Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 69 aad

by hanad | Friday, Apr 14, 2017 | 4487 views

Waa xilli habeen inta badan reerka oo dhan waxa ay ku kulmaan qolka fadhiga oo aqbaarta lagu fiirsado Cawil markii uu aqbaartii ay dhamaaday ayaa uu qolkiisa tagay oo hurdo isku diyaarisay,

Aamina oo isha ku heysay aya garatay inuu weli u xanaaqsan waxayse sii xaqiiqsatay markii uu cashada ka cudur daartay Aamina in cabaar ah ay halkeedii fadhisay ayay qolka ugu gashay oo ay tiri.

 

Aamina:

Cawil miyaad Xanuunsan tahay maxaad cashada ku diiday

 

Cawil:

Gaajo ma dareemayo

 

Aamina:

Waa xilli hore maxaad u seexaneysaa kaalay aan satuuxa aan tagno si aan hawo macaan u qaadano

 

Cawil:

Iga daa ma karee

 

Aamina ita ay sariirta ugu soo kortay ayay isku duubtay oo ay tiri

 

Aamina:

Aayaha Dooqaan Iishaartay

Midkii iga Mudnaa Abaalkoo

Miyaan Axad kula simaa jira

Cawil qof aan kula simo caalamka ma joogo ma ogtahay haddii aad iga xanaaqdo aanan hurdada kari doonin macaane ii soo jeeso

 

Cawil:

Miyaadana caawa Hurdo ku heyn

 

Aamina:

Waad ogtahay in aan abid sidaan ku kala seexan midkeen ayaa midka kale hurdo siin jiray marka sideen ku hurdaa adiga oo iga sii jeeda

 

Cawil:

Laakiin Caawa waan daalanahay

 

Aamina:

Waan ogahay waad iga xanaaqsan nahay balse macaane maalin ayaa imaan doonto aan qoys buuxa noqon doono maalintaas ayay ku haboon tahay in aan gooni degno.

 

Cawil:

Arrinkaas oo dhan kuma jiri waad igu diiday waana iska dhaafay

 

Aamina:

Laakiin arrinkaas ayaad iga xanaaqsan tahay

 

Cawil:

Haa waan kaa xanaaqay balse iska seexo beri ayaan caadi iska noqon doonaa

 

Aamina:

Arrin farxad badan ku siin karta ayaan ku haayaa ee xagayga u soo jeedso macaane waan hubaa aad ayaad ugu farxi doontaa

 

Cawil:

Waa ku baryaa Aamina hurdadayda igu daa

 

Aamina:

Cawil caawa ma saan ayaan ku kala seexanaa xataa annaga oo aan farxad isu rajeyn

 

Cawil:

Habeeno kale ayaa ka badan ee seexo Aamina

 

Aamina:

Xataa arrinta farxadeed ee aan kuu wado ma dooneysid in aad maqasho

 

Cawil:

Ma doonayo ayaan ku leeyahay Aamina sideyda igu daa teeda kale beri ha I kicin shaqo ma lihi ma maqashay aan kaa hurdo

 

Aamina waa ay ka quusatay in ay Cawil ka dhaadhiciso inuu ugu yaraan dhageysto sidii ayaana habeenkaas lagu kala seexday Aamina waxay aad ugu xameyd inuu Cawil iyada u xanaaqo subaxaas sidii aya shaqada ku aaday Walow warqad inta ay u qortay ay Kumidiinka u saartay.

 

Aamina shaqadeeda ayay tagtay Cawil oo habeenkaa ciil ku seexday iyo isaga oo aad ugu xanaaqsan Xaskiisa ayaa subaxii hurdada ku daahay cidna ma kicin oo Aamina ayaa reerka u sheegtay inuu Cawil uusan Shaqo laheyn sidaa dardeed aan la toosin sidii ayaana la yeelay Cawil iskiis ayaa u soo kacay mar ay barqadii tahay suuliga oo qolka ugu dhexyaalay ayuu galay oo markii uu soo xaajo guday ayuu qolka dariishadaha u furfuray markii uu soo abaaray xagii kumudiinka ayaa uu arkay warqad halkaan u saaran warqadii ayaa uu soo qaaday oo uu aqriyey waxayna u qorneyd sidaan.

