Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 3aad

by hanad | Friday, May 12, 2017 | 3743 views

May 12 (Jowhar)—Haddiiba aad ii aragto in aan hooyadaa ahay warkeyga ha diidin anigaa walaalkaa u sheegayo dukaan yar ayaa suuqa lagaaga furaya adiga caraf caraftaada ka raadso iskuna mashquuli waxaa laga yaabaa xataa inuu nasiibkaaga meesha kugu imaan doono.

 

Deeqo waa ay aqbashay hadalkii ay Dumaashideed u soo jeedisay Colaad laf ahaantiisa fikirka nasteexo waa la dhacay waana uu aqbalay in gabadha la mashquulayo si aysan nolosha ugu dhibtoon.

 

Colaad oo ahaa nin karti ilaahey u dhaliyey kuma dhibtoon inuu qol yar ugu soo helo suuq boocle walashiis durbadiiba waa uu camiray sidaa ayaa ay Deeqo ganacsigii yaraa ee nolosheeda laga kabayey ugu billaawday suuq boocle oo ay si fiican u gareyneysay.

 

C/raxmaan laf ahaantiisa safarkiisii biimada ayaa galay wuxuu rafaad badan la sii kulmaba waa uu tagay dalka Yeman iyadoo xataa doontii uu la socday ay bad weynta ku sii qariqantay wallow isaga iyo asxaabtii la socotay ay ka badbaadeen balse rafaad badan kadib ayaa uu gaaray dalka Yeman halkaas oo kaga go’day lacagtii yareyd ee uu heystay waxayna danta ku qasabtay inuu baabuur ka dhaqo halkaas si uu ugu yaraan nolohiisa u daboolo iskabaa daayee inuu ku fikiro inuu safarkiisa sii wado kaas oo uu ku fikiraayey inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku gaaro dalka Sacuudiga oo hamigiisa ahaa inuu halkaas ka shaqeysto.

 

Dhinaca kale Deeqo ganacsigeedii yaraa ee lagu mashquulinaayey ayaa meesha ka sii waday iyadoo illaahey talada saaratay si uu ugu guuleeyo nolosheeda waxaana suuqa isku barteen Liibaan oo ahaa wiil laf ahaantiisa suuqa ganacsi ku lahaa Liibaan waxa uu ahaa wiil dhalinyaro oo illaahey ku maneystay caqli wuxuuna la noolaa hooyadiis isagoo aabahiisna uu dhintay halka gabar la dhalatay laga qabay dalka Masar Liibaan waxa uu ahaa nin hooyadiisa masuuliyadeyda saaran tahay isagaana kaabi jiray nolosha hooyadiisa waxaana ay degnaayeen  xaafada Xoosh oo aan sidaa ugu fogeyn halka ay degan yihiin Deeqo, Liibaan xaafada waa ay ku cusbaayeen oo mar dhow ayaa ay soo degeen oo ay guri ka iibsadeen.

Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 3aad Jowhar.com

Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 3aad

Liibaan tan iyo markii ay Deeqo suuqa dukaanka ka furatay il gaar ah ayaa uu ku haayey wuxuuna u arkaayey in ay tahay gabadhii uu in muda ah uu raadinayey oo ay noqon karta mida kaliya ee nolosha la qeybsan karta wuxuuse aad u dhowrayey fursada ugu horeysa inuu ugu sheegto waxa ay qalbigiisa ku jira.

 

Liibaan waxa uu billaaway mar walba uu firaaqo dareemo inuu u sheeko doonto dukaanka Deeqo waxaana halkaa dhowr jeer ku aragtay Nasteexo oo ay xataa is barteen Nasteexo aad ayaa ugu heshay Liibaan waxayse habeenkii dambe markii ay Deeqo suuqa ka soo hooyatay ay weydiisay.

 

Nasteexo:

 

Deeqo arrin ayaa rabaa in aan ku weydiiyo hana iga xanaaqin

 

Deeqo:

 

Waad I weydiin kartaa balse Arrin noocee ah dumaashi

 

Nasteexo:

 

Wax kale ma aha waa arrin ku saabsan wiilka Liibaan ah

 

Deeqo:

 

Jooji warkaas waan ku fahmay aniga iyo Liibaan waxba nagama dhaxeeya waxaan u dareemayana ma jiraan

 

Nasteexo:

 

 Waa dhici kartaa in aadan waxba u dareemin balse sow lagama yaabo inuu isaga wax kuu dareemayo

 

Deeqo:

