Dab caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo

by mahad | Thursday, Apr 20, 2017 | 4007 views

April 20 (Jowhar)— Waxaa caawa uu dab ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo dabkan lagu guuleystay in la damiyo, inta aanu ku fidin qeybaha kale ee Suuqa.

Dabka ayaa ka kacay agagaarka Suuqa Qaliifa oo aheyd halkii bilo ka hor uu dabka ka kacay, waxaana la sheegay inuu saameeyay dukaamo dhowr ah.

Gaadiidka dab damiska ee dowladda Hoose iyo gaadiidka shirkadaha ayaa ku guuleystay in dabka la damiyo.

Lama oga illaa iyo hada waxa sababay inuu dabkan kaco, waxaana la isla dhex marayaa warar sheegaya in dabka uu ahaa mid ku tala gal ah.

Dhowaan ayay aheyd markii dab uu xooggan uu ka kacay Suuqa bakaaraha, kaasoo baabi’iyay qeybo badan oo ganacsiga Suuqa ah, waxaana ku hanti beelay ganacsato badam

Dabka ka kaca Suuqa Bakaaraha ayaa noqday kuwo soo noq-noqda, waxaana sanadkan gudihiisa uu marayaa labo jeer, inta uu xilka haayo Madaxweyne Farmaajo.

 

Like it? Share it!