Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 67 aad

by hanad | Friday, Mar 31, 2017 | 5395 views

Cawil oo subaxaan hurdada ka soo hore kacay Aamina ayaa markii uu soo toosay oo uu suuliga ka soo baxay ayaa uu sariirta dhinacii ay Aamina jiiftay fadhiistay oo uu eeganaayey ilaa ay soo toosto Aamina markii ay aragtay Cawil oo hor fadhiya oo iyada fiirinayo ayay tiri.

 

Aamina:

Cawil maxaa jira maxaad halkaan la fadhidaa horta waa meeqo saac

 

Cawil:

Saacad iyo shan iyo afartan daqiiqo ayaan wejigaada daawanayey Macaanto illaahagii igaa siiyey ayaan ku mahdiyey

 

Aamina:

Meeqo saac Cawil hurdada ayaan ku daaahay iga raali ahaaw ma quraacatay

 

Cawil:

Wejigaaga quruxda badan ayaan iska daawanayey ma anigaaba gaajo dareemay Sida Qorax dhaceyso oo dhulka sagal ku qarisaa La mid tahay

 

Aamina:

Waa in aan suuliga tagaa ii dulqaado macaane

 

Aamina iyada oo carareyso ayay suuligii si deg deg ah ku gashay oo markii ay soo meyratay ayay Cawil ku soo laabatay oo dhar xeratay ayay ku tiri

 

Aamina:

Waa in aan quraacda kuu soo diyaariyaa

 

Cawil inta uu Aamina gacanta ka qabtay ayaa uu ku yiri

 

Cawil:

Waa ku side Aamina ma ogid miyaa in aad caruusad tahay oo fadhigaaga laguugu adeegayo

 

Aamina:

Aniga iskama fikirayo ee adiga ayaan kaa fikirayo cuntaada aniga oo kaliya ayaa aqaan

 

Cawil:

Maya manta waa in aadan iga fogaan cuntada xilli hore ayaa la soo diyaariyey ee na keen qolka cuntada aan tagnee

 

Sidii ayay Arooskii iyo aroosadii ku soo galeen qolkii cuntada oo wax walba ugu diyaarsan Aamina oo markii ay miiska fiirisay durba garatay in meesha uu ka maqan yahay shaahii qabowga ahaa ee uu Cawil cabi jiray ayay ku tiri.

 

Aamina:

Sow kuuma sheegin shaahii qaboobaa ee aad cabi jirtay lama keenin I sug wax yar aniga ayaa keenaya

 

Cawil:

Aamina iska daa biyo ayaan cabayaa

 

Aamina:

Maya waa in aan keenaa

 

Aamina markiiba qolkii ayay ka soo baxday oo kushiinka soo abaartay Hooyo Warsan oo aragtay ayaa tiri

 

Hooyo Warsan:

Aamina maama maxaa ku helay quraacda miyaa wax ka dhiman

 

Aamina:

Shaahii Cawil ayaa la soo ilaabay

 

Hooyo Warsan:

Iska daa Hooyo hablaha ayaa keenayo

 

Markiiba Khadra oo meesha ka dhaweyd ayay Hooyo Warsan soo qabo ku tiri balse Aamina marnaba kuma qancin markii Khadra shaaha aysan shaahi miirka aysan marsiin oo caleentii xataa soo raacday inta ay u timid ayay ka qabatay oo shaahii miirka saartay oo caleentii ka saartay Aamina markii ay aragtay in la wada fiirinayo ayay tiri.

 

Aamina:

Caleenta waa uu ku hunqaacayaa Cawil ma jecla

 

Hooyo Warsan oo aad ula dhacday ayaa tiri

 

Hooyo Warsan:

Maasha Allah gabadheydiyee Cawil adiga ayaa nooga aqoon badan illaahay ha isu kiin daayo

 

Aamina:

Aamiin Maama

 

Cawil oo halkiisa fadhiya ayay Aamina u timid oo uu ku yiri

 

Cawil:

Aamina macaanto maxaad isu dhibeysaa

 

Aamina:

In aan adeegto kuu noqdo waa farxadeyda macaane ee kaalay aan quraacanee

 

Cawil si dareen leh inuu u fiiriyey ayaa uu ku yiri

Cawil:

Dhowrsooni Diiniyo Hido wacan Qof lagu dhalay dhabtii adiga weeye

 

Sidii ayay ku wada quraacdeen iyada oo hadalo badan oo macaan la is dhaafsiisanayo quraacdii kadib ayay qolkooda ku laabteen oo nasasho iyo sheeko ku galeen

 

Si wacan ayay bishoodii malabka ku qaateen iyaga oo weli isu hamuun qabaan oo sii doonayo in shaqaba lagu noqon ayaa shaqadii lagu laabtay iyada oo dhamaan hambalyo ay oranayeen dhamaan shaqaalaha isbitaalka.

 

Axmed ayaa ahaa ninkii inta ay maqnaayeen Lamaanahaan booskooda buuxiyey oo habeen iyo maalin shaqeynayay markii ay shaqada ku soo laabteen ayayna si wadajir ah ugu mahad celiyeen sida uu kaalintooda u daboolay isaga oo la kaftamayo ayaa uu yiri “macaanka Nolosha ka warana hee” qosol ayaa mar kaliya lagu wada dhuftay.

 

Cawil oo maalmihii farxadiisa ku jira ayaa maalintaa shir gudoomiyey shirkii usbuuclaha ahaa ee isbitaalka inta badan xogta lagu wadaagi jiray waxaana uuna Cawil markii uu shirka soo idlaaday ayaa uu shaqaalaha ku yiri.

 

Cawil:

Kolay aniga guursaday macaanka nolosha waan dhadhamay in nolosha aysan qiimo laheyn lamaana la’aan waan arkay marka inta aan guursan waxaan dhihi lahaa nolosha ha loo degdego waliba aniga waan saacidayaa kuwa guursanayo haye Muuse.

 

Muuse:

Waan ku gartay Cawil balse waxaan kuu sheegayaa in aan kaa fogeyn oo aan xilli dhow xaroon doono inshah allah dhamaantiin waa I casuuman tihiin maxa yeelay usbuucsa xiga maalinta Arbacada ayaan xaroonayaa.

 

Cawil:

Maasha Allah laakiin hore noogama sheegin

 

Muuse:

Hadda maxaa laguu sheegaa mudo bil ayaaad xafiiska ka maqneydee

 

Cawil:

Waa runtaa hadaba hambalyo ayaan ku leeeyahay dumaashiday Ruqiya igu salaam

 

Axmed:

Oo xaaskiisa ayaad garaneysaa

 

Cawil:

Haa si fiican

 

Muuse:

Cawil waa ninkii nolosheyda farxadeeda ka shaqeeyey reerkaan dhismayo isaga ayaa looga mahad celinayaa

 

Cawil:

Laf ahaantaada si wacan ayaad xaaskiisa u taqaan miyaadan xasuusan waa Ruqiya waa gabadhii maqaayada reekreeda ku lahaayeen jaamacada

 

Axmed:

Maasha Allah xaas wanaagsan waad xulatay illaahay ha kuu qeyr geliyo walaal

 

Muuse:

Aamiin walaal balse ogaada in aad ii casuuman tihiin.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!