Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 68 aad

by hanad | Friday, Apr 7, 2017 | 4835 views

Inkastoo shaqaalaha shirka u so xaadiray ay inta badan baxeen hadana Qowdhan ayaa ahaa ninka kaliya ee aan weli bixin ee goobta joogay Axmed oo arkay ayaa yiri.

 

Axmed:

Haye Qowdhan war miyaa ku soo riixayo nin war haaya ayaa lagu moodaa

 

Qowdhan:

Hadda nimayahow cadaalada hala falo sidaan yaanan la igu eegan

 

Cawil:

Maxaa jira Qowdhan

 

Qowdhan:

Nimanyahow tol iyo qaraabo haddii la yahay aniga Biibi Gaabo ayaan doonayaa ee xaalkayga hala galo

 

Axmed:

Qowdhan waa ku side ninkaagan dhirirka badan ma gabadhaas ayaad rabtaa hada hablo dheer oo kale raadi waa ku sidee

 

Qowdhan:

Hadda Reer Koonfurow yaan laysku cayaarin idinkaa yiri “GABAR HADDII GACAL KAA GALAAYO HA GAABANAADO” hadda Biibi in ay gabadheyda noqoto ayaan doonaya halayga taliyo tolnimo haddii ay jirto.

 

Cawil:

Waa balan waxba ha ka cabsan Biibi aniga ka dhameynayo

 

Cawil farxada dardeed ayaa uu maalintaa shaqaalaha hoose ee isbtaalka oo dhan mushaaradahooda ku kordhiyey oo dhamaan ku booriyey in si wadajir loo wada shaqeeyo.

 

Cawil si buuxda ayuu u gacan qabtay arooski Muuse iyo Ruqiya waxayna u ahayd maalin uu Muna mar kale is arkeen ileyn arooskiisaa kuma casuuman waxa uuna u sheegay  inuu guursaday Munana ay ugu hambalyeysay Cawil inuusan guurkiisa ku casuuman Muna wuxuu u yeelay isaga oo dhowrayey Aamina oo uu ka cabsi qabay in ay weli u sii aragta in ay wax ka dhaxeeyaan.

 

Cawil arrinta Biibi waxa uu kaashtay Aamina oo Biibi ka dhaadhicisay in aysan Qoqdhan ku faquuqin lahjadiisa oo ay qasab tahay in ay is fahmayaan sidii ayaana loogu guuleysaty in Qowdhan uu Biibi ka doono reerkeedana iyagaba  ay siiyeen waxa uuna Cawil ku saaciday sedex qol oo isbitaala dhabarkisa ku yaal oo dhismaha isbitaalka ka tirsan ayaa uu dejiyey maadaama labadooda ay yihiin shaqaalo muihiin u ahaa isbitaalka oo xagga amaanka iyo diiwaanka ay ahaayeen sidii ayaa si wadajir ah looga qeyb galay arooskii Biibi iyo Qowdhan iyada oo la wada qoslayo ayaa la isku geeyey iyada oo adkeyd in ay is fahmaan oo xagga lahjada ay aheyd mid ay aad ugu kala fogaayeen.

 

Cawil maalin ayaa uu xaaskiisa Aamina iyada oo shaqada ku jirtay inta uu u yimid ayaa u sheegay in arrin lama filaan ah u haayo Aamina waxa ay u sheegtay in xilliga qadada ay raaci doonto maadaama bukaano badan u joogaan.

Xilliga qadada ayay is raaceen waxa uuna  geeyey dhul banaan Aamina ayaa weydiisay

 

Aamina:

Waa dhul aad u weyn macaane ma isbtaal kale ayaad ka fureysaa

 

Cawil:

Maya waxaan rabaa in gurigaan aan mudo bil ka yar lagu dhiso kadibna aan halkaan soo degno macaanto

 

Aamina:

Ma hooyo iyo Aabe ayaan ka soo guureynaa

 

Cawil:

Haa macaanto aniga waxaan rabaa guri inoo gooni ah oo aan fursad badan adiga kuu helo

 

Aamina:

Maxaa jira iminka fursad isuma helno

 

Cawil:

Fiiri Aamina aniga waxaan rabaa in aan xilli kasta kula fara cayaaro kula kaftamo marka waa in aan guri inoo gaar ah aan helnaa

 

Aamina:

Maya Cawil ma dhaceyso mana ka soo guureyno Aabe iyo Hooyo maxay tahay cadibnaanta aad iminka qabto ma kugu raacsani taa

 

Cawil:

Haye sidaad jeceshahay

 

Markiiba baabuurka ayaa la soo wada raacay Cawil inuu arrinka ka xanaaqay waa laga dareeni karay ereyna ma dhihin Aamina lama hadlin waa ay ogeyd haddii ay iminka hadalka furto inuu ka sii xanaaqayo sidaas ayaa isbitaalka lagu tagay oo cid kasta shaqadeeda ku abaartay.

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!