Weerar ka dhacay magaalada Paris oo lagu dilay Askari Boolis ah, mid kalena lagu dhaawacay

by A M | Thursday, Apr 20, 2017 | 2106 views

April 20 (Jowhar)— Nin ku hubeysan qoriga AK47 ayaa toogasho ku dilay askari boolis ah, halka uu mid kale dhaawacay, bartamaha magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Weerarkan ayaa dhaliyay khal khal iyo jahwareer, iyadoo boqolaal ciidamada kala duwan lagu soo daadiyay waddooyinka.

Ninka hubeysan ee dilka geystay ayaa isna la toogtay, halka la qabtay nin kale oo la socday, waxaa soconaya baaritaano.

Toogashada ayaa ka dhacday halka lagu magacaabo Champs Elysees oo ka mid ah goobaha caanka ee ku yaalla Paris, ahna meelo loo dalxiis tago.

Boolis fara badan ayaa goobta isku gedaamay, waxaana dadweynaha ku amrayeen inay ka laabtaan goobta oo xaalad qatar ah ka jirto.

Weerarkan ayaa dhacay, xilli musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha ay caawa doodooda ka bilaabaneyso Telefishinka, iyadoo lagu wado in maalinta Axada loo dareeri doono cod bixinta doorashada Madaxtinimada Faransiiska.

Faransiiska ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro xiriir ah oo dad badan lagu dilay, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ama Daacish ee ka dagaalanta wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

By C/casiis Golf

Like it? Share it!