Maamulka Hirshabeelle oo soo dhoweeyay ka soo dejinta qaadka magaalada Jowhar

by mahad | Thursday, Apr 20, 2017 | 2138 views

April 20 (Jowhar)— Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweysay ganacsato bilowday in ay qaadka ka soo dejiyaan garoonka diyaaradaha ee Jowhar kadibna gaadiid ku geeyaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta hiddaha iyo dalxiiska Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay soo dhoweyneyso ganacsatada dooneysa inay maalgashadaan Hirshabeelle lana macaamilaan dowlad goboleedka.

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in dhowaan la dhamaystirayo dayactir lagu sameynayo dekeda Ceel-Macaan iyo garoonka diyaaradaha Cisaley.

Haddii ay suurtogal noqoto in dib loo howlgaliyo dekeda dabiiciga ah ee Ceel Macaan ayaa waxa ay dhabarjab ku noqon kartaa dhaqaalaha ka soo galaya dowlada federalka dekeda Muqdisho,iyadoo ka soo dejinta qaadka magaalada Jowhar maanta ay dowlada Federalka ku weysay kumanaan dollar oo hore ugaga soo xeroon jirey canshuurta qaadka.

Kolonyo gaadiid ah oo sidey qaad laga soo dejiyay magaalada Jowhar ayaa markii ugu horeysay gaaray maanta magaalada Muqdisho iyadoo lix diyaaradood oo sidey qaad ay ka soo degeen maanta magaalada Jowhar.

Halkan ka aqriso warsaxaafadeedka Hirshabeelle

Like it? Share it!