Nin xaaskiisa oo uur laheyd ku dilay deegaan u dhow Jowhar

by A M | Friday, Apr 21, 2017 | 3593 views

April 21 (Jowhar)— Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dhacdo naxdin laheyd ay ka dhacday, kaddib markii nin xaaskiisa oo uur laheyd ku dilay Tuulo lagu magacaabo Tuugaarey.

Dadka deegaanka Tuugaarey oo qiyaastii magaalada Jowhar u jira 20KM ayaa sheegaya inuu jiray muran soo kala dhex galay ninka iyo xaaskiisa, taasoo markii dambe keentay inuu dilo.

Ninkan oo ahaa beeraley ayaa la sheegay inuu qori uu heystay ku dilay xaaskiisa, markii ay damacday in Tarmuus Shaah ah inay ku shubto, sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka.

Guddoomiyaha deegaanka Tuugaarey Cali Maxamed ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ninka dilka geystay, iyadoo loo gudbinayo magaalada Jowhar, si loo soo taago Maxkamad.

 

Dhacdadan ayaa ah mid aad looga hadal haayo deegaanka Tuugaarey iyo deegaanada u dhow dhow magaalada Jowhar, iyadoo dhacdooyinka noocaan oo kale ay ka dhaceen dhowr jeer Gobolada qaar

Like it? Share it!