Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 2aad

by hanad | Friday, May 5, 2017 | 3982 views

May 05 (Jowhar)—Hadaan ku gartay waxaana aad ugu xumahay sida aad nolol u baabi’neyso laakiin mid ogow in nabsiga aad manta gashay uu maaliin ku keeni doono lugaha Deeqo miskiin sida aaad niyada kaga jebisay waad iska arki doontaa waaba haddii aad safarkaaga aad ku liibaanto waxaanse ka baqayaa nabsiga aad adiga galeysid inuu xataa annaga na saameeyo.

 

C/raxmaan:

 

Maya abaayo sidaan oo dhan aniga uma xumi  aniga ma dooneynin in aan furo waan ogahay wax ka yar 3 bilood in aan qabo laakiin waxay ku timid wadadii horumarkeyga qasab ayaana igu aheyd in aan sidaa yeelo.

 

Maryan oo aad ugu xanaaqday daliilaha uu walaalkeed u cuskanay ayaa inta ay ka dhaqaaqday guriga hore u sii gashay

 

C/raxmaan laf ahaantiisa inta uu albaabka ka baxay ayaa u abaaray meesha ugu sahlan uu ka qori karo warqadii furiinka

 

Deeqo sidii ay u sii socotay ayaa ay iyada iyo boorsadedii ay gurigooda tageen dumaashadeed Nasteexo oo guriga ku sugneyd ayaa markii ay aragtay ku tiri

 

Nasteexo:

 

Deeqo maxaa ku helay maxay tahay boorsadaan aad sidato?

 

Deeqo iyada oo aan hadal oroan ayaa ay gashay qolkii ay abid degnaa jirtay

 

Nasteexo oo durbadiiba qolka ka daba gashaya ayaa tiri ila hadal Deeqo sidee wax u dhaceen

 

Deeqo:

 

Wixii dhici jiray ayaa dhacay waana ley soo furay

 

Nasteexo:

 

Sidee waxaas oo dhan ku dhaceen haddiiba uu dhib jiray maxaad annaga noogu soo sheegi weyday annagaa xallin laheyn

 

Deeqo:

 

C/raxmaan miyaad ii tuugi laheedeen

 

Nasteexo:

 

Maya sidaas ma aha labadiina ciyaal ayaan tihiin waan idin caqli celin lahayn sida uusan u dhicin fudeydka iminka dhacay

 

Deeqo:

 

Maya dumaashi qofkaas xaggiisa waan ka soo dhamaaday wax celin karo maba jiro sidaan waa uu iila doonaayey waxaanse ka xumahay in aan hore u maqlin hadaladii aad I Oran jirtay.

Maantana waa Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 2 aad jowhar.com

Maantana waa Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 2 aad

Nasteexo:

 

Maya waxba dib ha u goconin wixii hore intaan ayaa qorneyd ii sheeg maxaa furiin keenay miyaad dagaasheen

 

Deeqo:

 

Dumaashi anigaba ma ogi sababta la ii furay waana sababta aan la tiiraansanahay buuq nooma dhaxeyn saaka isagoo caadi ayaa uu guriga ka baxay markii uu soo noqday waxa uu uu igu yiri waxaan jecelahay in aan walaalowno haddaba aniga maxaan oroan laha waa yahay ayaan iri waana soo baxay waxaana ku iri warqadeyda guriga igu keen.

 

Nasteexo:

 

Wey fiican tahay haddiiba uu hortaada ka Oran waan ku furay walaalkaa ayaa wacayaa si arrinta loo daba qabto

 

Deeqo oo arrinkaa aad ugu xanaaqsan ayaa cod dheer ku tiri

 

Deeqo:

 

Maya dumaashi maxaad sidaan oo dhan igu diciifineysa haddii la ii furo feer miyaa I jebisay mise curyaan ayaan ahay maya qofna lama hadleyso waxbana walaalkey ha u sheegin isagaaba warqada noo keeni doono.