 

Waa yahayee damaciisa iyo waxa uu dareemayo aniga maxaa iga galay

 

Nasteexo:

 

Hadaad xanaaqday waan kaa deynayaa mowduucaas

 

Deeqo:

 

Wey fiican haddiiba aad iga deyneysid sida aad wax u dareemeysid wax umana jiraan Dumaashi

 

Nasteexo markiiba waa ay ka tagtay markii ay dareentay in dumashideed aysan ogoleyn ka hadalka ninkaas

 

Liibaan howshiisa uu ku ugaarsanaayey Deeqo marnaba ma uusan joojin wuxuuna go’aansaday inuu gurigooda uu ku booqda wuxuuna u arkaayey in halkaas ay tahay meesha kaliya uu ugu sheegi karo rabbitaankiisa wuxuuna durbadiiba go’aansaday in isla caawa uu abaaro gurigooda si uu bareerahiisa ugu sheegto wuxuu aad ugu kalsoonaa Nasteexo oo uu aaminsanaa in uu ka helayo soo dhaweyn wacan balse nasiib daro Liibaan isaga xaalka dhabta ah ee Deeqo marnaba ma uusan heyn wuxuu kaloo Nasteexo u doonaayey in uu warbixin buuxa oo Deeqo ku saabsan xataa uu ka helo wuxuuna aad ugu cabsi qabay in nolosheeda uu nin ku jiro.

 

Habeenimadii ayuu liibaan inta uu si billacsan u lebistay ayaa uu tiigtay xaafadii Deeqo waxaana illinka guriga ka furtay Nasteexo oo ku soo dhaweysay inuu guriga soo galo markii uu fadhiistay kadib ayaa loo sheegay in Deeqo ay iminka baxday oo ay hore u sii raacday gabar ay saxiibo yihiin oo u timid wuxuuna sheeko dheer uu la yeeshay nasteexo sheekadoodiina sidaan ayaa ay u dhacday.

 

Nasteexo:

 

Liibaanoow aad ayaan ugu xumahay in habeenkii ugu horeysay ee aad gurigeena timid in haddana ay Deeqo maqan tahay dhabtii dabeecadaheda kama mid ah in ay habeenkii baxda laakiin caawa gabadhaan oo u timid ayaa ay raacday.

 

Liibaan:

 

Dhib malaha qofka waa uu daneysan karaa anigaba uma sheegin in aan u imaanayo ee nin damac kaliya uu wado ayaan ahay Dumaashi

 

 

Nasteexo:

 

Aniga mar hore ayaan kaa dareemay laakiin dumaashidey adiga weli lama hadlin soow maaha

 

Liibaan:

 

Haa dumaashi cabsi ayaa mar kasta I reebta maxaa yeelay Deeqo waa qof inta badan aan furfurneyn hadana hadalka badan kama hesho

 

 

Nasteexo:

 

Dumaashidey gabar furfuran waa ay aheyd laakiin guurkeeda hore deg dega uu ku burburay ayaa sidaan ka dhigay

 

Liibaan oo arrinkaan la yaab ay ku noqoday ayaa yiri

 

Liibaan:

 

Deeqo hore miyey u guursatay?

 

 

Nasteexo:

 

Maxaa dhacay liibaan arrintaan lama socotid miyaa

 

Liibaan:

 

Maya yaa ii sheegayo iyada iima hadasho aniga waa is baray laakiin iyada nolosheeda waxba igama sheegin taa waxaan u arkaayey inaysan waxba ii dareemeynin xataa markaan suuqa wada joogno Kama hesho in aan xilli kasta aan la joogo marka sideen ku ogadaa.

 

 

Nasteexo:

 

Liibaanoow wax aan kaa qarimaayo ma jirto Deeqo hore ayaa ay guursatay wiil ay muda saaxiibo ahaayeen misana guurka kadib malaha isfaham daro ayaa timid taa ayaana ugu wacnaa furiinkeeda kadibna guriga markii ay ku soo noqotay gabadha in ay disappoint noqota ayaan ka baqnay waxaana ku mashquulinay ganacsigaan yar oo aan u furmay, wallaahi aniga agteeda markaan kugu arkay aad ayaan kugu farxay waxaana mar walba Deeqo ugu duceeya in illaahey uu calafkeeda uu ka dhigo wiilkii ay u qalantay maxaa yeelay Deeqo waa gabadheyda oo kale waana gabar aad u fiican oo waxgarad ah.

