Saameeynta Musuq-maasuqa ku leeyahay Hormarka

by hanad | Monday, Apr 17, 2017 | 876 views

Musuq-maasuqa waa dhicid hanti Qaran, Shaqsi ama Hanti Shirkada,hab dhicitaanka musuq-maasuqa waa mid aan toos ahayn taas oo ku dhisan khiyaano iyo hagar daamo.sidokale musuq-maasuqa waa  isdaba-marinta(dhicid) hantida qaranka ama shirkad lagu aaminay qofka  masuuliyada looga dhigay.

Musuq-maasuqa waa khiyaano iyo dhac ay sameyaan madax shirkad ama Dawlada kuwaas oo awooda loo idmaday u adeeggsada dhac iyo isdaba marin.Musuq-maasuqa waxaa kalo sameeya ficilkaas qof rayid ah in hanti lagu aaminay in uu khiyaano.Soomaaliya waxa ay safka hore kaga jirtaa wadamadda musuq-maasuqa hareeyay, waana arin aad u xun in liiska kobaad ee masuq-maasuqa kow ka nahay waana Ayaan daro.liiska musuq-maasuqa waxaa soo saaray hay’adda Transparence International Feb 1, 2016.

Wadamada waa ay ku kala sareyaan heerka musuq-maasuqa. wadan kasta oo heerkiisa musuq-maasuqa aad u sareeya waxa uu noqdaa wadan dhaqaale ahaan aad u hooseeyo ,sidokale hormar fiican aan gaarin.wadamo badan oo Qaaradan Afrika waxaa hareeyay Musuq-maasuqa waxa uuna sababay Saboolnima ,Amni daro iyo dhaqaale xumi.

Qaar ka mida ah wax yaabaha sababa  Musuq-maasuqa :

  • Awooda Dawladda  oo liidata.
  • Aqoonyari iyo Alle kacabsi la’aan.
  • maxkamadaha oo aan awood badan lahayn..
  • La xisaabtan la’aanta Madaxda iyo Dadkale ee masuuliyada haya.
  • Aduunyo jaceyl iyo iimaan daro.

Masuuliyada aad ayey culustahay,waxaana la rabaa qofka masuuliyada loo dhiibo in uu oga soo baxa sida loogu idmaday  si daacadnima iyo karti leh.waxaaa Hormar iyo Guul lagu garaa Dacadnima iyo Shaqa wanaag. Musuq-maasuqawaa Cadawga koobaad ee Hormarka iyo Cadaaladda.

Musuq-maasuqa waxa uu sababaa waxyabahan hoos ku qoron:

  • Hormar la’aan dhankasta ah.
  • Cadaalad daro joogto ah.
  • Dhaqaalo xumo.
  • Saboolnima iyo Abaaro joogta ah.
  • Waxaa kale uu sababaa Amni daro.

Waxaa Dalkeena dib udhac ku riday waa Dhaca Hantidada Qaranka, Laaluushka ,Cadaalad daradda iyo Musuq-maasuqa.

 

 Abdirahman Ali Abdi
abdirahmaan68@gmail.com

Like it? Share it!