 

Nasteexo waa ay gareysaday hadalka Deeqo waxayse aad ugu xumeyd oo ay la murugooneysay Deeqo oo iyada xageeda ka ah gabadheeda oo kale iyadoo ka cabsi in ay gabadha nolosha oo dhan ka quusato waa tii la yiri (GUURKAADA HORE OO HALAABO KAAGA DAMBE AYAA UU U BAASBAXAA).

 

Salaadii casir kadib ayaa uu C/raxmaan soo qaaday warqadii furiinka oo ay wax walba ay ku cad yihiin isagoo waliba hore u soo kaxeeyey labadii wiil ee marqaatiyaasha ku qornaa inta uu Deeqo u yimid farta ka saaray kuna dhawaaqay inuu 2 dalaaqadood ku furay markii uu intaa yiri ayaa uu illinka ka baxay.

 

Naxteexo oo ka xun sida ay wax u dhacayaan ayaa inta ay Deeqo qolka ugu soo gashay ayaa inta ay xabadka saartay ku tiri

 

Nasteexo:

 

Waxba ha ka xumaan ninkaan nin xumaan kale damacsan ayaa uu igula muuqdaa midse ballan iga qaad in aadan dib u goconeynin C/raxmaan iyo noloshiisa oo aadan murug is gelin weli waad yar tahay nolol ka fiican tii C/raxmaan waan hubaa wadadaada waa ay ku imaan doontaa.

 

Deeqo:

 

Waa ballan dumaashi in aan idiin murjin balse sidee u illaawaa dhamaadka deg deg ah ee uu yeeshay guurkeygii igu horeeyey sideese keyga dambe u hagaagayaa.

 

Nasteexo:

 

Wax walba xag rabbi ayaa ay ka qoran yihiin waxna ha u arkin arrinkaan adiga ayaa lagaaga baahan yahay in aad la timaado dulqaad adduunyada waa imtixaan qofba ay maalintiisa soo marto iskuna day in aadan nolosha ka cabsan oo aad hore u socoto.

 

Deeqo:

 

Waa runtaa Dumaashi nolosha waa imtixaan laakiin waxaan sugayaa maalin uu manta ka liito C/raxmaan si aan kaga aargudo isaga hadda ma moodo inuu dhibaato I biday oo uu nolosheyda ku tuntay laakiin maalintaa ayaan xag rabbi ka sugayaa.

 

Markuu maqribkii uu dumaya ayaa uu Colaad guriga ku soo noqday markii uu qubeystay ayaa Naxteexo u sheegtay in Deeqo ay joogto iyadoo waliba si tifatiran xaalka oo dhan ugu shegtay, Colaad inta uu walaashiis u galay ayaa uu ku yiri.

 

Colaad:

 

Wax walba Nasteexo ayaa ii sheegtay adduunyada wax walba waa ay dhacaan balse leysma weydiiya sidee u dhaceyn ee waxaa lagu fikiraa wixii dhacay sideee looga gudbaa marnabana ha is murjin gurigaan waa kii lagaa dhalay adigaana leh.

 

Deeqo inta ay walaalkeed u soo dhawaaday ayaa isku duubtay oo ay ku tiri aboowahey waa ka weyn tahay oo aabahey ayaa ii tahay waana kaa filaayey in aad dhiira gelintaan ii sameyneysid waana ku mahadsan tahay.

 

Colaad markii uu ka soo tagay Deeqo ayaa uu xaaskiisa ku yiri

 

Colaad:

 

Reerkaan ma jecleysan sida ay walaashey ula dhaqmeen maxaa yeelay gabadhaan shalay gogol ayaa lagu siiyey waxaana loo baahnaa in ay igu soo simaan ee ma aheyn in wadada ku soo daayaan Oday Cali gaab gabadhaan isagaa soo doonay xataa miyuu garan waayey inuu isaga aniga isoo raadiyo oo sida uu xaalka yahay ii soo sheego ileyn gabadha waa walaashey waa in aan raadiyaa oo aan weydiiyaa sida ay arrintaan ay ku dhacday.

