Gaari lagu jiirsiiyay dad marayay wado magaalada New York (Sawiro)

by mahad | Thursday, May 18, 2017 | 4043 views

May 18 (Jowhar)—Gaari ayaa dad lagu dardarsiiyay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada New York waxaana la sheegay inay ku dhimatay gabar 18 jir ah halka 22 kalana ay ku dhaawacmeen.

Richard Rojas, oo ah 26 jir ayaa la sheegay inuu waday gaariga waxyeelada geystey waxana uu ninkan hore uga tirsanaa ciidamada Maraykanka.

Gaariga uu waday ninkan ayaa ku cararayay xowli ka badan kala bar inta la oggolaa in lagu maro wado dad badan ay lugeeyaan bartamaha magaalada New York.Hase yeeshee gaariga ayaa markii dambe istaagay kadib markii uu ku dhacay baale wadada dhinaceeda surnaa.

Wadaha gaariga ayaa la sheegay inuu sarkhaansanaa isagoo qirtey markii ay boolisku qabteen inuu soo cabay xashiishad kahor inta uusan gaariga kaxeyn.

Dadka ku dhaawacmay shilkan oo gaaraya 22 ruux  ayaa toddobo ka mid ah xaaladoodu liidataa iyadoo lagu daweynayo isbitaal hase ahaatee 15 ka mid ah dadka waxyeeladu soo gaartay ayaan u baahan isbitaal.

 

Like it? Share it!