Maantana waa Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 1 aad

by hanad | Thursday, Apr 27, 2017 | 4458 views

Deeqo waxa ay aheyd gabar waalid la’aan soo kordhay hooyadeed & aabaheed iyada oo yar ayaa ay geeriyoodeen waxayna la soo kortay walaalkeed oo kaalin ka soo qaatay koriinkeeda, Deeqo waxay ka mid aheyd dhalintii iskuulada aanan dhameysan oo ay dagaalada sokeeye ka qaribeen heerkoodii waxbarasho.

 

Deeeqo dagaaladii sokeeye markii uu dhacay ayaa uu walaalkeed Colaad guursaday Nasteexo oo ahayed gabar aad u debci wanaagsan isla markaana aad ugu caqli celin jirtay Deeqo oo xilligaas xiriir curdan ah kala dhaxeeyey C/raxmaan oo ay deris ahaayeen Nasteexo marnaba lama dhacsaneyn xiriirkaan ay Deeqo la laheyd C/raxmaan oo ay aragtay in aanu waxba qabsan Karin maadaama uu weli uusan ka korin canjeeradii hooyadiis balse markii dambe oo ay xaqiiqsaday in ay Deeqo ku maqsuudsan tahay ayaa ay gareysatay in aysan ka fara gelin ama aysan u xumeyn ninka ay la heyso Dumaashideed.

 

Guurka Deeqo ma noqon mid soo daaho maadaama iyada iyo C/raxmaan ay aad isugu hamuun qabeen oo ay u doonayeen in ay midoobaan Deeqo walaalkeed marnaba ma uusan hor istaagin rabitaanka walaashiis waana uu aqbalay ninka ay la timid.

 

Deeqo waxaa loo guuriyey gurigii ninkeeda oo aan sidaa xaafada ugu fogeyn waxaana halkaa kaga bilaawday noloshii cusub ay sugeysay, Deeqo ninkeena waxaa uu ahaa nin aanba jecleyn inuu shaqo tago maadaama uu iminka qaaday masuuliyad naf kale haddana arrinkaa kama aysan xumeyn Deeqo waana ku qanacsaneyd in ay reerka ninkeeda ay la noolaado maxaa yeelay waxa ay iska dhaacdhicin jirtay in maalin uun uu ninkeeda gareysan doono inuu shaqeysto.

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa jowhar.com

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa

Deeqo aad ayaa ay ula qabsaday qoyskii loo guuriyey mana u muuqan gabar guriga laga qabo waxayna howsha guriga la wadaagi jirtay hablaha guriga kula nool ee ninkeeda C/raxmaan ay walaalaha ahaayeen waana ay ku qanacsaneyd arrinkaa.

 

Mudooyinkaan dambe waxaad moodaa in ninkii C/raxmaan ahaa uu ka caajisay noloshiisa cusub isla markaana uu hamiga gishtay inuu wadanka isaga dhoofo oo uu afka saaro xagaa iyo qurbaha oo maalmahaan  dambe ay dhalintii oo dhan ay  u jiheysteen in ay si tahriib ah ay ku galaan dalka Yemen kadibna ay kaga sii gudbaan dalka Boqortooyada Sacuudi Areebiya si halkaas looga raadsado nolol ka fiican tan ay ka heli karaan tan taalo dalkooda, isagoo wada tashiyo badan la sameeyey dhalin hore jidkaas u martay ayaa uu ugu dambeyn C/raxmaan waxa uu go’aansaday inuu qeyrkiisa wax la qeybsado oo uu maro wadadaas isagoo durbadiiba helay koox dhalinyaro oo safarkaas biimada ah diyaar u ah in ay galaan balse C/raxmaan dhibka heysta ayaa ahaa sida uu arrinkaan kaga dhaadhicin lahaa waalidiintiisa oo iyaga aaminsanaa inuu yahay nin hore u qaaday masuuliyad ruux kale kaas oo lala jeeday xaaskiisa cusub.

 

C/raxmaan kama labalabeyn sida uu arrinkaan uu ula hortagi lahaa reerkiisa waxaana qorshiisa gashaanka ku dhuftay aabahiis oo ku cannaantay in looga baahan yahay daryeelka gabadha uu soo xareystay waxaase arrintaa aad ugu dhiidhiyey C/raxmaan oo aabahiis u sheegay in sababta uu u ambabaxayo ay tahay inuu xaaskiisa u soo tashto.

 

Cali Gaab oo ahaa C/raxmaan aabahiis ahaana nin codkar ayaa arrinka uu la yimid wiilkiisa mar kale ku gacan seyray una sheegay in shaqo aan laga la’een oo ay wadanka laf ahaanteeda ay shaqo jirto loona baahan yahay qof kartidaas la timaado oo ka shaqeysta isla markaana uu ogaadaa inuu saran yahay masuuliyad oo uu qofka uu soo xareystay ay isaga sugeyso isla markaana uusan marnaba ogolaaneynin inuu baxo.