 

MACAANE WAAN KA XUMAHAY IN AAD II XANAAQDO LAAKIIN ANIGA MAR KASTA FARXADAADA AYAAN JECLAHAY WAAN LA SOCDAA IN CINQAABTII AAD NAFTAADA GELISAY XALAY AAN ANIGA SABABAY LAAKIIN MID OGOW IN AAN IMINKA AAN HOOYO AAN KA FOGAAN KARIN OO AAN U BAAHAN NAHAY TALADEEDA OGOW MACAANE GABAR KASTA OO UGUB AH IN AY HOOYADEED U BAAHAN TAHAY MACAANE FARXADA REERKEENA MAANTAY KAAMIL NOQOTAY OO QOYS BUUXA AAN NOQONEYNO.

Macaantii Naftaada

 

Cawil waali ayaa uu ku sigtay markiina inta uu dharka isku boobay ayaa uu baabuurkiisa kaxeystay isaga oo aan cid la hadal abaaray isbitaalka markii uu tagay xataa baabuurkiisa ma uusan dhigin boos ku haboon waxa uu abaaray qolkii Aamina oo xiligaas keli ku aheyd Bukaan inuu u soo gudbo sugeysay inta uu ku booday ayaa uu dhunkaday oo ku yiri.

 

Cawil:

Ii sheeg Aamina sidaan u fahmay miyuu xaalka yahay ii sheeg macaanto ma owlaadeyda ayaa calooshaada ku jirta

 

Aamina:

Cawil idaa horta yuusan bukaan nagu soo gelin

 

Cawil:

Ha soo galaan xaaskayga ayaa tahay ii sheeg macaanto goolka ma dhaliyey

 

Aamina:

Haa Cawil laakiin ma fileynin in aad sidaan oo dhan ugu farxeyso

 

Cawil:

Sidee Aamina maxaad sidaas u ledahay ma ogtahay in hadiyada ugu wanaagsan ee EEBE adoomadiisa ku abaalmariyo in ay tahay ubadka sow kumaadan farxin adigana

 

Aamina:

Intaad ku faraxday in la mid ayaan ku farxay waxana aaminsan nahay in manta aan reer buuxa nahay macaane

 

Cawil:

Reerka oo dhan waa in loo sheegaa

 

Aamina:

Hadda maya

 

Cawil:

Maxaa jira ma xishooneysaa aniga u sheegayo

 

Aamina:

Igu daa macaane aniga sheegayo laakiin hadda maaha

 

Cawil:

Haye sidaad jeceshahay laakiin waa in aad is ogaadaa qolkeena jiifka waa in hoos loo soo raraa maxaa yeelay waa kugu dhib in aad meel sare korto

 

Aamina inta ay qososhay ayay tiri

 

Aamina:

Anigaba dhaqtar ayaan ahay waana aqaan waxa ii wanaagsan ee fiiri culeyskaas weli lama gaarin

 

Cawil:

Dadaalee ka waday laakiin bukaan maba soo galayo miyaan bukaan kuu harin waaba war fiican haddii uusan bukaan kuu joogin soo bax guriga ayaan tagaynaa wixii manta ka dambeeya waa in aan kaa fogaan oo aan ku ilaaliyaa.

 

Aamina:

Laakiin adiga ayaaba qolka ku jiree kalkaalisada sidee Bukaan u soo fasaxeysaa orod guriga tag ee naso aniga waan is ogaanayaa macaane waxba ha ii welwelin

 

Cawil:

Maya waan ku sugayaa waana wada qadeyneynaa.

Ha iloobi dhamaadka sheekada iyo todobaadka soo socda waana qeybti ugu dambeeysay ee sheekadaan tixanaha aheeyd 70 taanka isbuuc

Arxan iyo Araaro Caanshaq waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!