Qurbe: Gurigii Qabiilka !!! (Waxaa qoray MM Dhoore)

by A M | Thursday, May 11, 2017 | 3064 views

21 july 2012 aroor sabti Ayaan imid magaalada London ee xarunta dalkaan boqortooyada midoowde ee U.K loo soo gaabiyo.

Waxa ay ahayd maalin soon ah,subixii Ayaan yara seexday balse galabtii Ayaa rag asxaab ah waxa ay ii ka xeeyeen maqaaxi  ku taala galbeedka London oo soomaali ay lee dahay.

Anigu waxaan ku dhashay kismaayo basle nolosheeyda inta badan waxaan ku soo qaatay Muqdisho  wali ma arkin qof si toos ah ii dhaha yaa tahay ama waayo qabiilkaaga waxaana dulucda hadalkaan ula jeedaa London ayeey ahayd meeshii iigu horeysay ee qabiil la igu weydiiyo waliba qof markaas iigu horeysa oo aan waligeey arag

Markii aan maqaayada tagnay,  halkaas isaga sheekeysanay aniga iyo asxaabtii ila socotay oo aan afurka ku sugeynay

Nin aan dadiisa ku qiyaasay 50 iyo kabadan ayaa sheekadeena dhagta u raariciyay markaas ayuu ragii ila socday ku yiri yuu yahay ninkaan ,aniga waxaan u qaatay wareysi caadi ah waxaan ku iri adeer waxaan ahay maxamed dhoore wariye xamar saakay un ka yimi,wuxuu iigu warceliyay war waxaan ka hadlayaa qabiilkaaga  hadalkaasi aaad ayuu iiga fajiciyay waayo qof qurbaha u soo qaxay oo colaad iyo balaayada qabiilku sababay ka soo cararay ayaa sidaa u hadlaya ma aaminsaneyn,ninkii odayga ahaa hadalkii ayuu sii waday balse aniga waan soo afjaray sheekadii  meel kale Ayaan ragii ku iri ina fariisiya

Taasi waa qibradii koowaad ee qabiilka London wixii intaa ka danbeeyay waxaan maalin kasta maqaayadaha soomaalida iyo xafladahaba ku arkayay wax qalbigu ka gilgisho

Sheekada ugu cajiibka badan waxay dhacday 9 bsihaan May oo madax badan oo soomaali ah ay yimaadeen London si ay uga qeyb galaan shirkada soomaalida

Garoonkii ayaa xaafad xaafad loo kala istaagay nin walbna calan gooni ah ayuu la soobaxay waxaad moodaa in ciyaaraihii olombikada la marao oo dal kasta calankiisa soo bandhigayo

Waxaa goobta laga waayay ama ku yaraa calankii qaranka soomaaliya

Waxaa kaloo wax lala yaabo ah in ay xitaa xafladhii mdieysan waayaan oo qolo kasta hool kireysatay

Dadkaan ahadii ay soomaaliya ku laabtaan lagama yaabo in horumar keenaan waa dad qabiilku qalbiga ka dagay badankooda oo soomaalinimada ay ku yartahay waliba ku faanaya maamulda iyo calaladooda

Marka runta laga hadlo dhulkii hooyo hada qabaal waa ka dhamaaday marka laga reebo hanaankan baas ee wax lagu qeybsado

Waxaa qoray MM Dhoore

Like it? Share it!