Waa Sheekadii Xiisaha laheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 70 aad iyo dhamadki

by hanad | Friday, Apr 21, 2017 | 2819 views

Cawil sidii ayaa uu ku baxay Aamina bukaanadii u haray qaabiladooda ayay gashay Cawil farxada ayaa uu la duuli rabay qof kasta oo uu arka inuu u sheego ayaa uu damcaa hadana waxa uu soo xasuustaa Aamina oo ka diiday inuu cid loo sheego.

 

Markii xilligii qadada la gaaray ayay maqaayadii u soo qado doonteen Cawil oo farxadaas weli ku jira ayaa ayaa markii uu arkay in shaqaalaha oo dhan ay wada kulansan yihiin ayaa uu mar kaliya ku yiri.

 

Cawil:

Mar kaliya dareenkiina I siiya manta qadada qarashkeeda aniga ayaa qabo dhamaan inta maqaayada fadhisa oo dhan maxaaa yeelay abaalmarin wanaagsan ayaa uu illaahay igu abaal mariyey farxadaas ila wadaaga mar dhow Aabe ayaan noqonayaa.

 

Mar kaliya ayaa ay shaqaalaha oo dhan soo wada istaageen oo in ay Hamblayo ku yiraahdeen, Aamina marnaba ma ogoleyn in sidaa uu yeelo hadana waa ku qasbaneyd in ay weji farxadeed ay hambalyada ku gudoonto.

 

Habenkii ayaa reerka oo dhan mar ay wada fadhiyeen miiska cashada ayaa Aabe Cali Nuur Yiri

 

Aabe Cali Nuur:

Haye ii warama Aamina iyo Cawil ka warama isbitaalkii

 

Aamina:

Maasha Allah Aabe waa mid kor u socdo waliba dhaqtar lafaha ayaan ku soo kordhinay

 

Aabe Cali Nuur:

Maasha Allah Arrin kale ayaa jirta oo aan rabay in labadiina aan idiin kala hadlo

 

Cawil:

Maxay tahay Aabe

 

Aabe Cali Nuur:

Waxaa doonayaa in reer meel degan idinka dhigo oo labada guri ee Airporka agtiisa ku yaal aan mid ka xuladaan kaa xuladaan waa laga saarayaa shirkada degan oo mudo ayaa loo qabanayaa oo ay ku guurto.

 

Aamina:

Arrintaan Hooyo ma ogtahay

 

Aabe Cali Nuur:

Waad ogtahay hooyo marnaba ma ogola in owlaadeeda ay ka fogaado laakiin way ogolaaneysaa oo aniga ayaa la hadlayo

 

Cawil:

Aabe waa fikir fiican laakiin labadaas guriba Malaga bixinayo shirkadaha degan waxaa jira dhul aan meel aan halkaas ka fogeyn aan ka iibiyey kaas ayaan degeynaa waliba xilli ku haboon yaan degeynaa.

 

Aabe Cali Nuur:

Xilligaas waa goorma hee

 

Cawil:

Aabe mar dhow Awoowe ayaad noqoneysaa Aamina markii ay umusha ayaan u guureynaa

 

Aabe Cali Nuur:

Maasha Allah Aaway Xaajiyada kaalay farxadaan nala wadaag

 

Aabe Cali nuur inta uu istaagay ayaa uu Aamina madaxa ka dhunkaday oo uu yiri

 

Aabe Cali Nuur:

Maasha Allah Aabe illaahay ha ku dhowro waad naga farxiyey midkii lagu nasto illaahay ha ka yeelo

 

Hooyo Warsan ayaa soo gashay oo leh

 

Hooyo Warsan:

Farxada I soo gaarsiiya maxay tahay

 

Aabe Cali Nuur:

Xaajiya manta Awoowe iyo Ayeeyo ayaan noqoneynaa oo gabadheena uur ayaa ay leedahay

 

Hooyo Warsan oo ilinta soo dhaaftay ayaa inta ay Aamina u tagtay ayaa dhunkaday ayay ku tiri

 

Hooyo Warsan:

Maasha Allah Maama illaahay ha ku dhowro farxadaan walaashey in ay ila wadaagto ayaa wanaagsaneyd

 

Aamina:

Aamus Maama illaahay taasi ma qadarin laakiin nolosha inta aan adiga ku heysto ma cidloonayo Maama

 

Cawil:

Hooyo waxba ha ooyin duacadaada ayaan farxadaan ku helnay

 

Aabe Cali Nuur:

Xaajiya waa maalin farxadeed ooyin maya waa in xoolo la qalaa oo sadaqo ahaan loo bixiyaa illaahay gabadheyna jidka dheer ee sugayo ha u fufudeeyo

 

Aamina faraxad ayay la wadaagtay qoyska oo dhan markii loo sheegay uurkeda waxaana loo raray jiifkeda qeybta hoose maadaama uu culeyskeeda soo dhawaaday Cawil ayaa ahaa ninka aan habeena hurdo wacan hurdin dhaqaaq kasta oo sameyso waa soo toosaa mar kasta oo ay suuliga in ay tagto u soo toosto inta uu ka soo dabo baxo ayaa uu yiraahdaa xanuun miyaa ku haaya.

 

Aamina illaahay culeyska waa ka dejiyey waxaana rabiga siiyey Wiil loogu wanqalay Maxamed kaas oo farxad badan reerka ku soo kordhiyey Aamina markii ay Umusha ka baxday ayay u guureen gurigii loo diyaariyey oo si wacan loogu qalabeeyey.

 

Cawil iyo Aamina waxa ay noqdeen qoys dhameystiran oo farxada u noqotay mid la joogto xilli kasta waxayna noqdeen lamaano xushmad iyo qadarin ku nool oo tusaale loo soo qaadan jiray.

 

Muna ayaa aheyd qofta kaliya ee keli ahaansho nolosha ku dhameystay wallow ay marka ay is xasuuso Jaceylkii Udugiisa is gaaray iyo sidii uu Cawil iyada ugu ashqaraaray waa ay ilmeyn jirtay oo eeda isa saari jirtay iyada oo ay nafta ku samirsiin jirtay in Calafka uu kala irdeeyey oo iyada dhigay meel aan ku habooneyn.

Waxaa maanta ku soo gabagabowbay 70 isbuuc iyo sheekadi cajiibka aheyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq waxaad naga sugtaan sheeko kaale iyo isbuuca soo socda insha Alaah.

Waxii rayigada ah ku soo hagaaji mailkaan 

Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Ama Jowharcom@gmail.com

Like it? Share it!