 

C/raxmaan oo aad ugu carooday go’aanka aabahiis ayaa haddana dib ugu soo noqday saaxiibadiisa oo u sheegay   waxayna kula taliyeen inuu xaaska loogu goodinayaa uu meesha ka saaro micnaha iyadaba furo haddiiba uu rabo inuu safarkaan uu ka mid noqdo, C/raxmaan waxa uu sameeyo ayaa uu garan waayey waayo go’aankii aabahiis meel ayaa uu ku ogaa isla markaana ma uusan dooneynin inuu ka haro safarkaan waxaana markii dambe la saxnaatay fikirkii ay siiyeen saaxiibadii wuxuuna durbadiiba go’aankiisa noqday inuu furo Deeqo si aysan safarkiisa caqabad ugu noqonin.

 

C/raxmaan nin go’aankiisa meel ayaa uu ahaa durbadiiba waxa uu abaaray gurigooda si uu isla manta u fuliyo go’aankiisa waxaa uu la kulmay Deeqo oo keli ku ah guriga isla markaana ku mashquulsan qado diyaarin ayaa uu inta uu kor yimid ayaa ay ku tiri.

 

C/raxmaan:

 

In aan kula hadlo ayaan rabaa

 

Deeqo oo la yaaban codkiisa qabowga ah ayaa tiri

 

 

Deeqo:

 

Hadalka manta ku haaya muxuu yahay

 

C/raxmaan:

 

Si gaar ah in aan kula hadlo ayaan rabaa ee fadlan qolkeena na keen

 

Deeqo:

 

Laakiin qof kale guriga ma joogto waad ila hadli kartaa

 

C/raxmaan oo garan la’ meesha uu hadalka ka bilaabo ayaa yiri

 

C/raxmaan:

 

Waxaan manta aan go’aansaday in aan walaaloono

 

Deeqo oo durbadiiba fahamtay hadalka meesha uu u dhacaayo ayaa cod tiiraanyo laga dareemi karo ku tiri

 

Deeqo:

 

Go’aanka mar kasta waa xagaaga kamana xumi go’aankaaga

 

C/raxmaan:

 

Waa ku baryaa ha I weydiin sababta aan arrinkaan u smaeeyey

 

Deeqo:

 

Laakiin gabar walba xaq ayaa ay u leedahay in ay ogaado xumaanta ay leedahay ee ay gurigeeda iyo gacalkeyga ay ku weysay laakiin haddiiba aadan adigaba rabin in la ogaado waxa go’aankaan Qalafsan kaa keenay waliba aniga oo og in aysan jirin xumaan dhexdeena ka dhashay ayaan haddana aan ku weydiineynin sababta balse waxaan kuu sheegayaa in iminkaba aan rabo in aan gurigeena ku noqdo fadlan warqada furiinka guriga igu keen.

 

Deeqo markiiba inta ay qolkeeda gashay ayaa ay dharkeeda iyo dahabkii ay gabarnimadeeda ku heshay kala soo baxday iyadoo aan wax kale soo qaadan ayaa durbadiiba gurigooda abaartay waxaana ilinka hore ee guriga kaga hor timid C/raxmaan walashiis Maryan Kiin oo weydiisay meesha ay u socoto oo ay u qalab qaadatay inta ay gadaal u fiirsay C/raxmaan weli daashka taagan ayaa ay ku tiri meesha aan u socoto walaalkaa weydii waana ay sii dhaaftay.

 

Maryan Kiin iyada oo yaaban ayaa xagaa iyo walaalkeed u talaabo qaaday oo ay ku tiri

 

Maryan Kiin:

 

Aboowe maxaa meesha ka dhacayo maxeyse dumaashi u baxday ii sheeg ma dagaasheen waa ku baryaa soo celi

 

C/raxmaan:

 

Maya ma soo celin karo waxaana u sheegay in aan furayo iminka warqada furiinka ayaan soo diyaarinayaa

 

Maryan Kiin:

 

Kaalay adiga ma waaladay maxay tahay waxa aad ku hadleyso

furiin aa!! Maxaa keenay maxeyse kaa haleysay??

 

C/raxmaan:

 

Maya waxba igama haleynin ee anigaa go’aansaday

 

Maryan Kiin:

 

Aboowe haddiiba aysan wax kaa haleynin maxaa furiin keenay bal ii sheeg kaalay adiga miyaadan nabsi ka baqeynin

 

C/raxmaan:

 

Waxa aan sameynayo anigaba ma ogi laakiin in aan Deeqo furo waa maslaxadeyda waxaana sababteeda leh AABO oo arrinkaan igu qasbay

 

Maryan Kiin:

 

Aabo ayaa arrinkaan igu qasbay AA!! Kaalay ma aabo ku yiri fur Deeqo mise waxaad rabto ayaad iska sheegeysaa

 

C/raxmaan:

 

Maya abaayo aniga in aan tahriibo ayaan go’aansaday Aabana waa uu ugu gacan seyray isagoo waliba qiil iiga dhigayo Deeqo haddiiba ay iyada oo kaliya ay tahay qofka safarkeyga hor taagan anigana waxaan go’aansaday in aan furo si hamigeyga uusan u halaaban.

 

Maryan Kiin:

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!