahay balse Cawil ayaa u sheegay in cilad ay guriga ka jirto oo korontada ay iyada is demisay waxa uuna ka digay in aan la shidan ilaa ay kooxda korontada ay ka imaanayaan Hooyo Warsan oo iyada weli aan seexan oo soo baxday ayaa loo sheegay cilada jirta in la kala seexdo ayay amartay oo beri loo yeeri doono qolada korontada.

Cawil oo tani farxad u ahayd ayaa qolkiisa abaaray Aamina iyada oo quus joogto ayay qolkeedii soo gashay Cawil oo gaadin ku haayey ayaa markii ay soo gashay mar kaliya inta uu ku booday ayuu sariirta kula dhacay Aamina waxay laheyd Macaane noloshaan deg deg laguma bilaabo sidaas ayay habeenkaas u noqday habeenkii ay midoobeen Cawil iyo Aamina oo Nolosha ku noqdeen Dhig iyo Udub aan sina u kala maarmi Karin.

 

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!