 

Liibaan:

 

Waa runtaa Deeqo waa gabar fiican aniga laf ahaanteyda mudo ayaan guur Doon ahaa waxaana intaa aan la’aa gabadh I qancisa dhabtii aragtidii ugu horeysa aad ayaan ugu helay dhabtiina rabbitaankeyga ma badali doono in ay hore u guursatay oo ay garoob tahay.

 

 

Nasteexo:

 

Dhabtii aniga waan kuu arkaa in aad tahay wiil nolosha ay u qalanta Deeqo siin Kara laakiin ogow waxaa lagaaga baahan yahay dulqaad iyo samir maxaa yeelay weli dumashidey waxaa qalbigeeda ka guuxayo oo la weyn sida deg dega ah ee uu guurkeeda ku burburay.

 

Liibaan:

 

Waa ballan in aan maquuste noqdo

 

Liibaan cabbaar markii uu la sheekeeyey isla markaana ay weli maqan tahay Deeqo ayaa uu go’aansaday inuu iska baxo waxaana uu nasteexo u sheegay in uu habeen kale oo uu imaan doono, in cabbaar markii uu sii maqnaa ay Deeqo guriga ku soo noqoday markii loo sheegay in Liibaan uu u yimid ayaa iyada aan jecleysan ayaa ay durbadiiba ay qolkeeda gashay.

 

Dhinaca kale ninkii C/raxmaan ahaa weli waxa uuu ku sugnaa dalka Yeman weli waxa uu la xarbinaayey nolosha waxaana aad ugu adkaa inuu ku noolaado noloshaas xataa ma uusan heli Karin lacag yar uu ku soo Waco reerkiisa si lacag loogu soo diro maxaa yeelay labada Riyaal uu maalintaas soo shaqeysto Kama badneyn ceyshka uu naftiisa ku sasabo.

 

Balse markaan C/raxmaan waxaa moodaa in xoogaa if yar ay nolosha ka soo gasho wuxuuna magaalada kula kulmay wiil ay beri iskuul wada dhiganayeen oo halkaas iyo yurub ka yimid kaas oo reerkiisa y ku noolaayeen dalka Yeman una ballan qaaday inuu ka bixinayo lacagta uu xadka Sacuudiga kaga gudbi karo, rajada soo gashay C/raxmaan ayaa aheyd mid wanaagsan wuxuuna aad ugu kalsoonaa in Ismaaciil uu ka bixinayo lacagtaas uu u baahan ee ka gudbin karta xadka isla markaana siin karta nolol ka fiican tan uu iminka kala kulmay dalka Yeman.

 

Balse liibaan ayaa weli ka guul keeni la’ jaceylkii uu u qabay Deeqo dhowr habeen kale oo uu booqday guriga Deeqo arrintaan waxa ay aad kaga careysiisay Nasteexo oo ku cannaantay sababta ay habeen walba guriga ugu cidleyneysa wiilkaan iyada u soo haasaawo yimid balse hadalka Deeqo waa uu cadaa waxayna warka ku soo koobtay in aysan marnaba diyaar u aheyn in ay dhageysato waxa uu wado.

 

Nasteexo oo aan jecleysan sida ay dumaashideed u dhaqmeysa ayaa ka daashey si kasta oo warka ugu sheegto dumaashideed balse ugu dambeyntii ayaa ay Liibaan samirka ku boorisay Liibaanse wax uu ahaa nin dulqaad iyo samir ku soo tashtay kuna dhaartay inuu ka miro dhaliyo jaceylkiisa ugu horeeyey ee uu gabar u qaaday.

 

Liibaan oo taa ka duulayo ayaa habeenkii dambe markii uu guriga Deeqo yimid waxa uu fursad u helay inuu Deeqo la kulmo waxaase habeenkaas dhacay arrin uusan ku fikirin Liibaan kadib markii ay madaxiisa ay ku dagaaleen iyada iyo Dumaashideed oo iyada aheyd qof mar walba u coddeyneysay Liibaan balse abukaatonimadeeda waxaan ka helin Deeqo oo habeenkaa hadalo kalafsan kula hadashay isla markaana kaga digtay in aysan marnaba soo gelin arrimaheeda Liibaan oo buuqooda maqlaayey iska markii uu isku dayey inuu soo dhex galo oo uu ka soo baxo qolkii fadhiga oo uu ku jiray ayaa waxaa ka hor timid Deeqo oo aad u xanaaqasan ayaa ay ku tiri.

 

Deeqo:

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!