 

Nasteexo:

 

Waa runtaa Colaad laakiin aniga waxaa ila quman in aadan raadin maxaa yeelay waxaad ula muuqaneysaa in aad walaashaa la baryootameysid balse fiiri wixii ay kula yimaadaan koley waa ay imaan kartaa in aad maalin aad kulantaa bal maalintaa arag waxa uu ku yiraahdo.

 

Colaad taladii xaaskiisa ayaa uu qaaday sidii lagula taliyey ayaa uu yeelay

 

C/raxmaan reerkiisa marnaba kuma farxin markii loo sheegay inuu saaka gabadhii furay oo ay gurigooda jirto Hooyo Xabiibo oo ahayd qof suuqley ah ayaa arrintaan aad kaga carooday oo wiilkeeda ku cannaanatay arrinka uu sameeyey Oday Cali laf ahaantiisa waa uu ka xanaaqay waxaana uu u sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu isku tashto.

 

C/raxmaan xogaa lacag oo uu aruursaday ayaa ku tashtay sidaana ku aaday safarkiisa biimada ahaa isaga iyo kooxdii dhallinyarada ahaa ayaa maalintii seddexaad baabuur ku socota magaalada Kalgacyo ka raacay suuqa bakaaraha sidaana ku billaaway safarkiisii aan la ogeyn natiijada ka dambeysa.

 

Deeqo sariirta ayaa ay la saxiibtay mar walba cunto ayaa loogu yeeraa mana cunto mudo usbuuc ah ayaa uu jirkeeda ku gurmay maalin ayaa waxaa dood dhex martay iyada iyo Dumaashideed Nasteexo oo iyada aad ula murgooday Deeqo inta ay qolkeeda u gashay ayaa ku tiri.

 

Nasteexo:

 

Deeqo maxaa ku helay oo aan isu baabi’neysaa miyaadan ogeyn ninka murugtaan kuu keenay inuu laf ahaantiisa uu mushaaxayo uuna ka warqabin dibka aad adiga meeshaan la jiiftid.

 

Deeqo:

 

Maya Dumaashi aniga lama kurboonayo isaga laakiin waxaa mar walba ii sawirmayo sida fudeydka laheyd ee aan ku guursaday iyo waliba ninkii aad iga waani jirtay oo aan ku madax adeegi jiray oo aan mooday mid isku haleyn karo oo I samata bixin kara dhib kasta oo dariiqeena ku yimaado sida uu nolosheyda u qaribay.

 

Nasteexo:

 

Looma baahna in wixii tagay aad ku fikirtid ka waran haddii Dukaan suuqa kaaga furno si aad ugu ilaawid noloshaan aad ku jirto ee murugta u saaxiibka ah.

 

Deeqo:

 

Maya Dumaashi waan ogahay in walaalkey dhaqaalo sidaa u sii buuran uusan laheyn mana doonayo in aad idiin kalifo haddaan isu arkaa in aan kiil idinku ahay.

 

Nasteexo:

 

Sidaa ha dhihin kiil naguma tihid aniga waxaan ila simana tahay gabadheyda Sihaam maalintii gurigaan la ii soo guuriyey oo aan arkay sida uu walaalkaaga kaaga fikirayo oo uu ku jecel yahay oo aad adigana aad aabe ka dhigatay ayaa aniga isu arkaayey in aan hooyadaa camal aan ahay marka sideee ku leedahay kiil ayaan idiinku ahay ma jirtaa gabar hooyadeed iyo aabaheed kiil ku ah.

 

Deeqo markii ay intaa Nasteexo tiri ayaa inta ay soo istaagay ooyin Nasteexo kula dul dhacday oo ay tiri waa ku baryaa waan qaldamay lagama yaabo in aan maalin kale aan afkeyga kalamadaas oo kale aan soo mariyo.

 

Nasteexo oo ah qof caaqilad ah isla markaana fursadaan ka faa’ideysaneyso ayaa tiri

 

Nasteexo:

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!